Goobaha dalxiiska ee ugu quruxda badan caasimada Soomaaliya Muqdisho 2021, taariikhda Muqdisho iyo magacyada loo yaqaano Caasimada.

Caasimada Soomaaliya Muqdisho oo sidoo kale loo yaqaano Xamar. Waxa ay soo martay marxalado kala duwan sida gumeystihii talyaaniga iyo dowlado kala duwan. Muqdisho ma ahan caasimada Soomaaliya oo kaliya ee sidoo kale waaa magaalo magac weyn ku leh dalalka Aduunka gaar ahaan Afrika.
Taariikhda iyo horumarka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho
Hadaba aan kula wadaagno marxaladaha ay soo martay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa meesha ka marneyn horumarka ay tiigsaneyso caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Qof walbaa markuu maqlo caasimada Soomaaliya ayaa horumar sameyneyso, durbaba waxaa qalbigiisa ku soo dhaco, Soomaaliya oo dib u soo noqotay.
Dowladaha Caasimda Sooomaaliya Soo Maray
- Dowladdii Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)
- Dowladdii Cabdi Rashiis Cali Sharmarka
- Dowladdii Maxamed Siyaad Barre
- Dowladdii Cali Mahdi
- Dowladdii Cabdi Qaasim
- Dowladdii Cabdullahi Yuusuf
- Dowladdii Sheekh Shariif
- Dowladdii Xasan Sheeekh Maxamuud
- Iyo Dowladda hada jiro Maxamed Cabdullahi Farmaajo
Horumarada Caasimada Soomaaliya 2021
Muqdisho waxa ay soo martay horumaro kala duwan, waxa ay u dhabar adeegtay colaad tii ugu dheereed. Si kastaba ha noqotee caaasimada maanta waxa ay tiigsaneysaa horumaro aan halkaan lagu qeexi Karin.
Caasimada Soomaaliya Muqdisho waa magaalada ugu weyn dalka Soomaaliya. Waxa ayna kamid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalkeena.
Muqdisho ma ahan caasimada Somalia oo kaliya ee sidoo kale waa gobol kamid ah gobolada Soomaaliya, iyadoo balaceedu yahay 91 km2.
Magacyada loo yaqaano Muqdisho
- Muqdisho
- Xamar
- Banaadir
- Luulta cad ee Indian Ocean
Banaadir waa gobolka ugu yar Soomaaliya, uguna dadka badan.
Waxyaabaha ay caan ku tahay Caasimada?
Waqti ninka safraaga caanka ahaa ee la oran jiray Ibn Battuta ee u dhashay dalka Marokko ayaa waxa uu ka soo muuqday xeebaha Soomaaliya, taariikhdu markeey ahayd 1331 gaar ahaan xeebta Muqdisho.
Magaaladu waxa ay xudun u ahayd barwaaqo, wuxuuna ku tilmaamay caasimada Soomaaliya in ay tahay “Magaalo aad u weyn” oo ay leedahay ganacsato badan oo hodan ah, kuwaasoo caan ku ahaa dharka tayada sare leh ee u dhoofiso dalka Masar iyo meelo kale.
Sababta uu ku yimid magaca Muqdisho
Sida uu ugu baxay magaca Muqdisho ma ahan wax dhalanteed iyo mala-awaal ah, ee waa wax mano fog iyo qiimo gaar ah ku fadhiyo.
Waa sheekooyin u noqonayaa taariikh fog, waxa ayna ifinayaan dhacdooyin iyo isbedello xiliyeedyo xiriirsan.
Magaca Muqdisho waxa uu ka ka kooban yahay labo eray oo isu tegeay sida magaca Magaalada Xadra Muiud.
Waxa uu ka yimid saarka labada eray ee “Maqcad-Shaah. Erayga hore ee Maqcad waa eray asalkiisu yahay carabi oo la micno ah meel la fariisto ama kursi, halkii uu doortay in uu boqorku saldhigyo ka dhigto.
Erayga labaad ee Shaah waa eray asalkiisu yahay faarisi, oo afka Faarisigu carabi ahaan ku noqonayo Boqor.
Waxaa sidoo kale erayga Shaah uu afka masaarida hore uu ku ahaa Fircoon, kadibna isbeddel iyo isrogroga afafka ayu ugu soo dhacay labada eray ilaa markii dambe ay isku noqdeen Muqdisho.
Afafka lagu qoray magaca Muqdisho
Markii qoraal ahaan afafka laatiinka lagu qoray isla magaca Muqdisho waxa ay u dhawaaqday siyaabo kala duwan Tusaale:
Afka Soomaaliga waxaa loo qoraa Muqdisho
Afka carabiga مقديشو
Afka talyaaniga Mogadiscio
Afka ingiriiska Mogadishu
Ugu dambeyn markii uu batay isticmaalka erayga Maqcad-Shaah ayaa waxa uu noqday Muqdisho, Muraayadii dalka.
Sababta Muqdisho loogu yeeri jiray luultii Indian Ocean

Muqdisho waa magaalo madax oo leh dekad weyn kuna taalo badweyn Hindiya ama loo yaqaano Indian Ocean. Carabta qarnigii tobonaad ee uu qaatay Suldaan Sansibar, sanadkii 1987 waxaana laga iibiyay talyaaniga 1905.
Bilicda caasimada Soomaaliya
Ka hor burburkii caasimada Soomaaliya waxa ay lahayd dalxiiseyaal fara badan. Waxa ayna ahaan jirtay caasimadaha dalalka Afrika kuwa ugu dalxiiska badan. Waxa ay lahayd goobo qadiimi ah oo leh taariikh fog iyo xeebaha ugu quruxda badan dunida.
Caasimada dhismo ahaan waxaa loo naqshadeeyay si cajiib ah oo dalxiiseyaashu waxa ay ugu yeeri jireen “the little Italy” (Itaaliyada yar) taasoo ay ugula jeedeen qaabka naqshada iyo sida ay u muuqato.
Maanta waxa ay Muqdisho, eedsaneysaa dadka Soomaaliyeed, maxaa yeelay iyagaa maanta sidaan ka dhigay, kana reebay caasimadaha aduunka.
Muhiim ma ahan in aan ku doodno sida ay ku burburtay iyo cidda eeda iska leh ee waxaa muhiim ah in aan markale dib u dhisno kana dhigni sidii ay ahaan jirtay si ka sii qurux badan.
Muqdisho waa wadnaha Soomaaliya, haddii ay iyadu burbursan tahay waxaa burbursan dalkoo dhan. Maxaa yeelay caasimada waa albaabka ugu horeeyo ee laga galo dal walbaa, waana tusaalaha sida uu wadanka noqon karo.
Waxyaabaha uu sababay burburkii
- Waxaa joogsaday dalxiiseyaalkii
- Waxaa dib u dhac ku yimid amniga
- Waxa uu dalka galay dowlad la’aan
- Waxaan jirin amni lagu kalsoonaan karo
- Waxaa baaba’day damiirtii iyo wadaniyadii
- Waxaa hoos u dhac ku yimid tayada dadka
Dal markuusan amni lahayn waxaa khatar ku jiro dalka iyo dadka oo dhan.
Maxaa shacabka Soomaaliyeed laga rabaa?
Qof walbaa oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa waajib dastuuri ah ka saaran dalkiisa sida:
- Ka shaqeynta amniga
- Horumarka
- Baraarujinta shacabka
- Midnimada dadka iyo dalka
- Ilaalinta xuquuqda qofka kale
- La dagaalanka musuqa iwm
Mid ha iloobin:
Hadaanan si wadajir ah amniga iyo horumarka dalkeena uga shaqeyn, ma hagaagi doono dalkeena, dalxiiseyaal lagu nacfiyo na warkii daa.
5 ta Goob ee ugu shidan caasimada Soomaaliya Muqdisho 2021
1. Xeebta Liido: Wadnaha Caasimada Soomaaliya

Xeebta Liido waxa ay isku keenta dhamaan dadka Soomaaliyeed “Qorax jog iyo Qurbo joog” waana sababta ay ku tahay wadnaha caasimada Soomaaliye ee Muqdisho.
Waxaa sidoo kale yimaado Xeebta Liido dalxiiseyaal ajnabi ah kuwaasoo ku indho doogsado quruxda Xeebta Liido iyo hawada macaan ee dalkeena.
2. Daaru Salaam City

Xaafada Daarusalaam waaa xafad cusub kuwasoo ku soo biiray xaafadaha magalaada Muqdisho. Waa xaafad aad uqurux badan o oo leh hawo aad u macaan. Waxaa xaafada ku yaalo beer aad loo habeeyay kuwaasoo indhaha soo jiidanayo.
Waaxaa sidoo kale beerta Daarusalaam laguugu diyaariyay Maqaayad taasoo aad ka heli karto cuntooyin aad u macaan. Waxaan Meesha ka marneyn goorta ay salaadu waqtigeeda la gaaro in aad ka heli karto masjid aad salaada ku tukato.
3. Daljirka Daahsoon

Qof aanan Daljirka Daahsoon aanan tegein maba arkin goobaha taariikhiga ah ee ay caasimada leedahay. Booqo halkaa oo ku baashaal dalkaaga hooyo.
4. Suuqa Xamarweyne

Waxaad rabtaa in aad saxdo stylkaaga, hadaba Xamarweyne waa goob aad ka heleyso wax walbaa.
Haddii ay Soomaalinimadu kugu weyn tahay oo aad isleedahay xushmee hidaha iyo dhaqanka, Xamarweyne waa goobta aad ka heleyso.
5. Beerta Nabada ee Caasimada Soomaaliya

Waxaad rabtaa in aad reerka iyo asxaabta la caweyso, dabcan halka kugu haboon waa beerta nabada. Waa beer aad u weyn oo leh adeegyo kala duwan.
Waxaana halkaa kuugu diyaar ah shaqaale u tarbiyeysan soo dhaweynta shacabka.