Dhambaal jaceyl xiiso badan qeybtii 1-aad

Sidee loo qoro dhambaal jaceyl 2021 ama dhambaal caashaq gaar ahaan dhambaal jaceyl oo xiiso badan? Jawaabtu: Weey fududahay. Hadaba sidee?

Of course markuu caashaq ku hayo waxaad seegeysaa hurdada, waxaana kugu dul heehaabayo dareenka gabadhaasi. Inaad qof jeclaato una dirto dhambaal jaceyl xiiso badan ma ahan wax la yaab leh, maxaa yeelay jaceylka ayaaba ah mid la yaab leh.

Ma ogid marka uu jaceylka ku galayo, waxaad arkeysaa uun adigoo badweynta caashaqa dhex dabaalanayo. Adigoo xiiso jaceyl u qabo qofka aad jeclaatay.

Si aad u soo jiidato qofkaasi ee sida gaarka kuu soo jiitay una xiiseyneyso in aad mar uun la kulanto waxaad u baahan tahay inaad u dirto dhambaal jaceyl oo xiiso leh qaasatan midka soo socdo oo kale.

Haddii aadan aqoonin jaceylka ku hayo nuuca uu yahay, halkaan waxaad ka akhrisan kartaa: Waa maxay jaceyl?

Dhambaal jaceyl xiiso badan qeybtii 1-aad

Aan kula wadaagno sida loo qoro dhambaal jaceyl xiiso badan, Mararka qaar waxaad arkeysaa qof aad jeclaatay hadana kugu dul heehaabeyso misana aadan u sheegan karin jaceylkaaga. Waxa ay kuug kalifeysaa inaad u dhirto dhambaal jaceyl ah gaar ahaan mid xiiso badan. Ma tihid qofkii ugu horeeyay ee qaado dareen nuucaan, mana tihid qofka ugu dambeeyo ee qaadi doono dareen nuucaan ah.

Aniga iyo Saaxibkeyga qaaliga ah: Wiil aan saaxibo nahay ayaa hadda ka hor wuxuu jeclaaday qof, markaasuu iga codsaday inaan la qoro dhambaal jaceyl xiiso badan.

Waxaan weydiiyay inuu gabadha yaqaano iyo in kale, wuxuuna iigu jawaabay maya, Marka laga reebo inuu ka hurdi la,yahay oo uu maalinba maalinta ka dambeyso iyada la horkeenayo. Isjiid jiid kadib waxaan kula taliyay ka hor inta uusan u dirin dhambaal caashaq waxaa fiican inuu iyada la hadlo oo sidaasi qooto qooto ugu galo.

Muxuu iigu jawaabay?

Saaxibow hortaa ayaan dhowr jeer isugu dayay inaan la hadlo oo aan u sheegto jaceylkeyga. Dhibaatada ugu weyn ayaa ah: Markaan iyada u dhawaado wadnaha ayaaba igaraacmayo iskaba dhaaf inaan jaceylkeyga u sheegto. Waxaan tijaabiyay inaan la qabsado oo aan la kaftamo kuna dhaho erayo kaftan ah laakin qofta weey xishood badan tahay. Waxaan isdhahay qofta maba ku rabto oo adiga uunbaa cadan ka heysayo.

Durbaba waxaan dareemay cilada ugu weyn ee heysato saaxibkeyga in ay tahay cabsi iyo in uusan aqoonin calaamadaha gabadha ku rabto iyo tan aan ku rabin. Kadib waxaan siiyay qish kale, tasoo uu ku ogaan karo in ay daneeyneyso in kale: Qishkaasi waxaa kamid ah calaamadahaan oo ay gabadha ku rabto leedahay: 12 kamid ah calaamadaha gabadha ku jecel

Of course gabdhaha qaar weey xishood badan yihiin laakin macnaheedu ma ahan in aad ka baqato.

Isweydii si maskixiyan ah

Adigoo nin ah hadaad iyada ka baqato gabadha aad jeceshahay, ma waxaad sugeysaa iyadoo gabar ah in ay iyada kuu sheegato, xittaa haddii aad dareento in ay ku jeceshahay? No way, weligaa waad sugeysaa, ilaa aad iska dhigto atooraha jaceylka. Haddii aad fursadaada ka faaiideysan weyso, waxaa imaanayo xabadkoo yaqaano sida loo dego qalbiga gabdhaha.

