Fariimo jaceyl ah oo macaan 2021 qeybtii 1-aad: fariintani ayaa ah fariin jaceyl ah oo qalbiga taabanayso oo aan ku soo qaadaneyno lamaane jaceyl wadaag ahaa, hadaba ka bogasho wacan. Sida lamanaahaga loo soo jiito ma ahan wax adag, kaliya waxaa kugu filan adigoo u diro fariimo jaceyl ah 2021.

Fariimo jaceyl 2021 qeybtii 1-aad
Waxay ahayd 4:00 galabnimo markii ay si kedis ah u kulmeen Barwaaqo iyo Cabdi Yare. Lamaanahani ayaa wuxuu xiriirkoodu ka bilaawday goob hotel ah oo ay Barwaaqo ka shaqeyn jirtay kuna tiilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qish:
Barwaaqo waxay ahayd gabar aad u furfuran, misana qurux badan, Ilaaheyna ku maneystay karti iyo dabeecad wanaagsan. Waxay ahayd gabar joog leh oo qalanjo ah taasoo sababtay in dadku ay ugu yeeraan „Barwaaqo Qalanjo“. Sidoo kale Barwaaqo waxay ahayd mid kamid ah ardayda loogu jecelyahay jaamacada. Waxay ka dhalatay qoys danyar ah balse kama muuqato oo qalbiga ayeey qani ka tahay.
Barwaaqo Qalanjo waxay gelinka hore tagtaa Jaamacad halka galinka dambena ay shaqeysato. Cabdi Yare sidoo kale waa wiil degan, firfircoon oo bulshaawi ah. Wuxuu xisaabiye ka yahay shirkad uu leeyahay aabihiis. Lamaanahani ayaa waxay isu qaadeen jaceyl xad dhaaf ah inkastoo Barwaaqo ay u dhooftay dalka Ingiriiska hadane maanta waa lamaane nolosha wadaagay.
Mar aan xiriir la sameynay Cabdi Yare iyo Barwaaqo Qalanjo waxay inoo sheegeen in xiriirkoodu uu qaatay lex sano oo midba midka kalena jaceylku dhankiisa ka daadihinayay.
Barwaaqo Qalanjo iyo Cabdi Yare
Hadaba muhiimada maqaalkani ayaa ah inaan idinla wadaagno mid Kamid ah fariimaha jaceylka oo ay isu diri jireen lamaanahani gaaray guusha hadafkooda. Fariintani oo ah mid ay dirtay Barwaaqo Qalanjo ayna u dirtay Cabdi yare ayaa waxay ku bilaabaneysaa sidaan.
- Maxaa lagu gartaa jaceylka dhabta ah?
- Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh
- Fariimo kale oo jaceyl ah
- Waa maxay jaceyl?
- Cishqi Jaceyl qeybtii 1-aad
Kuu Xiisay Gacaliyaheyga Cabdi Yare
Habeenkii waan jiifaa oo waxaan qiyaasayaa inaad halkaan ila joogto. Ma aanan ogeyn inta ay la ekaan karto kala fogaanshaheena balse waxaa ii muuqatay mar uun inaan is calfan doono. Waxaan rajeynaaa inaadan ku Jirin murugo aad u tiro badan sida aan kaaga maqanahay.
Dadku waxay dhahaan kala fogaanshuhu jaceylku wuxuu ka dhigaa mid kobcaa, taasna waxaan xaqiiqsaday markaan kaa fogaaday. Hadda jaceylkeygu xad malahan.
Waan jiifaa anigoo soo jeedo balse waxaan dareemayaa kuleylka jilicsan ee neeftaada sida ay ugu dhaceyso dhabanadeyda. Waxaan soo qaatay barkin oo aan madaxa saartay, anigoo dareemayo garaaca wadnahaaga misana dhagaheygu lulanayaan. Waxaan jecelahay inaan dareemo jilicsanaanta bushimahaaga.
Inkastoo aan ogahay inaan markale wada joogi doono, hadana waxaan rabaa inaan kuu cadeeyo qoto-dheerida dhabta ah ee aan adiga kuu hayo. Ilaa aan ku Arko markale, kuguna haysto laabteyda, waxaad ku jiri doontaa riyadeyda.
Waxaan rajeynayaa inaad ogtahay in meel kastaa oo aan aado ama wax kastaa oo aan sameeyo, inaad mar walbaa maskaxdeyda ku jirto. Waad ku mahadsantahay inaad igu dhacay jacayl. Ma doonayo inaan sii riyoodo, maxaa yeelay waxaa tahay riyada nool ee nolosheyda.
Waxaa tahay amiirka riyadeyda. Indhaha isku qabo oo dhankaaga Iga fiiri. Waxaad had iyo jeer tahay ninka riyadeyda ah oo ay dareemaheygu ku shaqeeyaan. Qalbigeygu wuxuu dareemaa kali ahaansho, marka aadan dhinaceyga joogin.
Halkaan cidlada ah waxaan kaga fikirooyaa adiga oo kaliya, waxaana hawada kuu soo marinayaa xiiso Iyo jaceyl aan dhamaan. Fadlan ila kulan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Nabadgelyo.
Gacalisadaada Barwaaqo
Qoraa: Saabiriin Sabnaa