Erayo xikmad leh oo anfacayo haweenka iyo raga

Baro erayo xikmad leh oo somali ah kuna saabsan haweenka ama dumarka, erayadani ma ahan oo kaliya erayo xikmad iyo murti leh ee waa erayo yaab leh oo qosol leh.

erayo xikmad leh, erayo xikmad jaceyl, erayo xikmad gaaban, erayo xikmad dumar ah.
erayo xikmad leh, erayo xikmad jaceyl, erayo xikmad gaaban, erayo xikmad dumar ah.

Maqaalkani waxaan ku soo qaadaneynaa erayo xikmad iyo murti leh kuwaaso ku saabsan dumarka. Haddii aan nahay Somali waxaan dhaqan u leenahay hido iyo dhaqan, waxaan jecelnahay inaan adeegsano erayo xikmad leh gaar ahaan kuwo gaaban oo qosol leh.

Haweenka iyo raga ma jeclo erayo xikmad leh oo jaceyl ah oo kaliya ee waxay sidoo kale jecelyihiin maahmaahyo iyo eradaan jaceylka ah.

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh qeybtii 1-aad

Erayo xikmad leh oo anfacayo Raga iyo Haweenka

Dumarka: Markaad rabto dumarka in ay si fiican hadalkaaga u dhuuxaan, u dhageystaan, waxaa fiican inaad isticmaasho hadalo miisan oo xikmad leh.

Raga: Qaladaadka ugu badan ee ay ragu sameeyaan waxaa kamid ah, markeey dumarka u sheekeenayaan ma isticmaalaan erayo xikmad iyo murti leh ee waxay ugu sheekeenayaan sheekooyin aanan nuxur lahayn. Dumarka hadda jiro waxay jecelyihiin shekooyinkaan cishqiga ah oo kale.

Cishqi jaceyl qeybtii 1-aad

Ficilada ay sameeyaan dumarka

Dumarka ka hor inta aysan ficil sameyn waxa Ugu horeeyo ee raga ka fiiriyaan waxaa Kamid ah muuqaalkiis, sida uu u qurux badan yahay ninka, waxaa ku soo Xigo soo jiidashadiisa, dabeecadiisa sida furfurnaantiisa.

Ma yahay ninka, nin isticmaalayo erayo xikmad leh qaastatan erayo jaceyl ah soo jiidash leh mise waa nin iska daldalmayo hadaladiisana lagu caajiseyso.

Sidoo kale waxaa jiro rag aanan ka helin gabdhaha quruxda badan oo ka helo gabdhaha isticmaalo erayada dareenka leh ee ee ay raga jecelyihiin sida eraydaan oo kale: Erayada dareenka raga kiciyo

Ficilada ay sameeyaan raga

Raga markeey arkaan gabar qurux badan misana leh jir macaan waxaa laga yaabaa inuu is dhaho qoftaan ku qabo, laakin qaladadka ugu badan ee ay sameeyaan waxaa kamid ah, waxa uu ku mashquulaa jirkeeda iyo quruxdeeda.

gabar qurux badan, sawiro jaceyl macaan ah
Fiirinta gabar qurux badan oo jir macaan

Of course in ay qurxoon tahay oo ay jir macaan tahay ma moogo, sabab? sababtoo ah kumanaan wiil ayaa maalin walbaa jirkeeda iyo qurxdeeda ku mashquulo. Sidaa darteed hadal haka bilaabin quruxdeeda iyo jirkeeda ee isticmaal erayo xikmad leh oo soo jiidasho leh.

Cishqi iyo erayo xikmad leh

Sida aad boggeena cishqi.net uga barateen waxan jecelnahay inaan idinla wadaagno maqaalooyin ku saabsan, jaceyl, xikmad iyo Murti.

Hadaba aan ugu gudo galno erayo xikmad leh gaar ahaan kuwo murti iyo jaceyl leh.

Erayo Xikmad leh oo ku saabsan dumarka

Waxaad wax bartaa nin; Waxaad wax bartaa . Waxaad wax bartaa dumar; waxaad wax bartaa jiil.Dumarka wanaagsan waa Sanduuq luul ah oo maalinba quruxdiisa la soo baxaya.qalbiga haweenku waa sida cambar aanu la garaneyn wanaagiisaa ilaa iyo marka la gubo mooyee .

Dumarku waa halxiraalle furihiisu yahay Jaceyl.

Dumaarka Caqliga leh waxa ay sonkor ka dhigtaan oraah kasta oo ninkeeda ka soo yeera, waxa ayna tuurtaa wixii cusbo ah.Hweentu waa ay qososhaa marka ay awoodo waxa ay ooysaa marka ay doonto.

Ninka waxa uu haweentu u sheegaa waxa uu doono , balse haweeneydu waxa ay ninka ku sameysaa waxa ay doonto.

Xikmadu waxa ay ku jirtaa inuu raali gelin ka bixiyo haddii ninka uu qaldan yahay, haweentuna waa iney raali gelisaa seygeeda xitaa hadii ay saxan tahay.

Qof waliba oo isla weyn waxaa kadambeeyo haween.

Gabadha maanta haddii ay is qurxiso waxbey fitneysay , hadii ay dhoolacadeyso layaab ayey dhigtay , hadii ay cunto kariso waa ay dhameystirtay.

haku faanin inaad ku wanaagsan tahay cunta karinta , taasi cadeyn u noqon meyso inaad ka talaabtay da’da 30-ka.

Haweenku waa ay ilmeeyaan , waa ay tabar liitaan , balse awooda ilmeynta hadii ay faraha ka baxdo waxa ay sababtaa inuu wadnaha istaago.

Waqtiga Shukaansiga wiilka waa uu hadlaa gabadhuna waa ay dhageysataa xiliga guurka caruusadu waa ay hadashaa caruuskuna waa uu dhageystaa , guurka ka dib waa ay wadahadlaan labaduba deriskuna waa uu dhageystaa.

Calaamadaha Jaceylka dhabta ah ee Ninka waa Xishood , haweentuna waa dhiiranaan.hadii laba dumar ah ay kulmaan ,midkasta waxa ay iskudaydaa inay muujiso joogeeda iyo da’yaraanteeda .afadu waa midda ilaalisa dhamaan wixii uu u keenay seygeeda.

Xulashada haweenka waa sidii dagaal aad galeyso oo aadan ogeyn dhibka iyo dheefka aad kala kulmeyso.guurka ka hor haweentu waa aytaqaanaa dhamaan jawaabaha, , guurka ka dib waa ay xifdisaa dhamaan su’aalaha .

Haweenta wanaagsan waa buug xiran aanu aqrin Karin ilaa iyo ninkii horey u xushay mooyee.waxa ugu macaan haweenka waasheekadooda , raggana waxaa ugu weyn midkii leh dhego wax lagu maqlo.

Nin kastoo guuleysta waxaa kadambeeya haween dhiiri gelisa.

Gabadhu waxa ay dunida ka dalbataa waa nin , haddii ay hesho wax kale uma baahna.

Haweenku waa sida shini oo kale oo malab kuu keenta , balse ku qaniineysa.

Jaceylku waa Ruwaayad ay haweentu wado , ninkuna uu maalgeliyo.

Haweentu waa sida badda oo kale , waxa ay adeecdaa qofkii u itaal sheegta, waa ay isla weyntahay oo ay ku caasisaa qofkii ka baqa.

Dhunkashada waa wadada kaliya ee mararka qaar hadalka ka hakin kara dumarka. Hala doodin haween careysan waayo waxa ay kaa lumineysaa waqti , hala doodin sidoo kale haween raalli ah waayo waxaad ka lumineysaaa waqtigeeda.

Wadada kaliya ee haweentu ay kugu dhageysan karto waxaa weeye adigoo uga sheekeeya dumar kale. Haweenku hadal ma joojiyaan ilaa iyo inta ay ka ooyaan.

Haweentu waxa ay muujisaa Caqligeeda si ay u hesho shaqo, badownimadeedana waxa ay u muujisaa si ay u heso nin.

Haweenta Caqliga leh waxa ay sonkor ka dhigtaa oraah kasta oo ninkeeda ka soo yeera, waxa ayna tuurtaa wixii cusbo ah.

Haweenta waa ay qososhaa markeey awoodo waxayna ooysaa marka ay doonto.

Haweeneyda foosha xun waxa ay wajigeeda ku eegtaa muraayadda, haweenta qurxoon waxa ay wajigeeda ka dhex aragtaa wajiyada kale.

Haweenka waa sida midabka derbiga oo kale oo sanad kasta isbadal lagu sameeyo.

Xaasku waa midda ilaalisa dhamaan wixii uu u keenay seygeeda.

Ka hor guurka ninku waxa uu qabsadaa Gacanta haweenta jaceyl dartii , guurka kadib waxa uu u qabsadaa si uu isku daafaco.

Haweenka iyo wargeysyada waa kuwa siman waayo waxa ay labaduba baahiyaan war.

Haweenta wanaagsan waa tan had iyo jeer la tashato seeygeeda ka hor inta aysan go’aan qaadan.

Ninka markuu Jacelyahay haween waxa uu u sameeyaa wax kasta, marka laga reebo sii ambaqaadka jaceylka kaligeeda ah mise ku kooban.

Haweentu Haddii ay layaabto ninka aamusnaantiisa, waxa ay moodaa inuu iyada ka aamusan yahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »