Calaacal Jaceyl Oo Qoraal Ah Misana Xanuun Badan

Mogadishu (Cishqi) – U dir jaceylkaaga erayo calaacal jaceyl oo qoraal ah gaar ahaan kuwo murugo, dareen, calool xumo iyo xanuun badan leh.

calaacal jaceyl oo qoraal ah, calaacal, calaacal xanuun badan

Calaacal jaceyl oo qoraal ah: Waxaa tahay ruux u ooman lamaanahiisa. Waxaa la liidataa jaceyl weliba mid murugo badan leh.

Uma maleysid inuu jiro qof u jecel sida aad adiga u jeceshahay oo kale. Hadaba haddii aad qabto dareen nuucaas ah, u dir erayadaan soo socdo oo aan adiga kuu diyaarinay.

Qish: Weligaa makuu soo dirtay gacalisadaada, fariin caashaq oo nuucaan ah?

Calaacal Jaceyl Oo Qoraal Misana Xanuun Badan

Markaad qof si dhab ah u jeclaato, waxaa dareemeysaa murugo iyo xanuun. Waxaa kaa tan badiyay jaceylka xad dhaafka ah ee aad u qaaday.

Hadda waxaad rabtaa in aad u dirto erayo calaacal jaceyl oo qoraal ah laakin waxaad isweydiineysaa erayo nuucee ah?

Waxba haka welwelin, ma tihid qofkii ugu horeeyay ee dareemayo jaceyl nuucaan ah oo murugo iyo xanuun leh. Waxaa jiro lamaane badan oo sidaada oo kale ah.

erayo jaceyl calaacal ah,

Sida loo qoro erayo jaceyl oo murugo leh

Maxaa markii hore qalbigaaga iigu furtay? Aniga ma sheegi karo sababta aan weli kuu jeclahay balse waxaan ogahay in uusan jirin qof kuu jecel sida aan kuu jeclahay. 

Ilaa goormee iga cararee oo aadan qalbigaaga ii soo jeedineynin?

Nolosha waxaa ugu xanuun badan, adigoo arkayo in aan lagu rabin hadana aadan ka daaleynin qofka aad rabto.

Maxaa markii hore qalbigaaga iigu furtay?

Ilaa goormee iga cararee oo aadan qalbigaaga ii soo jeedineynin?

Ma ogtahay nolosha waxaa ugu xanuun badan  waa adiga oo arkaya in aan lagu rabin hadana aadan ka daaleynin qofka aad rabtay.

Qalbigaaga waan ilaaliyaa balse aniga keyga waxba uma aragtid xanuunka soo gaaraayo. Waan ogahay xaasidkeyga matihid balse waxaadan jecleyn in aad i dareensiiso naxariis.

Runtii waxa aan kuu qabo waxa ay ahaan doonan wax sax ah waayo mar horaan balan kaa qaaday oo ah inaan garabkaaga buuxiyo weligeey.

Si kasta aan iskugu dayo inaan niyada kaa saaro awood umalihi waayoo si dhab ah ayaan kuu jeclahay.

Halka dhib ee aan dunida ku joogo ayaa ah jawaabta dhankaaga ka imaaneyso oo ah mid aad iska mada daaliso.

Si kasta oo aan kuugu sheego jaceylkeyga iyo waxa aan kuu qabo, adigu matihid qofkii i dareemi lahaa waayo boqolaal qof ayaan kaaga darsanahay.

Qalbiga sidiisaba qof ayuu aqbalaa waliba asiga oo aan kula tashan anigana waan noqon waayay midka uu qalbigaaga aqbali lahaa.

Xusuusnow, waxaa tahay qof qalbigeyga ku weyn.

Qoraa: Maxamed Somali – Cishqi-Team

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »