Afka Lagama Sheegto Oo Qoraal Ah: Khadro Daahir Cige

Afka Lagama Sheegto Oo Qoraal Ah: Khadro Daahir Cige

Waxaan uurka kaa jirin afka lagama sheegto, mid kamid ah heesaha qoraalka ah ee fanaanada caanka ah Khadro Daahir Cige.

Afka lagama sheegto adigoon jacayl arag looma uur xumaadee. Waa mid kamid ah heesaha loogu jecelyahay gaar ahaan heesaha ay qaado fanaanada caaanka ah ee Khadra Daahir Cige.

afka lagama sheegto, heestii afka lagama sheegto, Khadra Daahir Cige

Afka lagama sheegto oo qoraal ah

Dad badani marka ay maqlaan heestaan afka lagama sheegto adigoon jacayl arag, durbaba qalbigoodu waxaa ku soo dhaco waayo waayo qaasatan heeso jaceyl ah.

Heestani Afka lagma sheegtoo waxa ay dad badani gelisaa xusuus qaali ah, iyagoona soo xusuusto jaceylkoodii hore, qof ay horay jacayl ugu qaadeen.

Qish: Sidoo kale waxaan halkaan kuugu diyaarinay heeso xul ah qaasatan heesaha fanaanada caanka ah ee Khadro Cumar Dhuule. Riix halkaan haddii aad jeceshahay in aad akhrisato: Heeso jacayl ah

Khadra Daahir Cige: Adigoon Jacayl arag

Khadra Daahir Cige waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan sida heestaan afka lagama sheegto. Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Khadra loo siiyay magaca weyn ee Boqorada Fanka Soomaaliyeed.

Intaasi waxaa dheer, Khadra Daahir waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Khadra Qaali.

Maanta waxaan akhristayaasheena ugu talo galnay heesta Afka lagama sheegto oo qoraal ah. Hadaba aan kula wadaagno mid kamid ah heesaheeda jaceylka ah.

  • Afka lagama sheegtoo
  • adigoon jacayl arag
  • looma uur xumaadee
  • Aniguu i helayoo
  • intuu soo abraaruu
  • xadhig igu adkeeyee
  • soowtan aramadiisii
  • oofaha dhexdoodiyo
  • adhaxduu i gooyee
  • Kii igu abuureen
  • u ilmeynayoow
  • ha igu eegine
  • ii imoow.
  • Anfacadii ka go ayoo
  • eedaadka caashaqa
  • u adkeeysan waayee
  • intuu igu itaalsadey
  • iimana tudhaayoo
  • anfariir ka qaade
  • sow tan alhumadiisii
  • igu sii fideeysee
  • aan ka jiifsan waayee.
  • Kii igu abuureen
  • u ilmeynayoow
  • ha igu eegine
  • ii imoow.

Qish: Sedexdaan qish waa qormooyin kale oo cajiib ah

Ugu dambeys

Ma xiiseyneysaa in aan kula wadaagno heeeso kale oo xul ah gaar ahaan heeso qoraal ah? Haddii ay jawaabtaadu haa tahay, halkaan hoose iska diiwaan geli, si aad uga mid noqoto akhristaha ugu horeeyo ee aan la wadaagno.