Farxada badan waxaa laga helaa 5 taan waxyaabood

Muqdisho (Cishqi) – Farxada nolosha waa deeq Alle, Haddii aan nahay Somali waxaan nahay dad farxad iyo cibaado badan, Farxada qalbiga ma ahan mid iska timaado.

farxada, farxada nolosha, farxada badan, farxada jaceylka.

Maxaa keeno farxada nolosha?

Qof walbaa wuxuu jecelyahay inuu ku noolaado nolol farxad badan, inaad hesho farxada nolosha ma ahan wax adag, haddii aad raacdo tilmaamahaan.

Qish: Halkaan ka baro kuwo kamid ah ducooyinka la aqbalo

Sidee lagu helaa farxada jacaylka?

Su’aashani waa su’aal fudud laakin dadka inta badan si sax ah ugama jawaabaan. Sida lagu helo farxada jacaylka ama nolosha uma baahnid inaad ka raadiso meelo kale, sababtoo ah waxa ay taalaa agtaada. Qof baa wuxuu jeclaanayaa qof kale, qofkaasi wuxuu ku raacayaa dano gaar ah markaas ayuu rabaa inuu helo farxada nolosha ee jacaylka. Taasi ma suurto gal baa?

Jawaabta macquulka ah

Maya.

5 Waxyaabood oo lagu helo Farxada nolosha

Haddii aad raacdo shan taan waxyaabood waxaaa suurto gal ah inaad dareento farxad aan caadi ahayn.

farxada qoyska, farxada lamaanaha, nolosha lamaanaha is jecel.
Farxada Qoyska

1. Noqo Mar walbaa qof dhoolacadeeyo

Inaad dhoolacadeyso kuuma keeneyso farxad oo kaliya ee sidoo kale waxa ay dadka kale tusineysaa inaa tahay qof social ah, qof bulshaawi ah oo la noolaan karo dadka kale. Dhoolacdeyntu waa astaan kamid ah weji furnaanta waana mid kamid ah astaamaha ugu muhiimsan ee dadka lagu xusho.

Markaad shaqo raadiso oo lagu caasumo waxa ugu horeeyo ee qofka laga fiiriyo waa weji furnaantiisa, sidaa darteed noqo qof bulshaawi ah oo had iyo jeer dhoolacadeeyo.

Waa suurto gal in qofku uusan maalin walbaa farxad dareemin sidaas ay tahayna dadka mar walbaa dhoolacadeeyo waa kuwo ka fog murugada, maxaayeelay jadwalkaba uguma jirto in ay murugoodaan xittaa haddii ay la soo deristo waa kuwo iska indho tiro si aysan u seegin farxada nolosha.

Ilaali Dhoolacadeynta Waa Mid Kamid Ah Sunooyinka Nabigeena Muxamed SCW.

2. Caawi dadka kale si aad u hesho farxad badan

Dadka farxada badan waxaa lagu yaqaanaa qalbi wanaagsan, markaad qalbi wanaagsan leedahay, Ilaahey wuxuu qalbigaada ka dhigayaa qalbi nuurayo.

Markaad qof caawiso gaar ahaan dadka dhibaateysan oo xiligaasi u baahan caawintaada waxa uu Ilaahey kuugu bedelayaa farxad aanan halkaa lagu soo koobi karin.

Hadaadan caawi karin u niyeyso inaad jeclaan lahayd inaad caawiso balse aadan awoodin. Waxaad ka heleysaa intaasi yar farxad weyn.

3.  Dadka ku dhiiro geli

1. Qofkii ku dhaho ma awoodo, ku dheh: Isku day.

2. Qofkii ku dhaho ma garanayo ku dheh: Baro.

3. Qofkii ku dhaho macquul ma ahan ku dheh: Tijaabi.

3. Nolosha ka ilaali Keli ahaansho

Keli ahaanshuhu ma ahan inaadan reer lahayn ee waa inaad qalbiga ka dareento inaa tahay qof keligiis ah. Isku day inaad waqtiyadaada la qaadato asxaabtaada iyo familigaada.

Midna xusuusnow keli ahaanshuhu waa cudur lid ku ah farxada, caafimaadkaagana aanan u wanaagsaneyn.

4. Iska fogeey dadka Negative ka ah

Markaa qof negative ah saaxib la tahay waxaad ka fogaatay farxada nolosha, waxaana deris la noqotay murugo iyo inaad wax walbaa u aragto negative. Waxaad seegeysaa nolosha farxada badan ee aad jeclaan lahayd inaad ku noolaato.

Waxaa daciifayo kalsoonidaada, waxaad ka dheeraaneysaa waxyaabo badan oo aad mustaqbalka gaari lahayd negative kaas dartii. Sidaa darteed ka fogow dadka negative ka ah

5. Alle ugu Mahadi Farxada Nolosha ee aad heysato

Wax walbaa oo aad heysato waa deeq Alle, ha yaraadaan ama ha badnaadaan. Haddii aad caafimaad dareemeyso, dheh: Alxamdulillah. Haddii aad murugeysantahay ama ay dhibaato ku heysato xusuusnow in murugtaasi ama dhibkaasi uu Alle oo kaliya kaa qaadi karo. Ku kalsoonow Alle oo taladaada Alle oo kaliya saaro.

Farxadu waa geed biyahiisa, cuntadiisa, hawadiisa iyo iftiinkiisu ay tahay iimaanka Alle.

– Cishqi

Ugu dambeys

Farxadu waxa ay ka timaadaa qalbiga, badi salaada iyo istiqfaarka, una dhawoow mar walbaa Alle. Markaad farxad dareento Alle ugu mahadceli, markaad murugo dareentana u noqo Alle, Maxaa yeelay asiga kaliya ayaa qalbigaada nuurin karo.

Waad ku mahadsantahay inaad na soo booqatay! Si aad wax ugu faaiido qormooyinkeena xiisaha leh ee ay akhristayaasheenu la dhacaan, waxaad iska diiwaan geli kartaa halka hoose.

Qoraa: Mustafa Mmj

#Share oo la wadaag asxaabtaada #Facebook

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »