Erayo Murti Leh Qaasatan Kuwo Cajiib Ah

Mogadishu (Cishqi) – Markaan soo hadal qaadno murti, waxaa durbaba qalbigeena ku soo dhacayo erayo murti leh qaasatan kuwo xikmad leh.

erayo murit leh, hadal murti leh oo jaceyl, erayo sarbeeb ah.
Erayo Murti Leh gaar ahaan kuwo ay naftu baahan tahay

Inaad barato erayo murti leh runtii waa wax ay naftu ubaahan tahay. Maxaa yeelay qof walbo oo wax akhrin karo waxna qori karo, waa qof u diyaarsan inuu aqbalo fahmadaha sare ee uusan aqbali karin qofka jaahilka ah.

Erayo Murti Leh Qaasatan Kuwo Cajiib Ah

Sida aan akhristayaal fara badan kaga caawinay erayo murti leh qaasatan erayo macaan ah oo soo jiidasho leh ayaan adigana kaaga caawin karnaa. Barashada erayo murti leh gaar ahaan erayo qiiro leh ma ahan sida cilmiga diyaaradaha, halkaan ayaad ka baran kartaa: Erayo xikmad leh oo runtii anfacayo raga iyo dumarka

Horumar: Qof uu Ilaahey horumar u qoray, ayaa horumar gaaro.

Rajo: Waxaad la kulmi qof kuu qalmo.

Horumarka aad naftaada la jeceshahay: Naftaada ka hormari wax walbaa, adigaa muhiim ah. Waxaad heleysaa markaasi awood siyaado ah.

Rajo: Waad noqon kartaa qofka aad ku rajo dheer tahay inaad ahaato.

Runta haka xishoon: Haka xishoon inaad runta ka hor imaado oo aad wanaag ku bedasho, guusha noloshaada waad gaari doontaa.

Dhoolacadeynta: Dhoolacadeey waxaa laga yabaa waqti aadan filaneynin in ay ku anfacdo.

Rabitaanka: Wax kasto waxay ku dhacaan rabitaanka Alle, si kastoo aan u nacno ama aan u jeclaano.

Hooyo & Aabe: Waqtiyada noloshiina ugu muhiimsanaa aniga ayaad i siiseen. Wax yar xittaa kama gudi karo wanaagiina. Alle ha idinka ajar siiyo wax walbaa oo aad aniga darteey u sameeyseen.

Gaarida Guusha: Qofkii dagaalamaa wuu guuldareynsan karaa balse qofkii aanan dagaalamin waaba uu guuldareystay.

Dhiiro gelin: Ma tihid qof wanaagsan oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay qof sharaf badan.

Jooji walwalka iyo cabsida: Ha walwalin hana cabsan, maxaa yeelay ma tihid kaligaa, oo waxaa had iyo jeer kula jiro naxariis badanaha kann ugu naxariista badan.

Saaxibka wanaagsan: Saaxibka wanaagsan waan kan kula jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay.

Guusha: Caqabad kastaa oo kugu timaadaa waxa ay kuu tilmaameysaa wadadii aad ku guuleysan lahayd.

Caafimaadka: Hantida dhabta ah waa caafimaadka ee ma ahan lacagta iyo dahabka.

Farxad: Si aad u faraxsanaato waa inaad adeegsato iftiinka adiga kuu gaarka ah.

Meel Sare: Haddii aad geyso qof meel sare oo uusan kaa filaneynin, ka filo inuu ku dhigo meel hoose oo aadan ka filaneynin.

Qof wanaagsan: Noqo qof wanaagsan balse waqti haku lumin si aad u cadeyso.

Gaarida hadafkaaga: Hadaadan duuli karin, orod. Hadaadan ordi karin, soco. Hadaadan soco karin, garguuro. Si kastaa oo ay ahaataba isku day inaad horay u socoto si aad u gaarto hadafkaaga.

Qofka aad jeceshahay: Jaceylku qof ma dilo laakin waxa uu u dhexeeysiiyaa nolol iyo geeri. Runtii inaad wax jeclaato waxa ay kugu qaadaneysaa ilbiriqsi balse qofka aad jeclaatay inaad hilmaamto waxa ay kugu qaadaneysaa cimrigaaga inta ka dhiman.

Saaxibka beenta ah: Haka cabsan cadowga u soo bareeray inuu ku soo weeraro laakin iska ilaali saaxibka beenta ah ee hab ku siiya.

Saaxibka dhabta ah: Waa kann markuu qalad kugu arko, talo ku siiyo, markii aad maqan tahayna ku difaaco.

Jaceyl: Si daacad ah ayaan adiga kuu jeclaaday, markastana waxaan ahay garabkaaga.

Qofka ku jecel: Noloshiisa ayaad wehel u tahay mana kula simo cid kale.

Cishqi: Markaan ku tabo waxaan daawada sawiradaada, waxaan galaa xusuus laakin markaan xusuusto anagoo wada joogno waan iloobaa inaan kala fognahay.

Ku dadaal waxbarashada: Waxbarashadu waxa ay naga caawisaa koritaanka shaqsi ahaan, xirfad ahaan iyo bulsho ahaanba. Ku dadaal waxbarashada si’aad naftaada, dadkaaga iyo dalkaag Great Somalia wax ugu tarto.

Dalka: Welwel badan igama hayo inuu dalku dhismayo, wuxuuse welwel badan iga hayaa, maskaxdii markii hore dumisay.

