Goormee la aqbalaa ducooyinka, waa qofkee qofka ducada laga aqbalo, waa maxay shuruudaha ducada lagu aqbalo, hadaba halkaan kaga bogo.

Inta aan aduunkaan ku noolnahay nagama dhamaaneyso murugo, xanuun, cabsi, dhibaato waana sababta aduunkaan uusan marnaba kaamil u noqoneynin.
Maanta murugo, beri farxad, Maanta caafimaad, beri xanuun, maanta taajir beri faqiir. Hadaba waxaan rabnaa inaan idinla wadaago ducooyinka la aqbalo iyo waqtiyada ugu haboon.
Ilaahey waxaad baryi kartaa xili walbaa wuuna kaa aqbali balse waxaa jirto waqtiyo ku haboon in la duceysto, hadabe waqtigee ducooyinka la aqbalaa?
Ducooyinka la aqbalo iyo waqtiga ugu haboon
Ilaahay waa kheyr badane, waa deeq badane, waa naxariis badane. Wuxuu u dhawaaqay adoomadiisa oo idil wuxuuna yiri (Ibarya waan idinka aqbali baryadiina)
Ducooyinka iyo Inaad Ilaahay baryido
Inaad duceysato oo aad Alle baryido waa cibaadada dhabta ah, maxaa yeelay markaad oraneyso Yaa Rabi ee aad gacmaha hoorsaneyso waxaad qireysaa dacfigaada baahidiisa iyo Raxmada awooda Rabi.
بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
Waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaaheey kaasoo aanan dhibin la jirka magaciisu shay jooga dhulka ama samada. Waana Allaha maqalka iyo cilmiga badan.
Qish: Baro calaamadah lagu gartaa jaceylka dhabta ah
Waa maxay Duco?
Ducadu waa xiriir ama dhawaq toos ah oo dhex marayo adoon daciif ah oo dhiban ama baahan.Culeys iyo dhibaato saaran tahay. Kurbo, welwel Iyo xanuun hayo. Wuxuu adoonku gacmaha u taagayaa Rabigiisa oo awood oo dhan u sugnaatay.
Ducada waa hubka ugu kheyrka badan uguna khatarsan ee uu qofka muslimka ah isticmaalo, gaar ahaan markuu shido ama kurbo la soo gudboonaato.
Hadduu Ilaahay kuu hiiliyo kuu gargaaro waxaa xaqiiqo ah in aysan jiri karin cid kaa guuleysan karto ama kaa awood badin karto. Sidaa darteed badi ducooyinka markaad murugo dareemeyso iyo marka kale.
Hadaad culeys dareento xusuusnow in Alle uun kaa qaaadi karo, hana iloobin inaad mar walbaa asiga ku kalsoonaato.
Yeey anfacdaa ducada dhabta ah
Ducada dhabta ahi waxay anfacdaa guud ahaan mu’miniuinta waxayna noqoneysaa in laga aqbalo wixii ay Rabi weydiisteen oo khayr iyo wanaag ahaa.
- In ay ka celiso shar iyo dhib ku soo socday oo uusan ogeyn
- In Ilaahay ducadiisu ku siiyo khayr uusan sugeynin
- In ajirkeedu loogu keydiyo maalinta qiyaamaha ee baahideedu aadka u daran tahay
- Ilaahay ma hoojiyo adoon u baryay si daacad ah kuna baryay magacyadiisa Sare ee qiimaha badan mid Kamid ah
Waa kuwee ducooyinka la aqbalo ee ugu qiimaha badan
Ducooyinka waxaa Ugu qiimo badan mida uu adoonka rabigiis baryo marka uu Aadka ugu baahan yahay isuguna duleynayo
Muxuu Ilaahay ku yiri Nabiga (scw)
Ilaahey wuxuu Nabi Muxamad ku yiri: Hadeey adoomaheyga aniga iga kaa weydiiyaan, anigu waan u dhawahay waana ajiibayaa ducada qofka ibarya.Ilaahey adoonkiisa baryadiisa kama daalo, kumana badato, mana ku daalo. Wuxuu rabi ku farxaaa goorta uu adoonkiisa culeys iyo dhibaato la soo gudboonaato misana xusuusto in Alle uu yahay kan kaliya ee ka qaadi karo, una soo laabto isaga.
Maxay saxaabadu markale weydiiyeen Nabiga?
Waxay saxaabadu Markale Rasuulka (SCW) weeydiiyeen; Rabi (SWT) Ma Noo dhawyahay, si aan codka hoos ugu dhigno, mise wuu naga fogyahay oo codka kor baan u dhigeynaa?
Suaashaas kadib Rabi baa samada ugu soo jawaabay kuna yiri: Rabigiin u barya si hoos Iyo isdulayn ku jirto.
Waa kee qofka ducooyinka laga aqbalo?
Qof Rabigii xusuustay, u toobad keenay, ulana yimid qalbi hufnaan ku jirto,
Qofka run sheegaya, dhibkiisana u sheegtay, gacmahana u hoorsaday
Qof xalaal quuta ah, xumaan, dulmi iyo xaaraan ka dheeraaday.
Qof aan Rabi ka baryin xumaan, dulmi, Danbi iyo qaraabo goyn ee Alle ka barya kheyr, wanaag, danbi dhaaf, cafis iwm.
Qof aanan ka quusan Raxmada Alle oo aan dhihin, waan duceystay ducadeydana la Igma aqbalin.
Qof ku aadiyay ducadiisa waqti iyo goob ku haboon.
Dadka Ducooyinka sida gaarka ah looga aqbalo
Waxaa Rasuulka (SCW) inoo sheegay in ay jiraan qaybo dadka kamid ah oo ducadooda si gaar ah loo aqbalo.
Waa kuwee dadkaasi?
- Qofka la dulmiyay
- Waalidka u ducoonayo caruurtiisa
- Qofka musaafirka ah
- Walaalka Muslimka ah
1. Qofka la dulimiyay
Qofka la dulmiyay ee xaqiisa la dhacay, xuquuqdiisana lagu tuntay, ee xanuunka iyo dulmiga adoomaha ka sheeganayo. Qofkaasi ducadiisa dhulka ma dhaceyso, laakin Ilaahay aqbalku wuxuu soo dajiyaa markuu rabo. Qasab ma ahan in qofka la dulmiyay horay ka arko cadowgiisa oo gubanayo.
2. Waalidka u duceynaya caruurtiisa
Waalidka u ducoonayo caruurtiisa, inuu Ilaahay hanuuniyo, xifdiyo, khayrka waafajiyo, xaqa ku toosiyo iwm.
3. Qofka Musaafirka ah
Sidoo kale waxaa la aqbalaa ducada qofka musaafirka ah, qariibka ah ee ka fog dadkiisa, cabsi iyo culeysna hayaan.
4. Qofka diinta kugula walaaloobo
Qofka walaaltinimo Alle dartii kugula walaaloobay oo ka maqan khayr uguna duceeyso si walaltinimo ah, walaaltinimadiisuna ay tahay mid dar Alle Iyo wanaag in laga wada shaqeeyo ah.
5. Kamid ah Waqtiga Ugu haboon ee ducooyinka la aqbalo
Waxaa Jiro waqtiyo gaar ah oo la aqbalo ducooyinka, waqtiyadaasi waxaa kamid ah.
1. Ducooyinka Waqtiga aad salaada dukaneyso
Xiliga qofka salaada uu dukaneyo waa waqtiga ugu haboon uguna qiimaha badan. Waa waqti qofka uu sujuudsan yahay,rabina u tukanayo.
2. Ducooyinka Habeenka saqda dhex
Habeenka saqda dhex gaar ahaan qeybtiisa dambe ka hor salaada subax. Waa waqti Rabi soo dego, fiiriyana adoomadiisa isaga baryaa, danbi dhaaf weydiisanaya, gacmahana u hoorsanaya.
3. Ducooyinka Salaada inta aan lagalin Iyo kadib
Waqtiga inta aanan salaada lagalin iyo kadib gaar ahaan aadaanka Iyo aqimka dhexdooda, waqtigaasina waa waqti ducada ay aad u qiimo badan tahay.
4. Ducooyinka Waqtiga Soonka
Markuu qofka sooman yahay, qaasatan waqtiga uu afurayo. Waa waqti aad u wanaagsan oo uu qofka uu baahi iyo daciifnimo dareemayo.
5. Ducooyinka waqtiga uu qofka xajinayo
Waqtiga xajka gaar ahaan maalinta carafo oo qofka safarka ku jiro, cibaado aad u weynna gudanayo misana ku sugan yahay goob aad u barako badan.
6. Ducooyinka Waqtiga roobka da,ayo
Markuu roob da,ayo waa waqti qurux badan, raxmad samada ka soo da,eyso, meesha aan Danbi, dhig, xumaan midna ka Jirin.
7. Ducooyinka Waqtiga xaaladaha adag
Goorta uu qofka ku jiro xaalad adag oo murugo iyo dhib dareemayo, culeys fara badanna uu hayo, rabigiina ka baryo isagoo xanuun iyo dacfi badan muujinayo.
mashallh waa wax loobahan yahay oo muhiim u ah nolosha qofka muslimka ah jazaakumulaah qeyr
It is a good idea