Waxaad isweydiisay sida loo qoro erayo jaceyl ah gaar ahaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh a-z qeybtii 1-aad, hadaba baro maanta.

Markaad rabto inaad soo jiidato qalbiga lamaanahaaga waxaad u baahantahay erayo jaceyl ah gaar ahaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh a-z . Sida qalbiga lamaanahaaga loo soo jiito ma ahan sida cilmiga gantaalaha, Waa wax fudud. Cishqi ayaad ka baran kartaa. Hadaba adeegso erayo naxariis badan qaasatan erayadaan soo socdo.
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
- Erayo jaceyl ah oo macaan
- Erayo raali galin ah
- Erayo macaan xaaskaaga ku soo jiidan karto
- Erayo jaceyl xikmad leh
1. Erayo jaceyl ah oo macaan
Subaxii uma baahni inaan saacadeyda ku xirto ala aarmi si aan u soo kaco, maxaa yeelay waxaad ku nooshahay wadnaheyga.
Fariintani waxay ku socotaa qoftii aan jeclaaday, jaceyl aan xad lahayn. Qoftii qalbigeyga guri ka sameysatay, jaceylkeedana ka dhigtay mid laabteyda suran.
Haddii ay jirto in qof bini aadam ah baahi loo qabo, nafteyda adiga ayeey ku tabeysaa oo ay ku qanacsantahay, iyada oo aanan ka fikireynin culelysyada imaan karaa mustaqablka.
Waa igu adag tahay inaan saacado ku waayo, taas waxaan u leeyahay oo sabab ah, qalbigayga. Waxaa igu adag joojinta daqiiqadihii aan wada qaadanay, waxaase taa iiga sii adag inaan ku waayo adiga. Xusuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay.
Dhoolacadeyntaadu waxay ii tahay wehel, wehel oo kaliya iima tihid ee waxaa sidoo kale tahay dareenkeyga. Ma tihid dhiigeyga balse waan kuu damqadaa. Ma tihid wadnaheyga laakin waxaan diyaar u ahay inaan xanuun walbaa kula dareemo.
Jawigu waa mid aad qurux badan, jaceylkuna waa dareen aad u macaan laakin waa goortee? Iska fahan waa goorta aan aniga iyo adi jaceylka wadajir u daadihino.
2. Erayo raali galin ah
Kama daali doono inaan ku dhaho iga raali noqo qaali, maxaa yeelay waxaad ku weyn tahay qalbigeyga. Waan ogahay inaan wax u dhimay kalsoonidaada, dareenkaaga laakin waxaan weli ogahay in aan Adiga si dhab ah kuu jecelahay waana sababta igu kalifeyso inaan kuu soo diro eraydaan. Xaq ayaad u leedahay balse ha iloobin inaad tahay dareemaheyga iyo mustaqbalkeyga.
Sida ay wax u dhaceen hadaan isweydiiyo, aniguba ma aqaano waxaan ku jawaabo. Wax walbaa oo aan sameeyay eedeeda waxaa iska leh nafteyda, waana ka cudur daaranayaa xanuunka aan u geystay naftaada. Waxay igu tahay murugo joogto, walaac iyo walbahaar laakin mid ha iloobin, inaan diyaar u ahay raali galintaada Iyo wax walbaa oo aan ku heli karo farxadaada iyo kalsoonidaada.
Jaceylka dhabta ah ee aan adiga kuu qabo kuma ekaan doono halkaan ee wuxuu noqon doonaa mid sii jiri doonno. Inta ay nafi igu jirto uma hibeyn doono nafteyda ruux aan Adiga ahayn. I aamin, waxaan kuu balan qaadayaa sameynta wax walbaa oo qalbigaaga farxadgelin karo.
3. Erayo macaan xaaskaaga ku soo jiidan karto

Kaliya ma tihid xaaskeyga ee waxaa tahay rajada, iftiinka ifiya maalmaheyga, waxaa tahay nolosheyda, waxaana ii tahay wax walbaaa, waan ku jeclahay xaaskeyga qaaliga ah.
Aduunkaan waxaa ku tahay qof uun, laakin aniga waxaa ii tahay aduun dhan, waan ku jeclahay aduunkeyga.
Si kastaa oo ay u adagtahay maalintaydu, waxaa sixi karo dhoola cadeyntaada quruxda badan. Waan ku jeclahay xaaskeyga dheymanta ah.
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaad nolosheyda ku jirtid, kun sanadoodna waxaan rabaa inaan kuu shego, inaan ku jecelahay.
Haddaan telefoon ahaan lahaa, waxaad ii noqon lahayd Jaajar, waan dhimanan lahaa adiga la,aantaa. Waan ku jeclahay.
Waxaad istaahishaa aniga oo dhan, waxaad kasbatay subaxdeyda, habeenkeyga, duhurkeyga. Waxaad u qalantaa waqtigeyga maanta iyo kan mustaqbalkeyga maxaa yeelay waxaa tahay tan ugu fiican. Waan ku jeclahay.
Adigu ma tihid oo kaliya hooyada caruurtayda, laakin sidoo kale waxaa tahay garaacaa wadnahayga. Adigu ma tihid kaliya boqoradda qoyskaan, laakin sidoo kale waxaad tahay haweeneydii riyadeyda. Waan ku jeclahay.
Qish: Xaaskaaga uma baahno kaliya erayo macaan ee sidoo kale waxa ay u baahan tahay in la dareensiiyo. Hadaba halkaan ka baro sida aad ku dareensiin karto xaaskaaga jaceyl dhab ah.
4. Erayo jaceyl xikmad leh
Noloshu waxay ku bareysaa inaad u baahan tahay inaad go,aan qaadato waqtiga ku haboon. Ma ahan goor hore, mana ahan goor dambe.
Runtii waxaan ahay qof duceysan, maxaa yeelay adiga ayaan ku heystaa.
Maanta la joogo, waxaan ku dhaartay gebi ahaanba inaad adiga ilahaato.
Waan ku doortay. Waana ku dooran doonaa weligeey. Bilaa hakad, bilaa shaki. Waan sii wadi doonaa inaan adiga ku doorto.
Haddii aad noolaaneyso boqol sano, waxaan doonayaa inaan noolaado boqol sano oo hal maalin ka yar. Sida darteed uma baahni inaan noolaado adiga la,aantaa.
Xusuusnow qalbi in xiriirkeenu uusan ahayn game la ciyaaro, erayo la iska yiraahdo, mid bilaawdo maarso misana dhamaado may, ogow waa beri.
Halkaan hoose waxaan ku diyaarinay qormooyin kale oo xiiso leh kuwaasoo ay akhristayaasheenu ay u riyaaqeen. Guji si aad u akhrisato.
Qish gal qolkaan si aad u barato gabar guurdoon ah ama wiil riix halkaan: Somali girls and boys
Erayo jaceyl qeybtii labaad riix halkaan: Erayo jaceyl oo dareen leh
Qishka 1–aad: Geeraar jaceyl romantic ah
Qishka 2-aad: Oohinta galmada nuucaan ah waa macaan
Qishka 3-aad: Sawiro jaceyl oo romantic ah
Qishka 4-aad: Baro sida aad ku ogaan kartid gabadha ku jecel
Qishka 5-aad: Geeraar jacayla oo aad umacaan
Qiska 7-aad: Erayo Macaan oo xaaska ku soo jiidan karto
Qishka 7-aad: La soco qormooyinka xiisaha leh ee Cishqi Facebook
Qishka 8-aad: Erayo lagu kiciyo dareenka raga
Dhamaad
La soco qeybta xigta. Haddii aad rabto inaad kamid noqoto akhristayaasha aan la wadaagi doono qeybaha kale, halkaan hoose iska diiwaangeli si aan kuugu soo dirno erayada cajiibka ah ee soo socdo. Ama like gareey boggeena Facebook. Riix sawirkaan hoose.
Qoraa: Mustafa Mmj
Sida gabar loo siito qaab yara cajiib ah
Marka aadan aqoonin sida gabar loo soo jiito waxaa laga yaabaa shukaansigaaga koowaad inuu kaa burburo ka hor inta aan la gaarin qeebaha xiga ee shukaansigaaga. Si aysan taa u dhicin waxaan halkaaan kuugu diyaarinay waxyaabo badan oo kaa caawinayo sida gabar loo soo jiito qaab yara cajiib ah oo uu wiil walbaa sameyn karo. …

Erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga
Waa kuwee erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga? Ma isweydiisay erayada macaan ee ay ka hesho xaaskaaga? wax dhib ah malahan haddii aadan jawaab u heynin, maxaa yeelay halkaan ayaad kaga bogan doontaa. In aad soo jiidato xaaskaaga uma baahno wax sidaa u weyn, kaliya waxaad u baahantahay in aad ku tiraahdo erayada …
Shalay waxaan ku lumay indhahaaga Part one
Shalay waxay ahayd maalin qurux badan maantase waa maalin ka sii qurux badan. Shalay waxay ahayd maalin farxad badan maantase waa maalinta ugu farxada bdan nolosheyda. Shalay marka aan aan ku arkay waxay dareemay dareen, kaasoo igu dhaliyay farxad, farxadaasoo isu bedeshay inaan kuu qaado jaceyl waali ah. Shalay iyo beri waxaa u dhexeyso maanta, …
Ereyo jaceyl ah romantic