Sida loo qoro geeraar amaan ah qaasatan geeraar caashaq oo soo jiidasho leh ma ahan wax adag, isticmaal geeraaradaan oo ah geeraaro caashaq ah.

Ma tirin karo inta aan maqlay, waxaa ihayo cishqi jaceyl, mana aqaano erayo caashaq ah oo aan ku soo jiito lamaanaheyga. Sida aan akhristayaal fara badan kaga caawinay geeraaro jaceyl ah qaasatan geeraar caashaq oo soo jiidasho leh ayaan adigana kaaga caawin karnaa.
Markuu caashaq ku haayo waxaa kaa lumayo jihada, waxaa kula wareegayo dhulka, waxaa lagu horkeenayaa arageeda cajiibka ah gaar ahaan jirkeeda macaan. Waxaa had iyo jeer ka fikireysaa sidii aad mar uun u soo xera gelin lahayd.
Geeraar Caashaq ah Oo Soo Jiidasho Leh
Holac inuu yahay caashaqa, hurinaayo jirka, har iyo habeen haraadiyay nafta, hubaal midkuu hayaa garan. Barashada geeraar caashaq qaasatan geeraar soo jiidasho leh ma ahan sida cilmiga gantaalaha, halkaan ayaad ka baran kartaa.
Maxaa lagu gartaa Qofka markuu Caashaq hayo
1. Halaaqyo iyo daal joogta ah oo ay wehliso wadna garaac, Muuqaal qof oo ku horjooga mar walba oo aan jirin laakiin naftaada kaliya ay aragto, hurdo iyo soo jeed.
2. Soo jeedista habeenkii iyo tirinta saacadaha, jeclaanta ubaxyada, telefoon wicid badan , Fiirinta Messenger ka iyo qorida fariimo jaceyl ah.
3. Jeclaanshaha kalinimada iyo ka fogaanshaha dadka kale, si,aad iyada uun uga fikirto ama aad u shidato cajal iyadoo ku hor joogto oo kale ah.
4. Jeclaanshaha gabayada, heesaha iyo geeraarada laxankooda ay ku jiraan erayo macaan ah qaasatan kuwo tilmaamaya dareenkaaga, halka aad horay ka daneyn jirtay shaqadaada iyo waxbarashadaada.
5. Isbedel xaga dabeecada ku yimaado sida aamusnaan badan iyo la sheekeysiga naftaada. Miyeey ku jeceshahay mise adi uun baa Muqdisho ka heysayo?
6. Jeclaanta ka sheekeynta qofkii aad jecleyd ama dhega u raaricada cida soo hadal qaado. Mar walbaa waxaad jeceshahay in iyada uun lagaaga sheekeeyo sida quruxdeeda iyo dabeecadeeda. Markii jirkeeda macaan la soo hadal qaadana durbaba waad hinaastaa.
7. Waqtiga oo kugu yaraada haddii uu kula joogo qofkii aad jecleyd iyo u dulqaadasho la’aanta kala maqnaashahiina, u dhego nuglaanta ruuxa aad la sheekeysato xittaa haddii uu soo jeediyo wax a aan dantaada aheyn.
Qish: Halkan waxaan ku diyaarinay sida aad ku garan karto gabadha ku jecel
Geeraar Caashaq oo qoraal ah misana duco ah
Laba dhoof ku kala maqan
Midba dhinac ku noolyahay
Isku Qaba jaceyl dhab ah
Dhambaal leysku diro
Dhiiri galin ku wada nool
Dharaarteey kulmayaan
Soo dhawee Allahayow
Geeraar Caashaq Oo Codsi Ah
Hamigii nafteydaay
Haween boqoradeedaay
Haasaawe taan wadaagnee
Hami guur u qaaday
Hooy inaan wada galnoo
Hanad ii xanbaartaan
Haminayaaa macaaneey
Hadal aan dhameeyee
Howsha ila qabo oo
Hamigeyga ii rumee
Haween boqoradeedaay
Hubaal waan ku sugayaa
Hanti tan Ugu qaalisaney
Hadal aan dhameeynee
Howsha ila qabo oo
Hamigeyga ii rumee
Qish, halkaan ka akhriso geeraaro kale oo xul ah:
Geeraar amaan ah
Haddii dumar asluubiyo
Dabci fiican leedahay
Dulqaad tii u dhalataay
Dadnimadiyo sharafta
Duco waalidkeyda
Tii loogu daray
Daacadnimo waxaa hela
Danahooda taam noqon
Duulkii Illaah iyo
Diintiisa caabuda
Dariiqii Rasuulkana
Aan dacalka dhaafine
Taa waxaan ugu danleeyahay
Waa maalmo aduunyaduye
Dumar taan ka doortaay
Ilo garo danteenoo
Dowoga toosan ii raac
Dhamaad
Qoraa: C/ Qaadir Dj – Cishqi-Team
wlhi aad ayu isojety waa erayo qalbiga tabanayan hoor usocdaa inaha allah