Adeegyada Salaam Bank Somalia

Waxaad raadineysaa warbixin dhameystiran oo ku saabsan adeegyada Salaam Bank Somalia? Hadaba waxaad joogtaa halka saxda ah.

Halkani kama bogan doontid kaliya warbixinta guud iyo adeegyada Salaam Somali Bank ee sidoo kale waxaad kaga bogan doontaa dhamaan adeegyada bangiyada Somalia ka jiro guud ahaan. Tusaale ahaan halkaan waxaan ku diyaarinay adeegyada bangiga Premier Bank Somalia.

adeegyada salaam bank, salaam somali bank, adeega bangiyada, somalia banks, banks in somalia

Maxaa kamid ah adeegyada Salaam Bank?

Marar badan marka aan rabno in aan sameysano akoon (Bank Account) waxaan ku wareernaa bangiyada tirada badan ee dalkeena ka jiro iyo adeegyadooda. Taasi waxaa sabab u ah in bank walbaa uu leeyahay wax uusan lahayn kan kale, waana sababta aynu u jecleysanay inaan kula wadaagno war bixin faah faahsanna, kaa siino adeegyada Salaam Bank Somalia.

Tusaale:

  • Salaam Bank Customer care
  • Salaam Bank Online Banking
  • Salaam Bank App
  • Salaam Bank Services
  • Salaam Bank Visa card

Sidoo kale waxaan is weydiinaa waa kee banigaga ugu adeega fiican dalkeena Somalia? Maxaase ku xushaa, haddii aan sameysanayo Bank Account sida Salaam Somali Bank oo kale?

Jawaabta waa mid fudud. Inta aanan uguda gelin xulashada bangiyada iyo sida ay u kala fiican yihiin, aan ku hormarno adeegyada Salaam Bank iyo waxa uu macaamiishiisaa ugu talo galay. Waxaa jiro adeegyo badan oo uu sameeyo bangiga Salaam Somali Bank waxaana kamid ah:

1. Salaam Bank Open Account (Furashada Akoonada)

Salaam Bank open account

Waxaad jeceshahay in aad dalkaaga ku isticmaasho bangi kii ugu dambeyay ama waxaad rabtaa inaad dunida dacaladeeda ku dalxiisto adigoo rabo inaad si fudud lacag u gala baxdo meeshaa doonto, hadaba Salaam Somali Bank wuxuu diyaar kuula yahay inuu kuu furo bank account oo caalami ah (Salaam Bank open account).

Haddii aad leedahay shirkad gacansi ama aad tahay shakhsi, adeegyada Salaam Bank waa mid heer sare ah oo ku raali galinayo. Salaam Bank iyo akoonada aad ka heli karto.

  • Current Account oo ah akoon dhaq dhaqaaq samaynaya
  • Saving Account oo ah akoon kayd ah

2. Salaam Bank Visa Card

salaam bank visa card

Marka aad dunida daafaheeda wareegeyso waxaad u baahantahay in aad heysato Visa Card waayoo adeega Hormuud EVC waa mid ku eg kaliya dalkeena hooyo ee Somalia. Hadaba si aad aduunka ugu raaxeysato si fududna aad lacag kula baxdo ama aad wax ku bixiso, sameyso Salaam Bank Visa Card, waa Visa Card oo aad lacag ku shubanayso, lacagtaasna aad dunida meel kasta kala bixi karto, adiga oo u isticmaali kara lacagta kaarka kuugu jirta sadex qaab:

  1. In aad lacagta kala baxdo machine-nada lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM
  2. Inaad internet ka wax kaga iibsato sida ( buugaag, soft word, Ticket IWM)
  3. Inaad dukaanada shopping ka kaga gadato adiga oo isticmaalaya machine ka loo yaqaan Point Of sale

3. Adeega Kaaftoon

Adeega Kaaftoon waa mid kamied ah adeegyada Salaam Bank, waana adeeg kuu sahlaya inaad lacagta kuugu jirta akoonkaaga (your Salaam Bank account) kala bixi karto, ama aad dhigan karto adiga oo adeegsanaya Mobile-kaaga Golis xili kasta, khidmad la’aan.

adeega kaaftoon, kaaftoon

4. Adeega SWIFT

Salaam Bank SWIFT waa adeeg kuu fududaynaya inaad lacag udiri kartid bangiyada aduunka oo dhan, adigana lagaaga soo diri karo, sida ugu deg dega badan iyo khidmad macquul ah.

5. Adeega E-Deposit

Adeega Salaam Bank E-Deposit waa adeeg aad si fudud lacag u dhigi karto akoonada Salaam Bank, qof kasta oo isticmaala adeega Sahal ee shirkada Golis Tusaale: (*886*Akonka*Lacagta# )

6. Adeega SMS-Bank

Haddii aad rabto in aad la socoto dhaqdhaqaaqa akoonkaaga, Salaam Bank waxa uu macaamiisha ugu talo galay adeeg SMS-Bank. Waa adeeg kuu sahlayo inuu fariin kaaga soo diro dhaqdhaqaaqa akoonkaaga ee aad ku leedahay Salaam Bank, sida hadii aad lacag ku shubato ama aad kala baxdo ama cid kale ay lacag kuugu soo shubto, waxaad ku ogaaneysaa si fudud.

7. Adeega E-Bank

Adeega E-Bank waa adeeg u sahlaya in macmiilka Salaam Bank meelkasta oo uu aduunka ka joogo kala socon karo dhaqdhaqaaqa Akoonkiisa Internetka ah, adeegaas oo loo yaqaano (Salaam Bank Online) waxaa la siinayaa macmiilka user name iyo Password, waxa uuna galayaa Page ka Salaam Bank Online. Sidoo kale waxa uu awood u yeelanayaa inuu Statement giisa fiirsado daabacdana, inuu balance giisa eegto, jeeg inuu soo dalbado iyo inuu wixii codsi ah uu bangiga fariin ahaan ugu soo diri karo. Sawirkani hoose waa qaabka uu u muuqdo marka aad soo gasho bogga Salaam Bank “https://ebank.salaambank.so/”.

salaam bank online, user name, password

8. Adeega Salaam Bank Account to Account

Adeegani “Salaam Bank Account to Account” waxa uu awood kuu siinayaa, inaad lacagta kuugu jirta akoonkaaga aad u wareejin karto akoon macmiil kale, adiga oo aanan bangiga imaan, waxaadna adeegsanaysaa Mobile-kaaga. Qeybta hoose waxaad ka daawan kartaa adeega Salaam Bank account to account oo muuqaal ah.

Qish: Baro erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

9. Adeega LC

Adeegani LC waa adeeg muhiimad gaar ah u leh ganacsatada, waana adeeg u sahlaya in ganacsatadu si fudud wax uga soo iibsadaan shirkadaha aduunka, iyagoo aan is aqoon haddii xiriir iyo Isfahan ganacsi dhexmaro, arintaas waxaa kuu fududaynaya bangiga Salaam Bank.

Qish: Halkaan kaga bogo liiska Somalia Banks

10. Adeega LG

Waa adeeg damaanadeed u fududaynaya ganacsatada iyo qandaraasleyda, in bangigu siiyo waraaqda damaanada, tusaale marka shirkad hesho qandaraad dhisme IWM oo cida qandaraaska bixinaysa ku xirto damaanad , wuxuu bangigu ufududaynayaa inuu siiyo damaanadaas.

11. Adeegyada Maal gelinta Salaam Bank

adeega maalgelinta,

Adeega maal gelinta: Bangiga Salaam Bank waxa uu kuula diyaar yahay maal gelin waafaqsan shareecada Islaamka, wuxuuna ku maal gelinayaa wax kasta oo iib xalaal ah sida guryo iib ah, gawaari (babuur), badeecooyinka kala duwan, IWM. Intaas kadib alaabta laguu maal geliyey lacagteedana waxaad isaga bixinaysaa si tartiib tartiib ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »