Mogadishu – 2021, Marka aan la kulmay waxaan ku iri erayo jacayl qiiro leh gaar ahaan kuwo romantic ah, kadibna waxa ay ii soo dirtay erayo naxariis badan weliba si lama filaan ah.
Isma oraneynin waxa ay kuu soo diri doontaa erayo jacayl ah oo qiiro leh qaasatan kuwo dareen iyo naxariis leh, maxaa yeelay waxaaan u arkayay in uu qalbigeeda iga sii jeedo. Waxaan rabaa in aan si gaar ah uga mahadceliyo bahda Cishqi oo maanta ii suurto gelisay in aan mar kale jaceylkeyga qalbigeeda hanto.
Runtii marka ay lamaanahaaga kaa xanaaqdo misana aadan aqoonin erayo jacayl ah qaasatan erayo jacayl oo dareen leh waxaa halis ku tahay in aad weyso qoftii aad jecleyd.

Ahmed Maxamed (Axmed Daryeel) oo nala soo xiriiray misana nala wadaagay aragtidiisa si aan ugu caawino erayo jaceyl ah. Axmed hadda waxa uu kamid yahay akhristayaasha ku xiran Cishqi.com.
Adigana waad kamid noqon kartaa kaliya waxaad u baahantahay in aad halkaan iska diiwaan geliso:
Akhriste Axmed Daryeel oo kaliya kama caawinin erayo jaceyl qiiro leh ee sidoo kale waxaan erayo jacayl ka caawinaa akhristayaal fara badan oo ku xiran Cishqi.



Erayo jacayl oo qiiro leh
“Aadumuhu in uu noolaado wuxuu u baahan yahay hawo, cunto iyo biyo, laakin aniga waxaan u bahanahay dhoolacadeyntaada farxada leh iyo in aad hab isiiso.”
“Waan ogahay nolashaada in ay soconeyso aniga la’aanteyda, waana ogahay in aad farxad ku noolaaneyso aniga la’aanteyda, balse si kasta oo aad iiga fogaato waxaan doorbidayaa oo aan doonayaa in aad agtaada ku noolaado, kuuna wehliyo sida hooskaada.”
“Dhoolacadeyntaada oo kaliya ayaa ifin karto qalbigeyga ee macaaneey halmar oo kaliya ii dhoolacadeey.”

“Dhaqtar ayaa daaweyn karo nafteyda, garyaqaan ayaa difaaci karo nafteyda, askariguna wuu u dagaalami karaaa, laakin adiga oo kaliya ayaa isiin karo macnaha dhabta ah ee nolosha. Waan ku jeclahay.”
“Fadlan waan ku baryaa horteyda mar dambe ha imaanin, haddii kale waxaan ahaanayaa qof mar kale ku aamino. Xusuustaada igma hartto waxaana ii roon in aad iga fogaato intaad mar kale i qiyaani lahayd.”
“Dadka qaar waxa ay qalbiga ku dhaawacaan hadal, halka dadka qaar ay ku dhaawacaan ficil, balse dhaawaca ugu weyn ee qalbiga soo gaaraa waxaan aaminsanahay in uu yahay qof aad daneyneyso si xad dhaaf ah weliba wax kuula dhigmo aysan jirin, hadana qofkaas oo iska kaa indho tirayo, kuna dareensiinayo in uusan kuu baahneyn.”
“Waxaan jeclaan lahaaa in aan la joogo qof aniga i jecel. Waxaan hubaa in farxadeydu tahay mudnaantaada oo aysan jiri doonin habeenno badan oo hurdo la’aan ah.”
“Inaad keligaa socoto ma ahan wax dhib badan, laakin waxaa dhib badan markaad qof meel fog u raacdo misana aad keligaa ka soo noqoto.”

“Qaali noloshu waa qaali, da’duna waa sida ubaxa oo kale. Noloshaan aad u jeedo waa maalmo kooban, jaceylkuna waa halmar, ixasuuso marwalbaa haddaan ahay qof la xasuusto.”
“Qalbigeygu waa meel adiga oo kaliya lagu koolkooliyo, waqti kastaa oo ay tahay in aan sugo, waxaan kugu sugi doonaa, annoo kuu dhoolacadeynaayo.”
Fariimo jaceyl oo cusub 2021
Waxaad jeclaatay gabar, waxaana dooneysaa in aad la wadaagto dareenkaaga waalida ah, si aad jacayl ugu abuurto, hadaba u dir fariimo jaceyl gaar ahaan fariimo jaceyl oo cusub 2021 ah.
Marka aad rabto in aad qof qalbigiisa soo jiidato uma baahanid kaliya fariimo jaceyl ah ee sidoo kale waxaad u baahan tahay inaad barato fariimaha dhabta ah ee ku haboon qofka aad jeceshahay, kuwaasoo taabanayo qalbiga lamaanaahaaga.
Haddii aan nahay bahda Cisqi.com, had iyo jeer waxaan akhristayaasheena la wadaagnaa erayo macaan, geeraaro iyo sheekooyin xiiso jaceyl leh.
- Erayo naxariis badan oo jacayl ah
- Erayo jaceyl a-z oo dareen leh
- Geeraar jacayl ah oo qalbiga taabanayo
- Sheeko Jaceyl ah oo macaan
- Afka lagama sheego adigoon jaceyl arag
Of course marka aad shukaansiga ku cusub tahay, aduunka oo dhan wuxuu ku yahay wax kale. Kuguma adko dirida fariimo jaceyl oo kaliya ee sidoo kale waxaa kugu adag sida aad ugu sheegi lahayd, qaabka aad ugu sheekeyn lahayd, halka aad ka bilaabi lahayd iyo waxyaabo kale. Halkaan hoose waxaan kuugu diyaarinay erayo aad u diri karto xiliyadda habeenkii. Erayo aanan caadi ahayn
Fursadu waa dahab
Kama wada in aad lacag ka soo qaadaneyso Dahabshiil Bank ee waxaan ula jeedaa marka aad la kulanto qofka aad jeceshahay.
Haddii aan nahay dhalinyaro waxaa ina soo maro fursado dahabi ah oo ay tahay in laga faaiideysto. Mararka qaar fursadaasi waan beel dareynaa.
Maxaa ka xun, marka ay fursadi ku soo marto hadana aadan ka faaiideysan karin? Maxaa ka xun, marka aadan aqoonin waxa aad sameyso, goorta aad aragto iyadoo kala xiran, kalay iska arag ah, hareerahaaga mar mareyso, ku soo eeg eegeyso, kula kaftameyso, ku tusineyso in ay kuu baahan tahay oo ay jeclaan lahayd in ay mar uun kula dhadhamiso waxa quruxda badan ee aad adigu dareemeyso hadda.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxa ay oraneysaa: Haweentu waa sida badda oo kale , waxa ay adeecdaa qofkii u itaal sheegto, waxa ayna iskala weyntahay oo ay ku caasisaa qofkii ka baqa. Hadaba haka baqin ee ka faaiideyso fursadaada marka ay ku soo marto, No cabsi, No xishood.
Erayo jacayl ah oo qiiro leh Qaasatan kuwo romantic ah
Marka aad u dirto erayadaan oo ah erayo jacayl ah oo qiiro leh qaasatan kuwo romantic ah misana ah 2021 waxaan hubaa in qalbiga lamaahaanaga deeqi doono.
Erayo jaceyl 2021
“Marka aad ku soo biirtay nolosheyda, wax walbaa waxa ay ii noqdeen wax cusub, waxaan saaxib la noqday nasiibka, waxaana dareemay farxad aan la qiyaasi karin, Hadda waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhaho waan ku jeclahay.“
“Sida ugu wanaagsan ee aad ku heli karto jidka nolosha, waa inaad qof kale nolosha la wadaagto. Weligay kama qoomamayn doono in aan kuu doorto saaxiibadeyda daacadda ah, jacaylkayga, iyo rajadayda. Waxaad iga dhigaysaa inaan rabo inaan jidkayga sii wato si kasta oo ay mararka qaarkood u adkaato.”
“Marka aan ku eego waxaan arkaa dhammaan waxyaabaha ugu wanaagsan ee noloshayda. Adiga ayaa sabab u ah in aan subixii ka kaco, anigoo adiga kaa fikirayo, adiga ayaana sabab u ah in aad noqoto qofka ugu dambeeyay ee aan ka fikiro inta anan seexan. Waad ku mahadsan tahay inaad ila joogtid. Waxaan ku jeclahay si aan dhammaad lahayn.”
“Waligey lama kulmin qof igula dhaqma jacayl, ixtiraam, iyo faham. Waxaan rajeynayaa inaan maalin uun baran doono inaan kuu ahaado mid dhiirigaliye ah, sida aad aniga ii tahay oo kale. Aad baan kuu jecelahay! “.
“Jannada waa marka gacmahaaga yaryar ee diiran ay i hayaan. Marka aad u cadhooto aniga oo kugu qoslaya awgeed. Markaad ii sheegto sida maalintaadu u dhacday. Wax kasta iyo qof kasta waan kaa jeclahay.”
“Waxaan ku dhihi karaa kun kelmadood oo ku saabsan sida aan runtii kuu jeclahay, iyo sida aad u tahay qof cajiib ah, laakiin haddana ma ahan kuwo ku filan. Maalin walba aad ayaan kuu jeclahay.”
“Markii aan ku fikiray inaan ka tanaasulo qaddarka ah in jacaylka dhabta ahi uusan jirin, ayaad ii timid oo i tustay waxa ugu wanaagsan ee jaceylka laga helo. Waad ku mahadsan tahay inaad aragtideyda bedeshay.
“Waxaad mudan tahay aniga oo dhan, subax, habeen iyo duhurba, Hadaan hadalka kuu sii jilciyo adiga ayaa i leh. Waxaad u qalantaa hadda iyo mustaqbalkayga sababtoo ah waxaad tahay tan ugu fiican ee aan la kulmay ebid. Waan ku jeclahay.”
“Marka aad kelinimo dareento, kaliya fiiri meelaha bannaan ee u dhexeeya farahaaga, oo xusuusnow halkaas waa meesha ay farahaygu si fiican ugu habboon yihiin.”
“Mararka qaar waxa dhan ee aan ka fikiri karo waa adiga. Aad baan kuugu hamuun qabaa oo xataa ma qiyaasi karo noloshayda adiga la’aantaa.”
“Waxaan mar walba ku fikiri jiray in qofku uu farxad la kulmi karo nolosha hal mar, laakiin adiga kadib, waxaan ogaaday in farxaddu ay tahay daqiiqad kasta, ilbiriqsi kasta, maalin kasta oo jacayl ah oo aan kula qaato iyo daqiiqado aan gacmahayga kugu hayo.”
“Mar walba waxaan u maleynayay in jacaylku yahay dareen oo kaliya, laakiin hadda waxaan arkay inay tahay doorasho ula kac ah. Waana ogahay in ay tahay hubaal inaan ku dooran doono si kastaa oo ay wax noqdaan. Adigu waxaad tahay shaqsiga, qofka keliya ee aan rabo in aan la wadaago dareenka farxada badan ee aan hadda dareemayo.
“Ma jirto gabar kale oo iga farxin karta sidaada oo kale maalin kasta. Waxaad igu dhiirigelisaa inaan sameeyo waxyaabo aan ka cabsanayo inaan sameeyo, waxaad i dareensiisaa inaan ahay mid gaar ah. Si aan kuu dareensiiyo dareen la mid ah kan aad igu abuurtay, waxaan samayn doonaa wax kasta oo ku farxadgelin doono.
“Qof kastaa wuxuu leeyahay dhiirigelin u gaar ah si uu u kaco subaxdii misana u wajaho maalinta. Anaa ku leh Adiga.”
“Waad ogtahay inaanan haysan wax badan oo aan ku siiyo. Laakiin waa inaad ogaataa inaan had iyo jeer ku siin doono waxa aan haysto oo dhan. Adiga ayaa qalbigayga haya ee weligaaba hay.
“Waxay dhahaan jacaylku wuu dhaawac badan yahay, wuu dhibaato badan yahay laakiin aniga waxaan diyaar u ahay inaan khatartaas galo, haddii ay la macno tahay inaan kula jiri doono.”

Qish: Haddii aad jeceshahay in aan kula wadaagno fariimo kale gaar ahaan Fariimo jaceyl oo cusub 2021 ah, halkaan ugu dir fariintaada qoreyaasha Cishqi.com: La xiriir Cishqi
Gunta iyo Gunaadka Erayo Jaceyl qiiro leh
Ugu dambeyso, waxaad dooneysaa erayo kale oo badan qaasatan eray jacayl ah, hadaba halkaan hoose iska diiwaan geli. Sidoo kale haka baqiilin boggeena in aad sii faafiso misana la wadaagto saaxibadaada.
Farxadda jaceylka waa la faafiyaa.
Qore: Mustafa Mmj
wa wax ad u wanagsn