Sida aad ugu diri karto fariimo jaceyl ah dhab ah gaar ahaan fariimo jaceyl oo soo jiidasho leh, hadaba fariimo nuucee ah ayaan kuu diyaarinay?

Fariimo jaceyl dhab ah oo aad u macaan
Baro sida loo qoro fariimo jaceyl dhab ah gaar ahaan kuwa calaacalka ah. Goormee la adeegsadaaa fariimaha calaacalka ah? Jawaabta: Markuu lamaanahaaga kaa caroodo ama xiriirkiinu uu hakad galo.
Sida aad Cishqi.com uga barateen maqaalo ka hadlayo arimaha jaceylka iyo guurka ayaan maantana dooneynaa inaan idinla wadaagno fariin jaceyl ah oo calaacal ah. Hadaba u qor sidaan una dir lamaanahaaga markii aad kala xanaaqdaan. Jaceylku waa sida dabeysha oo kale lama taaban karo laakin waa la dareemi karaa.
Qish: Halkaan ka baro calaamadaha lagu garto jaceylka dhabta ah
Qormadani qormadii kaga horeysay waxaan kaga hadalnay fariimo kale oo aan isdhaheyno alleylahee waxay taabaneysa qalbiga lamaanayaasha kala fog, haddii aadan horay u akhrisan hadda halkaan akhriso oo riix kaliya: Fariimo jaceyl ah qeybtii 1-aad.
Sida loo qoro Fariimo jaceyl dhab ah
Waxaan dareensanahy cidlo saaid ah sida markab looga dhex tagay badweynta.
Waan hubaa waad iga maarantaaa aniga, adigoo xiriir ila leh ayaan hadana kaa baqaa, Ma awoodo in aan ka hadlo dhibkeyga, waayoo waxaan ka baqaa inaad iga fogaato. Si, walbaa ayaad iiga adag tahay aniga. Waxaad iga abaartay ama iga qabsatay xubinta ugu jilicsan xubnahaeyga oo ah qalbigeyga.
Ma awoodo in aan maalin ku waayo, waan ogahay haddii aan isweyno dib dambe iima soo raadineysid. Dadku waxa ay imoodaan in aan ahay doqon aanan hareynin, adigii intaasi kaaga soo go,ayne waxaan hubaa haddii aan hadalkaaga hadal dul saaro inaad iga go,eyso. Anigoo og inaad raadineyso qaladkeyga, aadna rabto inaad iga harto, adigoo idhahayo adaa u sababa in uu xiriirkeena go,o, xanuunkeyga kuuma sheegan karo, caafimaadkeygana sidoo kale.
Dadka sida dhabta ah isu jecel waxa ay qeybsadaan dhib iyo dheef, Jaceylka sidiisaba xujo malahan balse adiga heer aan kaa baqdo ayaad igaarsiisay. Sidaas ay tahayna habeenkaad iga xanaaqdo ama aad iga carooto waa hubaal ma seexan karo oo indhaheygu isma qabtaan.
Qish: Sidaan ayaad ku ogaan kartaa gabadha ku jecel
Xanuunkeyga cid aan u sheegto malahan, cid dareemi kartana ma jirto ilaa qof nuuceyga mooyee. Anigoo og in aan agtaada ka liito ayaa hadana xiriirkaaga ku faraxsanahay. Maxaan kaaga heli la,ahay naxariista aad dadka kale u fidiso? Aniga cadowgaaga miyaan ahay? Waxaan kaliya kaa codsanayaa maalin keliya inaad dareento bini,aadanimada. Aniga waxaan ka welwelo waa adiga, hadii aan mashquulo saacado waxaan is iraahdaa ameey kaa carootaaa? Ameey kaa aamusi doontaaa iyo wax lamid ah.
Adiga markaad ogaatay in aan si dhab ah kuu jeclahay, ayaad iga yeelatay sidaa doonto. Maxaa marka hore niyada iigu dhiseysay?
Maxaa saqda dhexe habeenkii farxada iila qaadaneysay? Dadka waxaan ku sheegaa inaan nahay labo si, dhab ah isu jecel.Runtii markaan kula hadlayo wadnaheyga waxa uu u garaactamaa sidii qof xukun ku dhacayo oo kale.
Xusuusnow adigu waxaad tahay tan ugu qaalisan adduunkayga, tan ugu yaabka badan adduunkayga iyo tan ugu quruxda badan noloshayda.
Waxaad sidoo kale tahay Jaceylkeyga oo waxaad i siisay milyanis farxad ah waana sababta aan maalin walba u dhoola cadeeyo.
Dadka waxeey dhahaan jaceylku wa dab, anigoo taa og ayaan hadana adiga ku jeclaaday. Ogsoonow weligeey kama tanaasuli doono inaan adi ku jeclahay.
Qish, halkaan ka akhriso qeybtii labaad: Fariimo jaceyl oo xul ah gaar ahaan kuwo qalbiga taabanayo
Dhamaad
La soco fariimo kale oo dhab ah, haddii aad rabto inaad noqoto akhristaha ugu horeeyo, halkaan hoose iska diiwaangeli.
Qoraa: C/ Qaadir Dj