Adeegso erayadaan oo ah:

Talo: Haddii aad weligaa gabar ka baqatid, jaceylkaagu wuxuu noqonayaa sida hirka badda oo kale. Marna gadaal ayuu u soconayaa marna horay.

Sanadkii hor ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay dhambaalo jaceyl ah ama aan iraahdo fariimo jaceyl ah kuwaasoo ay akhristayaasheenu u riyaaqeen.

Fariimahaasi xiisaha badan waxaad ka akhrisan kartaa halkaan adigoo gujinayo: Fariimo jaceyl ah.

Sida loo diro dhambaal jaceyl oo qiiro leh

Ku socoto: Magaca gabadha,

Marka hore iga gudoon salaan sidato wanaag, sarifaneyso xishood, sahmineyso jaceyl, soo dhaweyneyso guur, saadaalineyso aroos, sifeyneyso xumaan, sugeyso sacabo furan iyo kalgacal. Salaan kadib waxaan rabaa inaan kula wadaago dhambaalkani si aan kuugu soo bandhigo dareenka aan hadda dareemayo.

Waxaa degtay qalbiga iyo maanka, waxaad xukuntaa guud ahaan dareemaheyga. Si,aan kuugu soo bandhigo taasi, waxaan kuu soo dirayaa fariintani xambaarsan uduga jaceylka iyo waaxyada aduunka. Waxaan ogaaday in jaceylku macaan yahay noloshuna macno leedahay, taasina waxay timid markii aan adiga ku jeclaaday.

Waxaa igu siyaaday oo aan maxbuus u noqday jaceylka aan adiga kuu qabo. Runtii ma jirto wax ka qurux badan markaan arko dhoolacadeyntaada farxada leh. Ma cabiri karo dareenkeyga mana aqaano waxaan ku cabiro balse waxaan qirayaaa inaa tahay aduunkeyga. Ma tihid aduunkeyga oo kaliya ee waxaa tahay xaaska mustaqbalkeyga, waxaan ku rajo weynnahay inaad iga aqbali doontid codsigeyga soona dhaweyn doontid.

  • Waa ihelay jaceelow
  • Haba igu badnaadee
  • Waan Hubaa kalgacalow
  • Wuu ihayaa dhibkiisee
  • Sida haadla leylkii
  • Heehaabo mooyee
  • Howl yari ma seexdoo
  • Habeenkii bar tagay 
  • Baa la ikaa horkeenaa
  • Waa howl aduunyee 
  • Ma ii hiilineysaa
  • Qofba waa halkiisee
  • Ma ii hagar baxeysaa
  • Waa halis nafteyduye
  • Hadma Hadma 
  • Goormaan ku helayaa?

Ka: Magacaaga

Dhambaal jaceyl xiiso badan oo muuqaal ah 2021

Haddii aad jeceshahay waxaad u qori kartaa dhambaal jaceyl xiiso badan gaar ahaan qabkaan. Adiga Iyo dooqaaga. Qeybtani waa qeyb muuqaal ah balse muujineyso dareen jaceyl oo xiiso ah. Haddii aad rabto waxaad u diri kartaa iyadoo maqal ah oo aad duubtay.

Haddii aadan rabin inaad u dirto jaceylkaaga dhambaal jaceyl oo xiiso leh qaasatan mid muuqaal ah, waxaa sidoo kale u diri erayo jaceyl oo soo jiidasho leh kadib goorta aad isbarataan, erayadaasi waxaan kuugu diyaarinay halkaan:

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh a-z

Su’aalaha iyo Aragtida akhristaheena: Ku gudbi baahidaada, su’aalahaaga iyo sida aad u aragtid boggeena, haddii aan wax ku soo dareyno sida maqaalo aad ka weysay boggeenna. Ku dir aragtidaada halkaan: Contact

Ugu dambeys

Haddii aad ka heshay dhambaalkani, fadlan sii faafi oo gaarsii asxaabtaada Facebook, Whatsapp, iwm. Waxaa laga yaabaa in ay iyaguna baahi u qabaan dhambaal jaceyl xiiso leh. Anagana waxa ay noo noqoneysaa dhiiro gelin iyo inaan soo diyaarin maqaalo kale oo ku saabsan dhambaalo jaceyl .

U muuji taageero bogaada Cishqi.com, una dir dhowr qofood si ay iyaguna uga mid noqdaan akhristayaasha Cishqi.

Waan kaaga mahadcelineynaa taageeradaada!!!

Qoraa: Mustafa Mmj

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »