Waxaaad dooneysaa inaad lamaanahaaga u dirto erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah oo qiiro leh, qalbigana soo jiidanayo, hadaba waxaad joogtaa halka saxda ah.
Sida qalbiga lamaanahaaga loo soo jiito ma ahan wax adag, haddii aad adeegsato erayadan dareenka leh ee soo sodo. Waa erayo jaceyl oo gaaban weliba kuwo xul ah oo qiiro leh. Waxaan u diyaarinay akhristayaasheena sharafta leh oo runtii inaga mudan in aan ka saacidno baahidooda gaarka ah.
Sida akhristayaal fara badan oo isugu jiro gabdho iyo wiilal ay inoo sheegeen goorta ay adeegsadeen erayadani in lamaanahoodu uu aad ula dhacay. Haddii aad adeegsato adiguna waxaa suurto gal ah in aad ku soo jiidato lamaanahaaga.
Qeybta hore waxaan kugula wadaageynaa erayo jaceyl oo gaaban qaasatan kuwo romantic ah, qeybta xigtana waxaan ku diyaarinay erayo jaceyl oo qoraal ah gaar ahaan kuwo calaacal ah oo naxariis badan. Waxa aad u diri kartaa lamaanahaaga marka aad isku yara dhacdaan ama aad is fahmi weynsaan.
Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah

Heysashada aan ku heysto ayaa waxay iga dhigeysaa ninka aduunka ugu nasiibka badan. Waan ku jeclahay.
Waxaa jiro taariikho aan ilaawi karin laakin taariikhda aan isla soo marnay ma ahan mid aan marnaba iloobayo.
Qaali la’aantaa suurtogal ima noqon lahayn in aan noqdo kala bar ninka aan hadda ahay. Qaali waan kugu faanaa.
Marka aan arko dhoola-caddeyntaada farxada leh waxaa is bedelo gebi ahaan dareenkeyga.
Sida loogu calaacalo lamaanahaaga markuu kaa dheeraado:
Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo naxariis badan
Waan kaa tagay, aniga oo aan is lahayn waad ka tagi doontaa. Kaagama aan tagin go’aankayga. Adiguba taa waad og tahay! Waxaan kaa tagay aniga oo ixtiraamaya rabitaankaaga. Waxaan kaa tagay aniga oo ku jecel weliba jaceyl dhab ah kuu qabo.
Waxaan diiday in aan culays kugu saaro jacaylkayga mar haddiiba aad xasaanaddii igala noqotay. Kalsoonidiina aad igala noqotay. Waa xanuun iyo dareen miiran markaan oo kale, balse kuguma nicin haddana! Waxaa run ah eray kasta oo aan kuugu cabbiri jiray dareenka aan kuu qabo. Sidii baad wali u tahay qofka noloshayda ugu qaalisan.
Sidii baad wali u tahay qofka aan doortay ee aan cidina booskiisa ii buuxin karin. Waxaan kuu oofin doonaa ballan kasta oo aan kuu qaaday. Kugu fogayn maayo kala taggeena. Kuguna ximin maayo xorriyaddaada aad xaqa u leedahay. Waxa sharaf iigu filan inaad mar soo martay noloshayda. Dhib kasta waxaan ku illaawi doonaa, hal maalin oo aad igu tiri “waan Ku Jeclahay.
Nolosheyda ayaa tahay, waad ku mahadsantahay in aad naxariis iyo xannaano ii muujisay. Waxaa wali niyaddayda ku xardhan markii aan is oran jiray, gacanta is qabsada, wada dalxiisa, guri wada dhista oo ubad daadahaysta.
Waxa aan qirayaa in aanan wada toosnayn oo aan bashar ahay. Balse gef kasta oo aan kaa galo aan ka murugoon jiray, waliba aan kaa raali galin jiray. Mararka qaarna aan u dulqaadan jiray qaladaad waawayn oo dhankaaga ah, aniga oo diidaya in xiriirkeenu uu burburo. Haddana taasi innama badbaadin! Dedaal kastana waxa ka awood badan nasiibka.
Qalbigayga waxa ka buuxa kalgacalkaaga, xiisahaaga iyo qurux kasta oo adiga kuu gaar ah. Nabsad uma heli doono, caleemo saarka qof kale oo aan taashka saaro. Xattaa adiga oo maqan. Magacaaga iyo suuraddaaduba waxay igaaga yaalaan meel weyn. Wali waxaa qalbigeyga kuso dhaca erayadii aad idhihi jirtay, balamihii aad ii qaadi jirtay, sidaad iigu naxariisan jirtay, sida aan uwada faraxsaneyn.
Ma dookh xumi oo taasi adiga ayaa iiga marag ah. Waayoo, waad iska ogtahay waxa aan kugu doortay. Qof kasta waxa uu Ilaahay gaarka uga dhigay isaga ayaa cid walba uga aqoon badan. Waan kugu hambalyaynayaa hankaaga, akhlaaqdaada iyo habdhaqankaagaba. Waxa isoo jiitay kaliya ma ahayn quruxdaada hibada ah ee dabeecaddaaduna qayb wayn bay ka ahayd. Xumaan kalena iguma aadan samayn, marka laga tago in muddo xileedkaygii xaggaaga ka dhammaaday, dhankayga se, aad sidii boqortooyada aad dhaxal ugu yeelatay wadnahayga. Taasi waligeedna keeni mayso inaan wax xun kaa sheego, amma aan colaad kuu qaaado. Waxaan kula jecelahay wanaag oo dhan, waligay nabsi kulama doonin. Mustaqbal fiican baan kuu rejaynayaa. Waxaan kuugu duceeyay qof sidayda kuu jeclaada oo kuu ilaaliya. Nolosha farxad iyo guul ku waar…
Qormooyin kale oo ay akhristayaasheenu la dhaceen:
How to Date a Somali Girl: Insights and Tips
Are you interested in dating a Somali girl? Discover valuable insights, tips, and cultural considerations to navigate a successful and respectful relationship with a Somali girl. Learn about Somali culture, values, and how to approach dating in a way that fosters understanding and connection. Dating someone from a different cultural background can be an exciting …
Sida gabar loo siito qaab yara cajiib ah
Marka aadan aqoonin sida gabar loo soo jiito waxaa laga yaabaa shukaansigaaga koowaad inuu kaa burburo ka hor inta aan la gaarin qeebaha xiga ee shukaansigaaga. Si aysan taa u dhicin waxaan halkaaan kuugu diyaarinay waxyaabo badan oo kaa caawinayo sida gabar loo soo jiito qaab yara cajiib ah oo uu wiil walbaa sameyn karo. …

Erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga
Waa kuwee erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga? Ma isweydiisay erayada macaan ee ay ka hesho xaaskaaga? wax dhib ah malahan haddii aadan jawaab u heynin, maxaa yeelay halkaan ayaad kaga bogan doontaa. In aad soo jiidato xaaskaaga uma baahno wax sidaa u weyn, kaliya waxaad u baahantahay in aad ku tiraahdo erayada …
Shalay waxaan ku lumay indhahaaga Part one
Shalay waxay ahayd maalin qurux badan maantase waa maalin ka sii qurux badan. Shalay waxay ahayd maalin farxad badan maantase waa maalinta ugu farxada bdan nolosheyda. Shalay marka aan aan ku arkay waxay dareemay dareen, kaasoo igu dhaliyay farxad, farxadaasoo isu bedeshay inaan kuu qaado jaceyl waali ah. Shalay iyo beri waxaa u dhexeyso maanta, …

Qiso yaab leh: Maal, Guul iyo Jacayl
Qiso yaab leh, waa maxay farqiga u dhexeeyo Maal, Guul iyo Jacayl? Qisadaan ayaa ah qiso yaab leh kana kamid ah qisooyinka ugu cajiibka badan ee ka baxa boggeena Cishqi.com. Ma ahan qiso yaab leh oo kaliya ee sidoo kale waa qiso cajiib ah oo xikmad leh oo aad wax badan ka baran doonto misana …
Samirka iyo Dulqaadka badan waxay sababaan sidaan
Faaiidooyinka qofka samirka iyo dulqaadka badan: Ka waran adigoo single ah, haddii laguu guuriyo qofka riyadaada ah, qofka kaliya ee maankaaga ka dhaadhacayo? Waxaa dhihi lahayd wow, waxaan dareemi lahaa amaan iyo farxad aan inaba caadi ahayn. Faaiidada dadka samirka iyo dulqaadka badan intaas kuma eko ee waxaa sii dheer faaiidoyinka soo socdo… Sida ku …
Samirka iyo Dulqaadka badan waxay sababaan sidaan Read More »