Muqdisho (Cishqi) – Waa maxay faaiidada lowska/looska uu u leeyahay caafimaadka, ma dhab baa in lowska uu u fiican yahay galmada caafimaadka qaasatan guska raga? Jawaabta waa mid fudud.
Muxuu caan ku yahay lowska?
Sida la ogsoonyahay lowska waxaa laga helaa vitamino badan, haddaan dhahno qoraal ayaan ku soo koobeynaa faaiidada looska waxa ay nagu qaadaneysaa maalmo. Faaiidada lowska ma ahan wax aan qoraal ahaan ku soo koobi karno, sidaas ay tahayna waxaan jecleysanay in aan halkaan idinkula wadaagno, qeybaha ugu muhiimsan ee lowska iyo faaiidooyinka laga helo.
Faaiidada lowska: Lawsku, looska wuxuu ku caan yahay inuu xoojiyo dareenka galmada, haddaan si kale u iraahdo rabitaanka galmada ee ninka, wuxuu qani ku yahay dufanka omega-3 fatty acids iyo vitamin B3 kuwaasoo qayb ka qaada inay sameeyaan shahwad tayo leh waxayna sidoo kale kordhiyaan qulqulka dhiiga ee aada xubinta taranka ee raga isla markaana ka dhiga mid aan la loodin Karin. Marka uu ninka isticmaalo lowska badan, kama helayo caafimaad badan oo kaliya ee sidoo kale wuxuu awood u yeelanayaa in uu xaaskiisa ka haqabtiro baahida galmada.
Cunista iyo faaiidada galmada lowska: Marka uu ninka baahalkiisa (Guska) awood yeesho misana uusan ahayn mid jilicsan, wuxuu xaaskiisa u sameyn karo raaxo waali ah. Intaas waxaa sii dheer xaasaska ay bilaabaan xiligaasi oohinta galmada, taasoo ka dhigan in ay dareemayaan raaxo aad u macaan. Hadaba cun lows badan, si aad u hesho caafimaad badan, islamarkaana ka haqabtiro xaaskaaga rabtiaanka guud ee galmada. Lawska wuxuu sidoo kale faa’idooyin badan u leeyahay jirka bini’aadanka iyo guud ahaan caafimaadka. Hadaba maxaa kamid ah faaiidada lowska?
Jaceylka Dhabta Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto
12 kamid ah faaiidada lowska
- Caafimaadka wadnaha
- Cuduurka macaanka
- Dhagaxa xameetida
- Faaiidada lowska – Ka hortaga kansarka
- Faaiidad lowska – Kordhinta xasuusta
- Ka hortaga Niyad jabka
- Caafimaadka iyo faaiidada lowska – Hooyada Uurka leh
- Korriimada Caruurta
- Yareynta cayilka
- Caafimaadka maqaarka
- Faaiidada lowska – Caafimaadka Tinta
- Nafaqada jirka
1. Caafimaadka wadnaha
Lawska waxaa ku jira saliida aan cufnayn taasoo faa’ido u leh wadnaha, wuxuu lawska la dagaalamaa cudurka kolesatroolka oo ah subaga fadhiisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaliga (Stroke).
2. Cuduurka macaanka
Daraasad mar dhaw la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lawska uu yareeyo boqolkiiba 21% halista macaanka, sababtuna waxaa la sheegay inay tahay maaddo ku jirto lawska oo loo yaqaano “manganese” taasoo muhiim u ah kontaroolka sokorta jirka.
3. Dhagaxa xameetida
Cunista lawska wuxuu ka hortag u yahay dhagaxaanta ku samaysma xameetida, taasoo badanaa la burburiyo ama xameetida lala soo saaro.
4. Faaiidada lowska – Ka hortaga kansarka
Lawska waxaa ka buuxo maaddo loo yaqaano “beta-sitosterol), waxay maadadaan ka hortagtaa samaysanka burooyinka, waxayna xakamaysaa korriimadooda, diraasad lagu sameeyay dalka Mareykanka waxaa lagu arkay dadka lawska cuno isbuucii laba jeer ugu yaraan inay boqolkiiba 58% uu yareeyay halista kansarka ku dhaca malawadka.
5. Faaiidad lowska – Kordhinta xasuusta
Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaano “brain food” sababtoo ah waxaa ku jira fitamiinka B3, loona yaqaano “niacin” kaasoo kobciyo shaqada maskaxda, sarena u qaado xasuusta, waxaa kaloo lawska ku jira maadada loo yaqaano “resveratrol” kaasoo boqolkiiba 30% siyaadiyo qulqulka dhiigga ee maskaxda, taasoo muhiim u ah firfircoonida maskaxda.
Ninka Xaaskiisa Neceb Waa Nin Calaamadahaan Leh
6. Ka hortaga Niyad jabka
Lawska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano “tryptophan” kaasoo ka qeyb qaato soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada, wuxuuna lawska u shaqeeyaa sida qaar ka mid ah daawooyinka lagula tacaalo niyad-jabka (anti-depressants).
Raaxada Raga Ay Jecelyihiin A-Z
7. Caafimaadka iyo faaiidada lowska – Hooyada Uurka leh
Lawska wuxuu muhiim u yahay caafimaadka hooyada uurka leh, maxaayeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, wuxuuna muhiim u yahay korriimada uurjiifka, sida lagu arkay dhowr diraasadood oo lagu sameeyay hooyooyinka lawska cuno, waxaa la arkay in boqolkiiba 70% ay ka badbaadaan caruur ku dhalato cillada dhabar furanka.
8. Korriimada Caruurta
Lawska wuxuu muhiim u yahay lafaha iyo murqaha caruurta korayo maadaama ay ka buuxaan borotiinno kala duwan, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta cunno ahaan loo siiyo laws la shiiday ama laga dhigay dhiiqo.
9. Yareynta cayilka
Lawska waxuu ka mid yahay cunnooyinka lagu dhargo “high satiety food” sidaa darteed qofka joogto u cuno, badanaa dhakhso ma cayilo.
10. Caafimaadka maqaarka
Lawska wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C iyo E oo ka buuxo lawska, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka.
11. Faaiidada lowska – Caafimaadka Tinta
Lawska wuxuu xoojiyaa jiridka tinta, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay daadashada tinta iyo bidaarta ragga nuuca ka dhalato cilladaha hormoonka.
12. Nafaqada jirka
Lawska waxaa ku jiro macaadin iyo fitaamiino kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan.
Isticmaalka siyaadada ah ee lawska wuxuu dadka qaar u keenaa xanuunka gaaska, laabjeexa, dadka qaarne waxay ku yihiin Allergy taasoo halis galin karto nolosha qofka.
Haddii aad xasaasiyad ku qabtid lawska fadlan ka fogow isticmaalkiisa, haddii aad xasaasiyad ku qabtid caanaha, hilibka ama digaaga, waxay u badan tahay in aad xasaasiyad ku qabtid Lawska ee iska ilaali.
Waxaad kaloo ka fogaataa lawska duqoobay ama raagay ama muddo la kaydinayay sababtoo ah waxaa lawskaas ku dhasho jeermiska loo yaqaano “Aspergillus flavus” oo halis ku ah caafimaadka beerka.