Waa kuwee erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga? Ma isweydiisay erayada macaan ee ay ka hesho xaaskaaga? wax dhib ah malahan haddii aadan jawaab u heynin, maxaa yeelay halkaan ayaad kaga bogan doontaa.
In aad soo jiidato xaaskaaga uma baahno wax sidaa u weyn, kaliya waxaad u baahantahay in aad ku tiraahdo erayada jaceylka ah ee soo socdo. Waxaa laga yaabaa erayadaasi adiga ahaan in ay kula yihiin erayo iska fudud balse sidaa ma ahan, waa erayo marka aad u dirto xaaskaaga si sms ah ama aad ku tiraahdo qalbigeeda aad u soo jiidanayo. Maxaa yeelay waa kuwo kedis ah.
Maxaa kamid ah erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga?

Adiga ayaan kaa fikirayaa waqti xaadirkaan maxaa yeelay aad ayaan kuugu xiisay: Xiliyada aad guriga ka maqan tahay tusaale marka aad shaqada joogto oo kale ku dheh adigaan kaa fikirayaa.
Maanta aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah adiga ayaa xaaskeyga ah: Erayadani waxay ay kamid yihiin erayada jaceylka ah ee qalbiga haweenka aad u soo jiito, sidaa darteed haka baqiilin in aad u dirto maxaa yeelay waxay sare u qaadayaan farxada qalbigeeda.
Caruurteydu waa kuwo nasiib badan maxaa yeelay hooyo adiga kaa wanaagsan ma jirto: Arintani waxay dareensiisaa tix gelin gaar ah waxayna sara u qaadaysaa kalsoonida hooyonimo. Hooyo macaan had iyo jeer waxay naga mudan tahay had iyo jeer amaan iyo in ka badan.
Xaaskeyga miyaan howsha guriga ku fiirsan karaa?: Marka ay jikada ku jirto ama qolka jiifka ah ee ay wax kala hagaanineyso, ka imaaw gadaasheeda misana laabtaada geli kuna dheh erayadaas iyo erayo lamid ah. Waxaad arki doontaa iyadoo dhoola cadeyneyso misana kaa fuqi la, farxad darteed. Haddii aad xiiseyneyso erayo kale oo kuwaas ka sii macaan, halkaan ayaan kuu dhigeynaa ee linkigaan riix si aad u akhrisato:Erayojaceyl ah oo soo jiidasho leh
Amaan jirkeeda macaan: Haddii aan nahay rag waxaa ina soo maro fursado dahabi ah oo aan ku amaani karno jirka macaan ee xaasaskeena laakin kama faaiideysano. Amaan jirkeeda macaan gaar ahaan qeybaha sida gaarka ah kuu cajab gelinayo tusaale haddii ay leedahay dabo macaaan/dabo weyn, dhex yar ama kub yara qurux badan. Dumarka maqalka erayadaas kuma farxaan oo kaliya ee sidoo kale waxay ka qaadaan kacsi waali ah. Of course sida loogu raaxeeyo dumarka kacsiga badan waxaan kaga diyaarinay qormadaan: Kacsi nuucaan ah maku aragtay xaaskaaga?
Ku dheh si lama filaan ah waan ku jeclahay: ugu yeera magaca ay jeceshahay in aad ugu yeerto kadib marka ay hee ku tiraahdo adigoo qolka ku jiro ku dheh waan ku jeclahay. Erayadaas waa erayada jaceylka ah ee ay dumarku xiiseeyaan in ay had iyo jeer maqlaan.
Casuumad u sameey xaaskaaga: U keen warqad ay ku qoran tahay casuumad magaceeda ah, tusaale ahaan casuumad aad u wadeyso maqaayad kamid ah maqaayadaha caalamiga ah ee dalkeena sida Salsabiil Restaurant ama maqaayadaha kale ee ku yaalo guud ahaan dalka ama dibadda. Kuna dheh maanta si gaar ah ayaa laguu sharfay qaali waxaana kuu sidaa casuumad, marka ay ku tiraahdo yaa icasumay? ku dheh yaa kale hee, boqoradda boqorkeeda.