About us

Waxaa timid halkaan waxaana rabtaa inaad ogaato waxa Cishqi.com aad ka heli karto, Hadaba waa su,aal wanaagsan. Halkani waxaad ka heli doontaa talooyin wax ku ool ah iyo ficiladood. 

Ujeedada bogaani loo aasaasay ayaa ah iney ka caawiso haqabtirka baahidaada. 

Ciqshi.com kaama caawin doono kaliya erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh ee wuxuu kaa saacidi doonaa sida aad ugu qaabili lahayd lamaanahaaga qaab dabacsan iyo wixii ka sareeeyo. 

Maqaaladeena waxaan kugu tuseynaa sida aad shan daqiiqo gudahood aad lamaanahaaga ku soo xero gelin karto. Kaliya waxaad ubaahantahay  inaad raacdo tilmaamaha aan soo bandhigi doono.

 Waxaan ku siin doonaa qishash kuwaasoo kuu suurto galinayo inaad noqoto qof isku kalsoon. 

Haddii aadan weligaa shukaansi sameynin waxaa fiican inaad marka hore soo dhisto kalsoonidaada. Sabab? Sababtoo ah kalsoonidu waa waxa ugu horeeyo ee kuu suurto gelin karto helida lamaanahaaga. 

Haddii aan nahay dhalinyaro waxaan mar walbaa ubaahannahay adeegsiga erayo jaceyl oo aad u macaan si aan u soo xero gelinayo lamaanaheena. Xusuunow Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto. Waa waxa ugu adag ee la kasbado iyo waxa ugu xanuunka badan ee la waayo. Xushmad la,aan jaceylku wuu lumaa. Daryeel la,aan jaceylku waa caajis. Daacad la,aan jaceylku waa bilaa farxad. Aaminaad la,aan jaceylku waa sida hirka badda oo kale. 

Macnaha waa mid aanan fadhin. Goorta aad tiraahdo waan ku jeclahay, waxaad balan ka qaadeysaa qof kale qalbigiisa. Jaceylku ma ahan qiiro oo kaliya ee waa ficil. Sidaa darteed Cishqi team waxay xil iska saarayaan iney ka saacidaan baahi walbaa oo aad qabto. 

Qoreyaasha Cishqi waa kuwo waayo aragnimo iyo aqoon u leh  ariamaha jaceylka misana wax walbaa oo ay cishqi.com ku qorayaan ay yihin kuwa ay iyaga tijaabiyeen. Sida darteed waxaan aaminsanahay inay adigana wax badan kaa saacidi doonaan. 

Waxaan kuu fududeyneynaa wax aad ku dhibtoon lahayd misana laga yaabo inaad ka qaado qalbi jab. Si kastaba ha noqotee waxba haka welwelin anagaa kaa caawin doono gaarida guusha hadafkaaga.

Cishqi.com waxaa ku xiran dhalinyaro isugu jiro gabdho iyo wiilal kuwaasoo si joogto uga faaideysto qormooyinkeena cajiibka ah ee aan u soo diyaarino. Adigana waxaa fileynaa inaad kuwaasi kamid noqon doonto markaad akhrisato erayada cajiibka ah, sheekooyinka xiisaha leh iyo geeraarada qalbiga taabanayo. Ku baashaal Cishqi.com. Faafiyaha farxadda.

Halabuur

Waxaan u leenahay hal abuur curunta erayada iyo geeraarada.

Aqoon

Waxaan u leenahay aqoon xirfadeeda arimaha bulshada iyo jaceylka.

Waayo Aragnimo

Waxaan u leenahay waayo aragnimo arimaha bulshada, jaceylka in ka badan 10 sano.

About Cishqi

Waxaan soo bandhignaa maqaalooyinka ugu xiisaha badan.

Akhristayaasheena waa kuwo aanan ka daalin akhrinta maqaaladeena. Maxaa yeelay waxaan jecelnahay farxad gelinta qoysaska iyo dhalinyarada haasawaha ku jirto. Halmar oo aan qalbigiina farxadgelino ayaa waxa ay inoo tahay wax weyn. 

Boggeena Cishqi waa bog ka duwan website yada kale

Sababtoo ah waxaan soo bandhignaa wax aadan ka heleynin website yada kale.

Adeeg joogto

Inaan akhristayaasheen qormooyin xiiso leh u soo diyaarino waa balwadeena.

Farxad

Inaan farxadgelino dhalinyarada waa wajib ina saaran.

kalsooni

Dhisida kalsoonida akhristayaashenu waa waxa ugu horeeyo ee aan ka dhisno.

Haqabtir

Haqabtirka dhalinyarada waa sababta aanu boggaan u sameynay.

Waxaad qabtaa su,aalo ama aragti

Waxaan kuu diyaarinay team u taagan ka jawaabida su,aalahaaga iyo aragtidaada. Sidoo kale haddii ay jiraan wax aadan bogeyna ka helin misana aad jeclaan lahayd inaan kula wadaagno, waxad ku soo diri kartaa halkaan hoose adigoo riixayo oo kaliya. Bottonkaan hoose.

Translate »