Erayo habeen wanaagsan ah oo qalbiga taabanayo

Marka hore habeen wanaagsan haddii ay habeen kuu tahay, marka xigta ku soo dhawoow erayo habeen wanaagsan ah oo aad u diri karto lamaanahaaga gaar ahaan kuwo soo jiidasho leh.

Marka aad qof xiriir la leedahay waxaa fiican inaad barato erayada jaceylka gaar ahaan kuwa cusub oo qalbiga taabanayo. Sidoo kale waxaa jiro lamaane xiiseeyo erayada ay dadka inta badan xiiseeyaan sida xabiibi, macaanto iyo nolosheyda.

Of course halkani waxaan kuugu diyaarinay erayo habeen wanaagsan ah oo aanan caadi ahayn.

erayo habeen wanaagsan, habeen wanaagsan, habeen wanaagsan macaanto, habeen wanaagan xabiibi

Erayo habeen wanaagsan ah oo qalbiga taabanayo

Jaceylku qabyoobi maayo, nasiibku qaloocan maayo, dadaalku khasaari maayo, wixii aan kuu qalmeyn aniga kuu quuri maayo. Habeen wanaasan babe.

Xusuusnow adigu ma tihid boqoradeyda oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay hantida aan gaarka u leeyahay. Habeen wanaagsan boqoradeyda/boqorkeyga.

Haddii aan adiga laabteyda kugu heysto uma baahni wax kale maxaa yeelay maba jiraan wax qurux badan taa. Waxaan kuu rajeyn habeen wanaagsan oo qurux badan qaali.

Ma joojin karo in aan adiga kaa fikiro maxaa yeelay waxaad camiratay qalbigeyga. Habeen wanaagsan qalbi.

Markii ugu horeysay ee aan ku arkay waad isoo jiidatay, markii ugu horeysay ee aan kula kulmay waxaad noqotay saaxibadeyda/saaxibkeyga, markii ugu horeysay ee aan kuu xiisayna waxaad noqotay jacaylkeyga.

Maalin kastaa adigaan kuu xiisaa. Saacad kastaa adigaan kuu baahanahay. Daqiiqad kastaa adigaan ku dareemaa. Ilbiriqsi kastana adigaan ku rabaaa. Hurdo wanaagsan mcn.

Nolosheyda waxaan u dhoola cadeeyay dad badan laakin markii ugu horeysay ee aan adiga ku arkay qalbigeyga adigaaa la wareegay, wuuna dhoola cadeeyay markii ugu horeysay. Habeen wanaagsan qalbi.

Habeen kastaa ka hor intaanan seexan waxaan ku heesaa xarafka aan ugu jecelahay alifbeetada “L” Habeen wanaagsan qaali. (Ka bedel xarafka L oo geli xarafkaga magaca lamaanahaaga).

Waxaa tahay boqoradeyda, iftiinkii indhaheyga, nuurkii qalbigeyga, waanku jeclahay mcnto, hurdo wanaagsan iyo habeen qurux badan baan kuu dhaafay.

Waxaa ii muuqda aragaaga farxada leh, indhahaaga quruxda badan ee ku haboon daawashada kuwaasoo eegaya fariintaan, halka iftiinka taleefoonka uu haayo jirkaaga quruxda badan ee dhalaalaya isla markaana timahaaga dhaadheer ay ku fidsanyihiin dhabarkaaga. Waxan rajeeyaa inaan halkaas kula joogo. Habeen wanaagsan nolosheyda.

Xusuusnow adigu ma tihid jaceylkeyga oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay jiheeyaheyga. Habeen wanaagsan jiheeyaheyga.

Sida deg dega ah ee iftiinka qoraxdu u nuuriso maalintii, ayaynu wadajir u noqon doonnaa mar kale, ma sugi karo qalbi in aan habeeno wanaagsan oo qurux adiga kula qaato.

Qaali ha rajo dhigin, maxaa yeelay rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo. Hana iloobin mar aan dheereyn in aan kulmi doono oo aan nolosha wadaagi doono. Habeen wanaagsan rajadii nafteyda.

Waxaa tahay qofka aan ugu jecelahay dunidaan, waxaa tahay iftiinka aan u gudbiyo qalbigeyga, habeen wanaagsan, waan ku jeclahay.

Indhaha xidiga ku haay, maankana rajada ku haay, qalbigana jacaylkeyga. Habeen wanaagsan nuurkii qalbigeyga.

Neecaaw ideeqdiyo, naftu ruuxey jamatay, nafaqadii kalgacalkaay, nabad iyo caafimaad ku nagaado, ku seexo oo kuna soo toos insha Allah. Habeeen wanaagsan.

Waxaa tahay jacaylkeyga, waxaa tahay qofka maamulo qalbigayga. Sidoo kale waxaa ii tahay wax walbaaa. Habeen wanaagsan aduunkeyga.

Waxaan had iyo jeerba ku raaxaystaa nuurka jacaylkaaga, waxaan ku kalsoonahay kalgacaylku inuu gaaro qalbigaaga. Habeen wanaagsan gacaliye/gacaliso.

Qalbigu wuu kuu xiisaa weliba si xad dhaaf ah, marka fadlan aan ku kulano riyada mideeda ugu macaan. Habeen wanaagsan riyadeyda.

Dhoolacadeyntaadu aad bay ii soo jiidaneysaa, murugadaadan aad bay ii dhibeysaa. Sidaa darteed waxaan u baahanahay inaan arko adigoo faraxsan habeen iyo maalin. Habeeen wanaagsan.

Gacaliye/Gacaliso waxaad si joogto ah u jirtaa qalbigeyga. Aad bay iigu adag tahay inaan habeenadaan quruxda badan ku hoydo la’aantaa. Adigaan hadda kaa fekerooyaa! Habeen wanaagsan.

Inaad tahay nin/naag wanaagsan ka sokow, waxaa kuu sii dheer inaad tahay nin/naag macaan oo ku haboon in la koolkooliyo. Habeen wanaaagsan ninkeyga/xaaskeyga.

Walbahaarka oo dhami wuu idaayaa markaan arko adigoo dhinaceyga joogto. Habeen wanaagsan gacaliye/gacaliso.

Mar kastaa oo aan ka fekero sida aan adiga kuu ahay iyo sida aad adigu ii tahay, waxaan dhadhamiyaa dareenka ugu macaan, waxaaana dareemaa inaan ahay qofka dunida ugu nasiibka badan. Hurdo wanaagsan qalbi.

Akhriso erayo kale oo jaceyl ah:

Qeybtii koowaad erayo kale: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Qeybtii labaad: Erayo naxariis badan oo jacayl ah

Qishka labaad: Maxaa kiciyo dareenka raga?

Qishka sedexaad: Galmada habeenka koowaad

Dhamaad

Haddii aad xiiseyneyso erayo kale oo habeen wanaagsan ah, halkaan hoose iska diiwaan geli si aan kuula wadaagno, sidoo kale haddii aad ka heshay qormadaan fadlan sii faafi oo la wadaag asxaabtaada. Waad ku mahadsantahay taageeradaada!.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »