Farxada dhabta ah ee ay xaaskaaga u baahantahay

Minnesota, USA (Cishqi) – Sidee ku siin karaa xaaskeyga farxada dhabt ah ee nolosha ama jaceylka? Jawaabta waa mid fudud, sida loo siiyo xaaskaaga farxada dhabta ah waa wax aad u fudud, haddii aad raacdo tilmaamahaan soo socdo.

Qofka markuu rabo in uu hanto farxada dhabta ah ee qalbiga xaaskiisa uma baahno in uu sameeyo wax sidaa u weyn, waxaa ku filan oo kaliya fulinta qodobada aan halkaan ku xusi doono. Intaas kadib waxa uu qofka sameyay farxad dhabta ah ee ay xaaskiisa u baahantahay.

Raga marka ay rabaan in ay dareensiiyaan xaasaskooda farxada dhabta ah, waxa ay wax ka raadiyaan meel aan waxba laga raadin laguna siin xaasaskooda jaceylka iyo farxada dhabta ah ee nolosha.

Jaceylka Xaaskaaga: Baro Sida Loo Muujiyo Si Fudud

Sida loo siiyo xaaskaaga farxada dhabta ah

Marka la is guursado kadib waxaa loo baahan yahay in la isa siiyo farxada dhabta ee nolosha, midba midka kale, si uu reerku u noqod reer farxad badan, reer isku nasto iskuna nagaado.

Sheyga kaliya ee ugu fiican oo aad kaga dhigi karto reerkaaga mid raaga ama farxad badan ayaa ah in aad barato sida loo dareensiiyo xaaskaaga farxada dhabta ah ee nolosha iyo jaceylka.

Haddii aysan dareemin xaaskaaga jaceyl dhab ah, kuma abuurmi karto wax farxad ah, tani waxa ay horseedi kartaa kala guur deg deg ah ama xaalad cakirn oo jahwareer ah. Taasina ma ahan wax fiican.

Barashada in aad xaaskaaga dareensiiso farxada dhabta ah ayaa ah xaqiiqdii mid aad u fudud, waase haddii ay dhab kaa tahay. Haddii aad rabto in aad guul ka gaarto reerkaaga, raac qodobadaan soo socdo, iyaga ayaa ah kuwo kugu hagi doono sida ugu fiican ee aad ugu abuuri karto xaaskaaga kalsooni iyo farxad dhab ah.

Farxada badan waxaa laga helaa 5 taan waxyaabood

Ahmiyada qormada

Qormadani ayaa ah mid ahmiyadeedu tahay in ay kaa caawiso sida aad ku siin lahayd xaaskaaga farxada dhabta iyo in aad soo jiidato qalbigeeda sida ugu macquulsan. Hadaba aan u guda galno.

1. Habsiinta waxa ay kordhisaa farxada dhabta ah ee xaaskaaga

Habsii xaaskaaga maalin walba una muuji kalgaceyl xad dhaaf ah ,tani waxa ay kaa caawineysaa in ay ka dhigto xaaskaaga mid dareenta kalgaceylka aad u hayso, habsiinta xaaskaaga haku xirin sabab ama waqti. Marka aad hab siineyso ku haay ilaa hal daqiiqo, kadib  waxaad arki doontaa iyadoo kuu dhoola cadeyneyso kuna faraxsan muujinta kalgacaylkaaga.

2. La wadaag darenka jaceylkaada

Ma i jeceshahay? Ilaa intee ayaad i jeceshahay ii sheeg? Waxaa laga yaabaa in aad su’aalahaan maqashay dhowr mar. Wey ogtahay in aad jeceshahay balse waxa ay rabtaa kaliya in aad dareensiiso una sheegto mar kale in aad jeceshahay. Sidaa darteed dareensii jaceylkaada maalin walbaa, sababtoo ah haweenka ayaa ah kuwa raba in ay ogaadaan xadka uu la egyahay jaceylka ninkooda, kulana hadal hadalo macaan oo jilicsan.

3. La qaado xaaskaaga waqti qurux badan

Marka aad fasaxa tahay la qaado waqti xaaskaaga iyo caruurtaada, sii waqtigaaga hana sugin xaaskaaga in ay qabato shaqo walba oo looga baahan yahay guriga ee wax kala qabo shaqada, taasi waxay dareensiineysaa xaaskaaga jaceylka aad u qabto.

4. U rumeey riyadeeda dhabta ah

Haddii ay jiraan waxyaabo ay ku riyooneyso oo ay jeclaan lahayd in aad u sameyso, u sameey, maxaa yeelay waa fursad dahabi ah oo aad ku hanan karto qalbiga xaaskaaga. Rumeynta riyadeeda waxa ay tuseysaa ama dareensiineysaa jaceylka dhabta ah ee aad u heyso.

5. U yeelo taxadar gaar ah xaaskaaga

Tani waa mid aad ugu fudud ka miro dhalinta guurkaada mar walba la cunteey xaaskaaga kala tasho wax yaabaha aad lakulanto si wadajir ahna u xaliya.

6. Xusuusnow maalmaha sanad guurada jaceylka

Goormee is barateen? Waqtigee ahayd, ma jiraan waxyabo gaar ah oo aad uga qoslisiin jirtay ama aad uga farxin jirtay? Goormee is guursateen? Ma xasuusataa habeenkii ugu horeeyay ee aad sameyseen raaxada galmada? Hadaba Haddii aad hayso jawaabaha nuucaas ah, uga dhiga maalmahaas si kedis ah, una sheeg in ay tahay maalin qalbigaada ku weyn.

Sidoo kale u hibeey hadiyad jaceyl oo lama filaan ah si aad maalintaasi uga dhigto maalin jaceyl oo farxad badan.

7. Dhageyso hadalada xaaskaaga

Marka ay jirto dhibaato, dhageyso hadalada xaaskaaga, adiga iyo xaaskaaga waxaad tihiin sida koox( team ah) oo kale, u ogolow in ay kugu biiriso qibradeeda, iskana ilaali in aad go,aan deg deg ah qaadato marka ay imaato dhibaato qoyska quseysa tani waxey ku keeni kartaa xaaskaaga niyad jab iyo farxad la,aan.

8. U dir erayo jaceyl oo aad ku siinayso farxada dhabta ah ee jaceylka

Dumarka aad ayeey u jecelyihiin in la amaano qaasatan guurka kadib, sidaa darteed ha iloobin inaad maalin kastaa u dirto erayo jaceyl gaar ahaan erayo amaan ah oo aad ku cabirayso sida aad u jeceshahay.

Tusaale ahaan:

Kulankeenii ug horeeyay ee aan kulanay waxaan ku fikiray in aad tahay gabadha ugu degan, ugu akhlaaqda wanaagsan, uguna quruxda badan aduunka, hadda waxaan arkaa in aad ka qurux badan tahay gabadhaasi, maxaa yeelay waxaad dhameystirtay nolosheydii.

Erayo Macaan Oo Xaaskaaga Soo Jiidanayo

9. U noqo xaaskaaga nin romantic ah

Sida lagu noqdo nin romantic ah oo soo jiidasho badan waa wax aad u fudud, sidaa darteed mararka qaarkood xaaskaaga kaga yaabso waxyaabo cajiib ah oo aysan filaneynin Tusaale ahaan:

Barkinta hoosteeda ama khaanada ay ku gurato dharka u gali shukulaato nooca ay jeceshahay, kadibna waxaad dusha kaga dhajisaa waraaq ay ku qoran tahay ereyo jaceyl oo qosol leh sida erayadaan oo kale:

Waxaad ka macaan tahay shukulaatadaan.

10. La dalxiis xaaskaaga

Dalxiiska waa wax cajiib ah, ma ahan oo kaliya safar qurux badan ee sidoo kale waa safar qalbiga xusuus ku reebayo, waa safar kuu sahlayo in aad barato waxyaabo badan oo kugu cusub.

Haddii ay suurto gal tahay, sanadkii halmar u kexeey xaaskaaga iyo caruurtaada dalxiis gaaban sida gobolada dalka ama dibadda wadanka.

11. Baro sida la isugu qurxiyo xaaskaaga

Waqtiyadii shukaansiga waxaad ahayd nin isku qurxiyo lamaanihiisa, hadda waxaa tahay nin kale. Taasi ma ahan ficil wanaagsan ee la sameeyo. Baro in aad mar kale isku qurxiso xaaskaaga, weliba adigoo xiranayo labiska kan ay ugu jeceshahay, una sheeg in aad ka hesho dooqeeda, maxaa yeelay dumarka waxyaabahaasi weey ku raaxeystaan.

12. Haka mid noqon raga guriga u soo hoydo

Waxaa jiro rag inteey baxaan maalintii, gurigana ku soo laabto habeenkii. Fadhi ku dirir iyo waxyaabo aan loo joogin ku lumiyo waqtigooda, haka mid noqon raga nuucaas ah.

Tusi xaaskaaga, raga kale in aad wax badan dheer tahay. Ka dhigo caado inaad reerkaaga la cuntayso ugu yaraan labo jeer maalintii, reerka oo meel wax ku wada cunteeyaa waxa ay keentaa in reerkaasi uu noqdo reer iska war hayo oo is jecel, si kastaa oo ay shaqadaadu u badan tahay saacada aad reerkaaga la cuntaynayso hakuu ahaato saacad lama dhaafaan ah.

13. Noqo nin nin dhaafay oo yaqaano farxada dhabta ah ee xaaskiisa

Maxaan ula jeedaa taas? Waxaa jiro waxyaabo badan oo ay xaaskaaga kugu jeclaaneyso, kuna hanan karto qalbigeeda, si fududna aysan kugu iloobi karin, waxyaabahaasi waxa kamid ah in aad ka caawiso shaqada guriga, iyadoon kuu dirin, noqo nin logical ah oo dareema goorta ay xaaskiisa u baahan tahay gacan kale, calashaan ka caawi waxyaabaha guriga ka haleysan sida leerarka, rinjiyenta derbiga, bedelida jiifka, naqshadeynta guriga iwm.

Ugu dambeys farxada dhabta ah ee xaaskaaga

Waxaan rajeyneynaa in aynu wax badan kaa caawinay si aad u kasbato farxada dhabta ah ee xaaskaaga, haddii aad rabto in aad caawiso boggeena si aan qormooyin kale oo xiiso leh kuula wadaagno, fadlan faafi boggeena oo la wadaag asxaabtaada qormadaan cajiibka ah ee faaiidada badan leh.

Si fudud guji calaamadaha social mediyaha ee halkaan hoose kaaga muuqdo.

Waad ku mahadsantahay in aad na soo booqatay!

Qoraa: Mustafa Mmj

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »