Cishqi.com - Isha Arimaha Jaceylka & Bulshada
Cishqi.com waxaad ka heleysaa In kabadan 3000 oo erayo jaceyl ah gaar ahaan kuwo Somali iyo English ah, kuwaasoo ay isu diri karaan lamaanaha sida dhabta ah isu jecel.


How to Date a Somali Girl: Insights and Tips

Sida gabar loo siito qaab yara cajiib ah

Erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga
Maxaan ka faa'iidayaa Website ka Cishqi.com?
Marka hore Ku soo dhawoow Website ka Cishqi.com – Somali Website, haddii aan si kale u iraahdo isha arimaha jaceylka, bulshada iyo raaxada guurka. Waxaa farxad inoo ah inaad soo heshay boggeena, bogga aad kala socon doonto arimaha jaceylka iyo bulshada. Waxaad raadineysaa Somali Website oo aad ka heli karto erayo jaceyl oo macaan ah gaar ahaan kuwo isugu jiro Af Somali iyo English? Hadaba uma baahnid in aad meel kale ka sii raadiso. Maxaa yeelay waxaa timid Website ka saxda ah. Cishqi.com waxaad ka heli doontaa in ka badan 3000 oo maqaalo jaceyl ah oo isugu jiro Somali iyo English, kuwaasoo akhristayaasheenu xiiso gelinayo. Sidoo kale haddii aad xiiseyso akhrinta buugaag Soomaali ah waxaad ka heleysaa boggeena.
Erayo jaceyl ah
Arimaha jaceylka
Arimaha Guurka
Jaceylka dhabta ah
Sheekooyin jaceyl ah
Somali to English
Somalia Beaches
Siduu Ku Noqday Cishqi Somali Website Kan Loogu Jecelayahay?
Dhalinyarada marka ay maqlaan magaca Cishqi.com – Somali Website, durbaba waxaa qalbigooda buux dhaafiyo buugaagta jaceylka ah iyo kuwa taariikhiga ah ee aan la wadaagno dhalinyarda Soomaaliyeed. Hadaba maxaa kale oo aan la wdaagnaa dhalinyarda? Cishqi waxa uu sidoo kale dhalinyarada xiiseyso arimaha jaceylka iyo bulshada ugu talo galay in uu la wadaago qormooyin cajiib ah, kuwaasoo dhalinyarada Soomaaliyeed wax badan ka caawin doono. Qormooyinkaasi xiisaha leh waxa ay ku baxayaan af Somali iyo English, waxaana ka kamid ah qormooyinkaan soo socdo. Haddii aad jeceshahay in aad akhrisato, waxaad u baahan tahay kaliya in aad gujiso ama aad taabato.
Cishqi - Somali Website ka baro erayo jacayl oo qiiro leh
Ma tirin karo inta aan maqlay, Cishqi waxaa ihayo jacayl, mana aqaano erayo jacayl ah oo aan ku soo jiito lamaanaheyga, ma iga caawin kartaan? Jawaabta: Dabcaan haa. Sida loo qoro erayo jaceyl gaar ahaan erayo qiiro leh ma ahan wax adag. Si fudud ayaad halkaan ugu baran kartaa. Sida aan akhristayaal fara badan kaga caawinay erayo jacayl gaar ahaan erayo macaan ah ayaan adigana kaaga caawin karnaa. Markuu jacayl dhab ah ku haayo waxaa kaa lumayo jihada, waxaad seegeysaa hurdada, waxaa lagu horkeenayaa arageeda cajiibka ah, waxaana had iyo jeer ka fikireysaa qofka aad jeceshahay iyo sida aad u soo jiidan lahayd. Taasina waa wax caadi ah. Barashada erayo jacayl gaar ahaan erayo qiiro leh ma ahan sida cilmiga diyaaradaha, halkaan ayaad ka baran kartaa. Ma lihi ikhtiyar kale mana lihi awood kale oo aan wax ku jeclaado waayoo qalbigeyga adiga ayaa durbaba camiray. Erayadaasi iyo erayo kale oo ka cajiibsan waxaad ku baran doontaa halkaan.
Cishqi kala soco musalsalka tamaashaa
Waxaad xiiseysaa musalsal cusub qaasatan musalsal af somali ah sida cishqi tamaashaa? Hadaba halkaan waa halka saxda ah ee aad ka heleyso. Markuu Cishqi ku hayo uma baahnid kaliya daawashada cishqi tamaashaa ee sidoo kale waxaad u baahantahay inaad wax ka ogaato guud ahaan arimaha jaceylka. Dabcan linkiga hoose ayaad ka heliu karaa, kaliyada waxaad u baahantahay in aad gujiso.
Website ka Cishqi ka baro erayo naxariis badan
Baro erayo jaceyl gaar ahaan erayo naxariis badan. Mar walbaa oo aad fariin ii soo dirto waxaan ku xafidaa qalbigeyga. Mar walbaa oo aad i eegto waxaan ku keydiyaa xusuusteyda. Eray walbaa oo aad i tiraahdo waxaan u gudbiyaa maskaxda. Adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda. Erayadani iyo erayo kale oo ka qurux badan waxaad kaga bogan doontaa net, isha arimaha jaceylka.
Cishqi Website wuxuu kuu diyaariyay Geeraaro jaceyl oo xul ah
Sawirkaagu inanyahay
Soo jiiday dhaayaha
Sanqaroorka kugu yaal
Sunniyaasha kala rogan
Sida aad u dhigan tahay
Soomaali idilkeed
Ka soocday dumarkee
Ha sii daynin caashaqa
Cishqi Website ka daawo hindi af Somali ah
Markaan yaraa waxaan xiiseyn jiray daawashada filimaanta hindiga ah. Maxaa yeelay waxaan ahaa dhalinta aadka u xiiseyso filimaanta hindiga kuwooda jaceylka ah sida hindi af somali cishqi. In aan xiiseeyo aflaanta hindiga ah waxa ay sabab u noqoto in aan ka mid noqdo qoreyaasha Cishqi kuwaaso jecel in ay dhalinta la wadaagaan wararka filimada cusub iyo guud ahaan sheekooyinka jaceylka.
Cishqi kaga bogo sida loo soo jiito qalbiga lamaanahaaga
Markaad lamaanahaaga jeceshahay, waa laga maarmaan inaad soo jiidato qalbigeeda ama qalbigiisa. Sida loo soo jiito qalbiga lamaanahaaga waa wax fudud, haddii aad adeegsato erayo jaceyl gaar ahaan erayo dareen leh. Noloshu dhadhan ma yeelato jacayl la,aantii. Jaceylkuna macaan ma yeesho kalsooni la,aantii. Kalsooniduna ma ahan mid dhalata farxad la,aan. Farxaduna ma ahan mid timaado naxariis la,aan. Naxariistuna waa qofka aad jeceshahay. Markaad lamaane leedahay waxaad u baahantahay soo jiidashada qalbiga lamaanahaaga. Sida loo soo jiitana ma ahan barashada cilmiga gantaalaha oo kale. Waa wax aad ufudud oo aad halkaan ku baran karto.
Guurka waa raaxo
Nolosha bilaa raaxo ma lahaanyeyso wax dhadhan ah. Sida darteed waxaan qormooyinkeena ka mid ah raaxada guurka, sida aad ugu raaxeyn lahayd lamaanahaaga weliba raaxo waali ah. Lamaanaha sida dhabta ah u wadaago raaxada guurka waxa ay dhahaan guurka kadib: Waxaan kuugu yeeraa boqorkeyga/boqoradeyda Maxaa yeelay waxaad iga dhigtay boqorad/boqor. Xirirkeenii waxaad u bedeshay janno mana rabo inaa nolaado adiga la,aantaa.
Isha Arimaha Jaceylka waa warqaad nuucee ah?
Warqaad kasta lagama helo qormyooyin faaiido u leh dhalinyarada, waana sababta uu bogeena uga duwan yahay website yada kale. Boggeena waxa uu dhiiro geliyaa dhalinyarada, maxaa yeelay dhalinyaradu waa ubaxa mustaqbalka. Ma faafino wararka siyaasada sida website yada Soomaalida oo ay kamid yihiin, Allbanaadir, Warqaad, BBC Somali iyo Caasimadda ee waxaan faafinaa farxada jaceylka. Cishqi.com waxaad ka heleysaa maqaalo cajiib ah oo ay dhalinyaradu u riyaaqaan.
Aragtida Akhristayaasheena
Akhristayaal fara badan oo ku xiran bogeena waxa ay jecleysteen in ay nala wadaagaan aragtidooda, waxa ayna inoo soo diraan su’aalahooda. Of course waxaan u dirnaa jawaabo ay ku qancaan. Haddii aad adiguna jeceshahay in aad nala wadaagto aragtida iyo su’aalaha aad qabto, waxaa inoogu soo diri kartaa halkaan.




Buugaag Soomaali ah
Inaad dhisto guri qurux badan waxa ay ubaahantahay waayo aragnimo. Boggeena wuxuu kaa saacidi doonaa helida buugaag af Soomaali ah iyo dhisida guri qurux badan oo farxad iyo kala dambeyn leh. Waxaan kula wadaagi doonaa buugaag wax badan noloshaada ka bedeli doono iyo talooyin wax ku ool leh, baahidaadana dabooli doonto insha Allah. Haddii ay jiraan buugaa kale ama ay jiraan waxyaabo kugu adag misana aad jeclaan lahayd inaan kula wadaagno waxaad xaq u leedahay inaad nala soo xiriirto. Qoreyaasha boggeena waxa ay had iyo jeer u taagnaan doonaan saacidaada iyo haqabtirka baahidaada.
Maqaalo jacayl ah oo soo jiidasho leh
Wax ka baro shalay, ku noolow maanta, berina rajeey. Waxa ugu muhiimsan inaadan joojin waa su,aal galinta – Albert Einstein. Haddii aan sii faahfaahiyo waxaa loola jeeda sidaan: Sidee qof jaceyl ugu abuuri karaa? Qaabkee loola hadlo gabdhaha? ma iga caawin kartaa waxyaabahaas? Muhiimadu waxa ay tahay waa in aad su,aal galin karto wax walbaa oo qalbigaada ka dhex guuxayo. Sidee darteed haka baqan sheegida dareenkaaga, xusuusnow waxaad qarsato weey ku qarsadaan. Halkani hoose waxaan kuugu diyaarinay waxyaabaha ugu muhiimsan ee nolosha. Ka bogasho wacan, Cishqi.com.
Privacy Overview
Cookie | Duration | Description |
---|---|---|
cookielawinfo-checkbox-analytics | 11 months | This cookie is set by GDPR Cookie Consent plugin. The cookie is used to store the user consent for the cookies in the category "Analytics". |
cookielawinfo-checkbox-functional | 11 months | The cookie is set by GDPR cookie consent to record the user consent for the cookies in the category "Functional". |
cookielawinfo-checkbox-necessary | 11 months | This cookie is set by GDPR Cookie Consent plugin. The cookies is used to store the user consent for the cookies in the category "Necessary". |
cookielawinfo-checkbox-others | 11 months | This cookie is set by GDPR Cookie Consent plugin. The cookie is used to store the user consent for the cookies in the category "Other. |
cookielawinfo-checkbox-performance | 11 months | This cookie is set by GDPR Cookie Consent plugin. The cookie is used to store the user consent for the cookies in the category "Performance". |
viewed_cookie_policy | 11 months | The cookie is set by the GDPR Cookie Consent plugin and is used to store whether or not user has consented to the use of cookies. It does not store any personal data. |