Capital of Somalia: Iftiinka iyo Bilicda Caasimada Dalkeena

Caasimada Dalkeena Hooyo ee Great Somalia

Taariikhda: Ninkii timir abuuriyo, ninkii tiin talaalaba, taariikhda weey warin.

Adiga: Haddii riyadu la dalban karo waxaan mar horaan Alle ka dalban lahaa inaan adiga kugu riyoodo.

Xiiso: Xurmo iyo wanaag, xubi iyo jacayl, xiiso aan dhamaan adigaan xabiibi xaqiiqdii kuu qabaa.

Dhalaalka: Ha raacin wax kastaa oo dhalaalaya, sababtoo ah dabkuba wuu dhalaalaa.

Ha niyad jabin: Safar kastaa oo dheer waxa uu ka bilaawdaa hal talaabo oo aad horay u qaado.

Ha quusan: Rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo.

Murti iyo Xikmad: Geed ayaa sameyn kara kumanaan taraq ah balse hal taraq ayaa gudbi kara kumanaan geed.

Dhib iyo Dheef: Ma heleysid saaxib dhib iyo dheef kula qeybsado, haddii aad heshana waxaa tahay qof nasiib badan.

Gelitaanka qaladka: Qof kasta wuu galaa qalad balse waxaa ugu fiican kan ogaada inuu qalad ku jiro, dibna uga soo laabto.

Noloshu waa qabyo: Haddii aad wax hesho, wax baad weyneysaa, Haddii aad wax weysana wax baad heleysaa.

Taxadir: Qofna qalbigiisa ha dhaawicin sababtoo ah, qalbiga waxaaa dhaawici karo hal eray oo si qaldan loo yiri

Naftaada: Dhiiri gali naftaada, qiimee naftaada, jeclow naftaada, ixtiraam naftaada.

Ku kalsoonow naftaada: Shimbirka saaran laanta sare ee geedka kama cabsaneyso in ay laanta la jabto, sababtoo ah kuma kalsoono laanta ee waxa ay ku kalsoon tahay baalasheeda.

Erayo murti ah: Seddex midood

Mid weey iheysaa, midna waan is heynaa, midka dambana wuu ihayaaa. Inaan wax qabsado weey iheysaa, dadaalna waan is heynaa, waqtiguna wuu ihayaaa.

Wax qabadka qofka: Feynuustu ma hadasho, waxa ay isku soo bandhigtaa iftiinkeeda. Kuwo guuleystay marnaba ma aha in ay naftoodu buun-buuniyaan, balse wax qabadkooda ayaa la rabaa inuu soo bandhigo oo hadlo.

Masuuliyadaada: Halka aan ka soo jeedno ee Somalia iyo daruufaha inagu xeeran waxaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeeshaan naftaada, laakin adigaa ka masuul ah qofka aad noqoneysid.

Alle talo saaro: Mararka qaar waxaa noloshaada ku soo biirayo dad gaar ah kuwaasoo hoos kuu dhiga, kuna dhibaateeya, haddii aad aragto Alle talo saaro, Alle waa mid kugu filan.

Qiimaha qofnimo: Markaad taqaano qiimahaaga uma baahnid inaad is-xayeysiiso, istus tus iyo halagaa sheego sameyso. Sare u qaad qiimahaaga qofnimo, adkee shaqsiyadaada iyagaa hadlaya oo dadka kuu bandhigaya.

Sujuuda: Ducada aad sameyso kolkii aad sujuudsan tahay waa waxa qalbigaaga sida dhabta ah u rabo. Waa meesha kaliya aysan fikradahaaga ka awood badin karin dareenkaaga.

Ha is dhiibin: Goortii aad dareento culeys aduun iyo dhib. Kor eeg, kadibna dhoolacadeey sababtoo ah Alle ayaa mar kale iimaankaaga tijaabinayo.

Sheeg runta: Runtu waa sharaf xittaa dadka haddii ay kugu nacayaan.

Barbaarinta caruurta: Hal Aabe oo wanaagsan ayaa wuxuu ka fiican yahay boqolaal macalin.

Rasuulka (SCW) wuxuu yiri: Dunidu waa raaxo, raaxada ugu wanaagsanna waa haween wanaagsan.

Rasuulka (SCW) wuxuu yiri

Ka faaiideyso shan inteysan shan kale kugu imaan.

Dhalinyaranimadaada inta aadan gaboobin

Caafimaadkaaga intaadan xanuunsan

Hodantinimadaada intaadan faqiirin

Firaaqadaada intaadan mashquulin

Noloshaada intaadan geeriyoon

Ugu Dambeys

Marka hore waad ku mahadsantahay inaad soo booqatay boggeena! Marka xigta boggeena Cishqi.net waxaa ku xiran akhristayaal fara badan kana faaiido qormooyin xiiso leh oo ku baxo afkeena hooyo ( Somali).

Haddii aad jeceshahay inaad kamid noqoto akhristayaashaasii halkaan hoose iska diiwaangeli. Sidoo kale haddii aad ke heshay boggeena waxaa la wadaagi kartaa asxaabtaada #Facebook iyo Whatsapp adigoo gujinayo oo kaliya calaamadaha Facebook iyo Whatsapp.

Waad ku mahadsantahay taageeradaada!

Qoraa: Mustafa Mmj

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »