Erayo Macaan Oo Shukaansi Ah + Sawiro

Erayo macaan oo shukaansi ah qaasatan erayo qoraal ah + Sawiro romantic ah, erayo marka aad ku tiraahdo qalbigeeda soo jiidanayo, kadibna ay kugu waalaneyso. In aad erayo macaan oo shukaansi ah la wadaagto gabadha aad jeceshahay waa habka ugu fudud ee aad ku kasban karto qalbigeeda.

erayo macaan oo shukaansi, sawiro, shukaansi, erayo macaan shukaansi, erayo macaan oo jacayl ah, erayo qoraal ah, qoraal, erayo macaan qoraal

Shukaansi aanan erayo macaan la socon waa sida shaax aan sokor lahayn, maxaa yeelay waa qaraar. Intaas waxaa sii dheer, in gabadha aad shukaansaneyso ay ku caajiseyso hadaladaada, maxaa yeelay waa hadalo caajis ah.

Hadaba adeegso hadalo macaan oo soo jiidasho leh gaar ahaan kuwa soo socdo. Shukaansiga waxa uu ku bilaawdaa erayo sarbeeb ah, erayadaasi waxa ay isu bedelaan erayo kaftan ah, kaftankaasina waxaa ka dhalanayo shukaansi aanan caadi ahayn oo qofba qofka kale dhankiisa ka xiiseynayo.

Maalinta ugu horeyso ee ay kula kulmeyso waxa ugu horeeyo ee ay kaa fiirineyso waa hadaladaada, haddii aad ku dhahdo hadalo macaan gaar ahaan erayo ku haboon shukaansiga waxaa laga yaabaa in ay jaanis ku siiso.

erayo macaan shukaansi ah, erayo macaan, cishqi shukaansi

Qaladaadka shukaansiga ee wiilasha

Qaladaadka ugu badan ee ay wiilasha sameeyaan xiliga shukaansiga waxaa ugu badan, marka ay gabdhaha hor istaagaan, ma yaqaanaan halka ay ka bilaabi lahaayeen, iskaba daa erayo macaan oo shukaansi ah.

Qoreyaasha boggeena Cishqi waxa ay ku siinayaan qishash fara badan, kuwaasoo wax badan kaa saacidi doono. Hadaba aan u guda galno erayo macaan oo shukaan gaar ahaan kuwo xul ah oo qalbiga soo jiidanayo.

erayo macaan oo shukaansi ah, erayo macaan oo jaceyl ah, erayo macaan shukaansi, shukaansi

Erayo macaan oo shukaansi ah

  1. Erayo macaan qoraal ah
  2. Erayo naxariis badan
  3. Erayo macaan oo jacayl ah
  4. Sawiro jaceyl oo muuqaal ah
  5. Gunta iyo gunaadka erayada

1. Erayo macaan qoraal ah

“Marka aad jaceylka ila daadihineyso, waa dareen cajiib ah balse waxaa ka sii cajibsanaan doonto marka aad xaaskeyga noqoto, laabteydana barkin kaaga dhigo.”

“Waxaan rajeynayaa inaad dhinacageyga taagnaan doontid inta nolosheyda ka dhiman, sababtoo ah waxaan qabay dareen ah in jaceylkaaga uu ku tiirsan yahay dareen kulul. Hadaba aan dhahno haddii aan isla wadaagno nolosha waxaan noqoneynaa dadka aduunka ugu nasiibka wanaagsan.”

“Qalbigaa ku tebay haddii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa, dikaanka wadnaha wuxuu i noqdaa mid boobsiis ah marka aan ku  hortaaganahay, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubin karaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo Indhuhuna ay adigu kugu doogsadaan.”

“Malaga yaabaa in waxa aan dareemaayo yahay jaceylkii dhabta ahaa ee buugaagta keliya lagu xusi jiray? Mise aniga ayey ii sawiran tahay in dunida xagaaga keliya dhadhan iyo macanba ka leedahay?”

“Waad iga istaahishaa inaan kuu riyaaqo, ku xushmeeyo, kuuna dhoolacadeeyo, maxaa yeelay waxaan kaa helaa bogaadin iyo jaceyl mug leh.”

erayo macaan oo jacayl ah, erayo macaan shukaansi, hadalo macaan

2. Erayo naxariis badan

Jaceylku waa sida dagaal si fudud ku bilaawdo wuxuuna ku dhamaadaa si adag, macquulna ma’ahan in la ilaawo. Isoo xasuuso haddii aan ahay qof adiga kugu weyn.”

“Waxaan rajeynaa inaad si wanaagsan u fahanto inaan ku jeclaan doono ilaa inta ka dhiman nolosha, sababtoo ah waxaad tahay qofka keliya ee nafta bogsiisa, islamarkaana aan ku aaminay riyada mustaqbalkeyga.”

“Waxaad akhrisataa kaliya fariimaha aan kuu soo diro, balse marka aad wax yar indhaha isku qabato, waxaad arkeysaa anigoo kuu sido ubax casaan ah. (Isticmaal marka aad la kulmeyso, weliba adoo ubax u sido).”

“Macaanto marwalba dhinacaaga iga fiiri, wax dhib ahna malahan duruurfaha adag ee nolosha, taasi waxa keliya ee looga gudbi karaa waa qalbi saafi ah oo jaceyl iyo daryeel kuula diyaar ah.”

“Jaceylkeyga waa mid qoto dheer oo runta ku saleysan, xiisuhuna wuxuu kordhiyaa aragtiyada caashaqa, qalbiguna wuxuu u garaacmaa si dhaqsi leh markaan isha ku saaro, waana arinta ugu macaan ee nolosheyda soo marta inaan habeen iyo maalin qalbiga kuugu haayo.”

“Jaceylkeyga weligiis wuxuu ahaan doonaa mid laga ilaaliyey qiyaano iyo daneysi, taasina waxaa sabab ah, nafteyda ayaanba ii ogolaaneynin iney ilbiriqsiyo qof aan adiga aheyn isha ku xado.”

3. Erayo macaan oo jacayl ah

“Jacaylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, waxaana loo hagaajiyaa sida nolosha, tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.”

“Qalbigu wuxuu leeyahay ereyo u gaar ah oo lagu koriyaa jacaylka, waa erayo mudan in la xanaaneeyo,adigana waxaad ii tahay qof si qaas ah qiimo ugu leh jiritaankeyga.”

“Macaan badaneey waan ku tebayaa, maalmahana waan xisaabiyaa, waa iga qiima badan yihiin saacadaha aan kula kulmaayo maalinta saacadaheeda kale.”

“Noloshu waa macaan, waa farxad, maxaa yeelay adiga ayaan ku heystaa. Marna ma ilaabi doono ruuxdaada aadka u quruxda badan ee loo wada riyaaqay, ee awooda u leh iney iga dhigto qof aaminsan sida ay u macaan tahay nolosha, sida ay u wanaagsan tahay la joogitaankaaga oo aniga iga dhigay qofkaan dhameystiran ee aad u jeedo. Waxaad ii hirgelisay riyooyinkeyga in ay noqdaan kuwa rumoobay, islamarkaana hamiga nolosha aan wadaagnay waa natiijada xanaano iyo xubi miro dhala.”

“Macaan badaney nolosheyda la’aantaa macno dhan ma’lahan. Haddii aad ogaan laheyd sidaan kugu xiisay! Ma sugi karo inaan dhawaan hortaada soo istaago.!”

“Marnaba ma sii deyn doono dareenkaan inuu gacanteyda ka baxo,aan ka faa’iideysano fursadaha nolosha noogu deeqday anagoo iska dhowrneyna inaan si kutalagal la’aan ah isku dhaawacno.”

“Macaanto marka aan maqlo Qosal kaada ama hadaladaada, dareemaha jir keeyga oo idil wuu is bedelaa oo waxaa buxsho naxariis iyo jaceyl mug weyn, mcn dunidaan ha igu cidleen, sababtoo ah waligaa waxa tahay qofka kaliye ee aan dunida ugu jeclahay aana ka fikiro har iyo habeen.”

“Markaan ku arko waxaa idaayo daalka, waxaan galaa jawi farxadeed, maxaa yeelay waxaad isiisay jaceyl dhab ah.”

“Qaali marka aadan ila joogin waan iska ilmeeyaa, maxaa yeelay ma aqaan sabab kale oo aan kugu dareensiiyo jaceylka aan kuu qabo. Hadda makuu ilmeeyaa? (Adeegsoo marka aad rabto in aad ka qoslisiiso)”

4. Sawiro jaceyl oo muuqaal ah

Sidoo kale halkaan waxaan ku diyaarinay sawiro kale oo jaceyl ah: Sawiro jaceyl ah qaasatan kuwo soo jiidasho leh

5. Gunta iyo gunaadka hadalada

Xusuusanow: Hadalada macaan waa naxariis, adeegsiga erayo macaan oo shukaansi ah waxa ay kaa caawin karaan inaad soo jiidato gabadha aad jeceshahay, balse waxaad u baahann tahay inaad muujiso.

Erayo aanan ficil la soconin, waa uun erayo.

Qoraa: Mustafa Mmj

1 thought on “Erayo Macaan Oo Shukaansi Ah + Sawiro”

  1. Run ahaantii waa qoraal qiimahiisa wata aadna aan ugu farxay wax badana ka bedali doono shukaan sigayga😁.
    Thanks for your amazing book,
    Mcyg waa”Abdiweli Jama oo ku nool somalia siiba gobolka cayn ee isbarasho wcn qoraa mustafe.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »