Caasimada
Dhacdo la yaab leh oo xun ayaa ka dhacday xabsi ku yaaollo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, Sida ay baahiyeen warqaadyada kala ah, Caasimada Online, BBC Somali, Allbanaadir iyo Dayniile News.
caasimada com dh oo ka dhacday
Dadka xabsiga caasimada ku jiray ayaa waxaa loola dhaqmay si fool xun, waxaana ka tirsanaa nin la yiraahdo Cabdi Kaafi, muddo badan ayuu ku xukunaa laakiin wuxuu heli jiray wax wanaagsan oo uu cuno iyo qaab wanaagsan oo loola dhaqmo, ragii xabsiga ku jiray way ka shakiyeen waxayna is yiraahdeen ninkaan waa jaasuus idin ku dhax jira sirtiinana banaanka u bixiya, dhawr mar ayuu u dhaartay inuusan jaasuus ahayn oo uu yahay nin xabsi lagu xukumay sidooda oo kale, xariirna lama lihi raga xabsiga maamula!
Shacabka Caasimada Soomaaliya
Waxay yiraahdeen noo sheeg maxay adiga si wanaagsan kuula dhaqmaan oo naga sida xun noola dhaqmaan?
Cabdi Kaafi wuxuu waydiiyay ii sheega maxaad u qoortaan reerihiin waraaqadaha aad u dirtaan isbuuc walba?
Waxay yiraahdeen waxaan sheegnaa sida xun ay noola dhaqmaan nimanka xabsiga ka masuulka oo ay lacnad ku dhacdo iyo nolosha xun ee meesha ka jirta! I
Cabdi Kaafi asagoo dhoola cadeynaayo wuxuu yiri aniga xaaskayga ayaan waraaqad jaceyl u qoraa inta danbena waxaan ku amaana nimanka xabsiga ka masuulka ah inay yihiin rag wanaagsan oo aan la heli karin, mararka qaarna magacyadooda ayaan sheegaa!
Ragii xabsiga caasimada ku jiray waxay waydiiyaan maxaa iska galay waxaas iyo habka wanaagsan ee lagula dhaqmo waana ogtahay inay si xun noola dhaqmaane?
Cabdi Kaafi wuxuu yiri doqomaa tihiin waraaqadaha aan qorno oo dhan xabsiga kama baxaan ayadoo masuuliyiinta xabsiga aysan aqrin wax walboo kuu qorana way la socdaan oo way ogyihiin hada kadib badala hab qoraalkiina kadibna arka ?
Waxaa la yaab ku noqotay isbuuc kadib dadkii xabsiga caasimada ku jiray in si kasii xun loola dhaqmay oo xataa uu ku jir Ninkii Cabdi kaafi ahaa ,maalmo markii la joogay ninkii wuxuu waydiiyay.
Maxaad ku qorteen warqadihiina
Waxay ku jawaabeen waxaan ku qornay in ninkii Cabdi Kaafi ahaa uu baray qaab loo qiyaani karo nimanka tuugada ah ee xabsiga ka masuulka ah ayagoo iska dhigayo inay amaanayaan kadibna ay sugayaan qaab wanaagsan in ay ula dhaqmaan, Ninkii Cabdi Kaafi ahaa madaxa ayuu darbiga ku garaacay sida nin waalan oo kale wax uu sameeyo ayuu garan waayay
Cashirka laga baran karo dhacdadaasi waxaa ka mid ah, waa wax wanaagsan in dadka la caawiyo laakiin waxaa ka wanaagsan inaad taqaanid qofkaad caawinaysid qofka uu yahay,waxa adiga kuu wanaagsana qof walbo uma wanaagsan oo xal uma ahan.