Sida loo soo jiito qofka aad jeceshahay waa wax fudud, kaliya u diro erayo jaceyl oo dareen leh gaar ahaan kuwa soo socdo oo kale. Marka aad u dirto erayadaan waxaad arkeysaa iyadoo aad kuu xiiseyneyso. Hadaba goormee la diraa erayo jaceyl oo dareen leh?
Jawaabta macquulka ah: Marka ay sheekadu meel mac mareyso ayaa loo dhex geliyaa, qaasatan marka aad ka sheekeyneyso dareenkaaga sida uu yahay.
Qormadaan qormadii ka horeysay waxaan bogeenna Cishqi ku soo qaadanay erayo kale oo dareen leh qaasatan erayadaan: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.
Erayo jaceyl dareen leh
Haddii raali gelintu ahaan lahayd laab gelintaada, waxaan kuu caroon lahaa sabab la’aan si aad laabta ii geliso.
Cimrigu waa ubax, noloshuna waa waqti, jaceylkuna waa raxmad, ubaxuna waa udgoon, hadaan u qalmo Amraneey xusuustaada igali.
Xusuusnow: Aduunku mid ku meel gaar ah, laakin jaceylka aan adiga kuu qabo waa mid aan dhamaad lahayn oo weligiis jiri doono. Waan ku jeclahay si xad dhaaf ah.
Aduunka waxaad ku tahay hal qof, laakin qof baad aduun u tahay. Qofkaasna waa aniga.
Jaceylku waa sida dagaal ku bilaawdo si fudud, wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma ahan in la iloobo. Isoo xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.
Kumanaan qof ayaa laga yaabaa in ay kuu soo diraan fariimo jaceyl laakin fariinteydu waa mid kuwaas ka duwan, maxaa yeelay waxay sidataa dareen farxad leh.
Tan iyo markii aan kula kulmay, waan yara ilmeeyaa, waan yara dhoola cadeeyaa sababtoo ah adiga ayaan ku heystaa, nolosheyda waxay joogtaa halka ugu wanaagsan.
Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnahana wuxuu ii noqdaa mid boobsiis ah, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.
Jaceyl Dhab Ah Sida Loo Dareen Siiyo Xaaskaaga
Erayo jaceyl oo qalbiga taabanayo
Waxaan mar walbaa ku fikir jiray in qofku uu farxad la kulmi karo nolosha hal mar oo kaliya, laakin adiga kadib waxaan ogaaday in farxaddu ay tahay daqiiqad kasta iyo ilbiriqsi kastaa.
Dadku waxay igu tilmaamaan in aan sixranahay sababtuna wax kale ma ahan ee waa jaceylka aan adiga kuu qabo dartii.
Dadku waxay yiraahdaan jaceylku wuu murugo badan yahay balse anigu waxaan qabaa aragti kale, maxaa yeelay waxaaad isiisay farxad aan la qiyaasi karin.
Xusuusnow: Jaceylkeenu waa sida dabeysha oo kale, ma arki karno laakin waan dareemi karnaa.
Mar walbaa oo aan arko suuradaada farxada badan waan ku sii jeclaadaa maxaa yeelay waxaan dareemaa dareen aanan caadi ahayn.
Erayo jaceyl oo raga dareen gelinayo
Sir makuu sheegi karaa? Waxaan ahay qof adiga kugu waashay.
Uma baahni subaxdii in aan cabo kafeey, kaliya in aan adiga kaa fikiro, Jaceylkaagu waa kiciyaha dareemaheyga.
Kulankeenii ugu horeeyay ee aan kulanay, waxaan ku fikiray in aad tahay ninka ugu degan, ugu akhlaaqda wanagsan, uguna quruxda badan aduunka. Hadda waxaan arkaa inaad ka qurux badan tahay ninkaasi, maxaa yeelay waxaad dhameytirtay nolosheyda.
Waad ku mahadsantahay inaad noqoto saaxibkeyga, jaceylkeyga iyo halyeeygeyga. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kula qaato cimrigeyga inta ka dhiman nolosheyda.
Inaan noqdo xaaskaaga waa farxada nolosheyda, waa iftiinka qalbigeyga, waad ku mahadsantahay inaad aniga idooratay, Ninkeyga.
Kama caajisi doono weligeey in aan subax walbaa daawado suuradaada qurxoon, ama taabashadaada dareenka leh ee xiliga habeenkii.
Weli waad iga farxisaaa, macaan badan, waxaan rajeyn in aad ogtahay taas.
Jaceylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, waxaana loo hagaajiyaa sida nolosha, tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.
Qish, baro erayo kala oo dareenka raga kiciyo
Erayo naxariis badan oo jacayl ah
Mcnto jacaylka aan kuu qaaday ma ahan wax la dhalaysan karo oo dheel dheel noqon karo, murugada iyo walbahaarka i haysto waxa iiga daran mar kasta oo aan is dhaho seex oo aan indha isku qabto waxaa la i horkeenaa sawirkaaga soo jiidashada leh, markaas ayaan baraaruga aadna u xanuunsadaa, Indhahaygana ay ilmo kusoo istaagtaa, waxan ka baqayaa in aan nolosha ciriiri ku dhamaysto maxaa yeelay qof aan adiga ahayn iima muuqdo.
Mcn weligey waan ku jeclaa, jacaylkaaga dartiisna waxaan u huray nafatayda. Daqiiqad walbaa waxaan jecelahay inaan ku raali galiyo. Waxaana ku rajo weynahay in aan noloshayda inta ka dhiman aan adiga kula wadaago, xusuusnow naftayduna adigay raalli kaa tahay kumana qasbi karaayo nin aanay raalli ku ahayn in ay nolosha la wadaagto, runtiina waan ku jeclahay waxa ilmada indhahayga ka shubayaana maaha wax sahlan ee waa jacaylkaa aad igu beertay.
Illaa maalinkaan ku jeclaaday illaa maanta habeena ma seexan, ma harsado dharaartii, marwalbana waxaad tahay mid naftayda ku dheer oo dareenkaygu la jiro, haddii aan is iraahdo howl qabana adigaan kaa dhex arkaa iyo wanaagi aad ii sammaysay, daraadana waxaan ahaa mid nafteeda u hurtay sidii ay jacaylkeeda u haqab tiri lahayd. Waxay naftaydu adiga dartaa igu qasabtaa in aan sameeyo wax walba oo suuro gal ah, mcn waan ku jeclahay illaa weligayna waan ku jeclaan doonaa.
Jacaylka aan kuu qabo waxa uu ku baahay jirkayga oo dhan, waxa uu gilgilay qalbigayga, waxa uu ku milmay dhiigayga, waxa uu dhaqaajiyay dhuuxayga. Waan ku baryayaa mcnto ha ka bixin balantii iyo wacadkii inoo dhexeeyay.
Waxaan aad ula ildaranahay jacayl aan la kaliyoobay , xili kasta waxa ka fikiraa qof aan niyad ii yahayn Alla dhib badanaa marka uu jacaylku kugu keliyaysto.
Habeen iyo maalin waxaan is weydiiya inaan ku heli doono iyo in kale, qalbigaygu waxa uu aad ula khushuucaa jacaylka xad dhaafka ah ee aad igu beertay, indhahaygu waxa ay aad ula yaabaan oo markastaa u sawiran muqaalkaaga farxada leh, dhagahayguna waxa ay codkasta oo ay maqlaan u maleeyaan kaagii, Alla jacaylku macaanaa.
Jacaylku idho maleh dhegana warkii daa, macaanto anigu wax dambi ah ma lihi waayo qalbigaygu aniga oo aan war u hayn ayuu iga kaa raacay, runtii noloshaydu Alle ka sokow adiga ayay kugu xiran tahay fadlan haygu daawan caashaqa.
Naftayda waxaad ku abuurtay dareen jaceyl oo aanay weligeed arrag marwalbana xagaga ayaan ahay kuuna balan qaadaaya, runtiina waan ku jecelahay.
Mar walba ka fikirkaaga ayaan la ildaranahay iyo sidaan kula kulmaayo waxaan jecelahay in aan kula kulmo maalin walba iyo xili walbaa, waayo waxaad tahay qof noloshayda ku dhex beeray oo aan marnaba ka maarmeynin.
Ku jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxaan ka warwaraaya sidaan u noolaan doono adiga la’aanta marwalbaana waxaan ahaan doona mid adiga uun kaa fikira.