Heeso Qoraal Ah Oo Aad U Macaan

Heeso Qoraal Ah Oo Aad U Macaan

Hargeisa (Cishqi.com) – Marka la soo hadal qaado heeso qoraal ah gaar ahaan heeso macaan oo jacayl ah misana qoraal ah, durbaba waxaa qalbigeena ku soo dhaco wax aad u qurux badan.

Heesahani ee aan idin soo xulnay ayaa ah heeso qoraal ah oo aad u macaan kuwaasoo taabanayo qalbiga qofka wax jecel.

heeso qoraal ah, heeso macaan oo jacayl ah qoraal,

Qish: Haddii aad ka hesho mid kamid ah heesahani qoraalka ah, u dir saaxibkaa ama saaxibadaada mustaqbalka si aad u dareensiiso jaceylka dhabta ah ee aad u qabto.

Dhanka kale waxaan horay kaga soo hadalnay heeso kale oo qoraal ah gaar ahaan heesaha fanaanada caanka ah Khadro Daahir Cige, heesteeda Afka lagama sheegtoo adigoon jacayl arag looma uur xumaadee.

Heeso qoraal ah amaan dumar

Heesta Xasna, fanaanka caanka ah: Cabdiqaadir Juba

  • sida curad xalaaloo
  • duco lagu xambaaroo
  • marwo dumar xidhoodkiyo
  • xafidsiisay edabtoo
  • xumaan laga ilaalshoo
  • xikmad iyo aqoonba leh
  • xushmadeeda kaliyaa
  • nafta xiiso galisoo
  • cishqi kugu xasilisee
  • xag kastoo ka eegtaba
  • xasna aragtideedii
  • kama xiiso dhacayee
  • ma xulkii hablaha iyo
  • ma xulkii hablaha reer jabuutaa?
  • sida xuural cayntii
  • culimadu xadiiseen
  • suniyaal xariiriyo
  • dhabanada xabubka
  • dibnaha xara la moodiyo
  • dhoolaha xareedaa
  • tima dhabarka xaabiyo
  • xubno toosan iyo
  • laafyaha xaragada leh
  • xag kastood ka eegtaba
  • xasna aragtideedii
  • kama xiiso dhacayee
  • ma xulkii hablaha iyo
  • ma xulkii hablaha reer jabuutaa?
amaan dumar, amaan dumar qoraal, cabdiqaadir juba

Amaan Dumar: Cabdiqaadir Juba

Heesta Haboon

  • cirkoo gaaxday roobkiyo
  • saymihii ku raarnaa
  • rabi nooga shubayoo
  • rabtii ay warshiikh ahayd
  • ku rusheeyay reedaha
  • oo wali rogaal celin
  • kolba si u ruqaansiga
  • raynkiyo gufaacada
  • ka ridaaya dhinacyada
  • sida loogu reeyaan
  • haboon kuu riyaaqayo
  • naftaad raaligalisee
  • intaad duljoogo raas aduun
  • haboon ma rabo ruux kale
  • faceed ka rooneey soo ruclee
  • adaa rasmigii ruuxay ahee
  • dhulka rays qaboobiyo
  • reexaan udgoonliyo
  • dhirtu rucub magooliyo
  • ramaskio dogii
  • rasmii ugu soo baxay
  • oo ramadka geeliyo
  • riyihii iyo lo,doo dhalay
  • rugtii wabiga jawhar
  • reedaha ay daaqaan
  • sida loogu reeyaan
  • haboon kuu riyaaqayoo
  • adaa ii rafiiqee
  • intaan dul joogo raas aduun
  • haboon ma rabo ruux kale
  • faceed ka rooneey soo ruclee
  • adaa rasmigii ruuxay ahee
heeso macaan oo jacayl ah qoraal

Amaan dumar qoraal ah: Cabdiqaadir Juba

Heesta Luul

  • markii llaygu sahan tagay
  • hablaha kuwa ugu ladan
  • jacayl lama dhibaadshee
  • taan lahashadeedii
  • uga leexday dumaroo
  • waayihii lagdamayee
  • laga soo dabaashiyo
  • laba aaburkii dhacay
  • tii u liici waydaye
  • lirka igala doogtaay
  • sida sida ubaxa laaca
  • dhirta loogu kaabaa
  • adna quruxda luulaay
  • rabi kuugu lifaaqay
  • laaskii xareediyo
  • tay laabtu raacdee
  • la wadaagay noloshee
  • liibaanta guushiyo
  • libta ii horseedee
  • rabi igu labeeyaay
  • ha luufluufin waligaa
  • gacaltooyo loobagay
  • shakhsi lahaydee
  • loofar maaha duniduye
  • aan nafteeda luminee
  • lagu lexa jaclaystaay
  • in kastoo war laaqiya
  • lagu laba digleystee
  • la is lahaa ku kala dila
  • tii lagala quustee
  • cadaw loodin waaya
  • marka aad lulootoo
  • shashu kugu dul looshaa
  • farxad laasimaayoo
  • lubigayga saaqdaa
  • laaskii xareediyo
  • tay laabtu raacdee
  • la wadaagay noloshee
  • liibaanta guushiyo
  • libta ii hhorseediyo
  • rabi igu labeeyaay
  • ha luuf luufin waligaa
erayo macaan, heeso qoraal macaan ah, heeso

Heeso qoraal ah Farxiyo Fiska iyo Faarax Murtiile

Han iyo Dookh

  • Hibooy hodaalayeey
  • hilaac muuqda tahoo
  • habkii hodan baa tahoo
  • hilaac quruxda uga eg
  • xishoodka huwane
  • hagoogta asluubta xiran
  • hooyadii so korisaybaa
  • hufnana lagu dheehayoo
  • horjooga iyo heybadana
  • hidaha diintena iyo
  • hiba iyo qurux ba u dheer
  • hablaha somaliyeed
  • hawenka aduunka jira
  • hormuudkoodi bey noqdeen
  • hibana qurux ba u dheer
  • ninkii helaa cawa leh
  • anigu ku hanweyniyoo
  • hadaan kumanaan habeen
  • haasaawaha ila wadoo
  • hortana aanaan is arag
  • hibooy hadalkaga wacan
  • marnaba kama haabayee
  • heybow hoodaale wiil
  • halyeey geesi ba tahe
  • hogaan xidhanayay iyo
  • go,aan huwanayay baa tahe
  • labada hooyadu dhashee
  • horaad wada nuugtay baa
  • isaga hilib dhawnahoo
  • hadh iyo geed beynu nee
  • hido iyo dhaqan beynu nahe
  • hal iyo nirig beynu nahe
  • han iyo dookh beynu nahe
  • sinaba uma kala harnee
  • anigu kuu han weyniyo
  • hadaad kumanaan habeen
  • mudana aan is arag
  • ogow hadalkaga wacan
  • heybow kama haadayee
sawiro jaceyl 2022, sawiro jaceyl qoraal

Heeso qoraal ah lafoole

  • sida hooyo ubadkeeda
  • uur iyo ku qaad dhabarka
  • oohin iyo u diid silica
  • anshax iyo wanaag barida
  • aayaha u koritaanka
  • ayad uga eegtay samirka
  • sida hooyo ubadkeeda
  • uur iyo ku qaad dhabarka
  • oohin iyo u diid silica
  • anshax iyo wanaag barida
  • aayaha u koritaanka
  • ayad uga eegtay samirka
  • eed male naftaydani
  • haday ku ogolaatee
  • eed male naftaydani
  • haday ku ogolaatee
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • sida gaaf arooskiisa
  • alalaaska maarkeena
  • galbiskiyo arooskooda
  • ayaad uga eegtay sharafta
  • sida gaaf arooskiisa
  • alalaaska maarkeena
  • galbiskiyo arooskooda
  • ayaad uga eegtay sharafta
  • eed male naftaydani
  • haday ku ogolaatee
  • eed male naftaydani
  • haday ku ogolaatee
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • sida ubaxa iyo dooga
  • ama uduga reexaanta
  • ayaad inanyahaw adigu
  • istareex naftu u tahaye
  • sida ubaxa iyo dooga
  • ama uduga reexaanta
  • ayaad inanyahaw adigu
  • istareex naftu u tahaye
  • haday ku ogolaatee
  • eed male naftaydani
  • haday ku ogolaatee
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • sida ololka nuurkiisa
  • ama dayax ilayskiisa
  • ayaad ina abtaay muuqa
  • iyo uga eegtay quruxda
  • sida ololka nuurkiisa
  • ama dayax ilayskiisa
  • ayaad ina abtaay muuqa
  • iyo uga eegtay quruxda
  • haday ku ogolaatee
  • eed male naftaydani
  • haday ku ogolaatee
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
  • waa amaanta inaad u qalantaa
heeso qoraal ah lafoole

Heeso qoraal ah Cumar Dhuule Cali

Heesta: Nin Haween Jeclaaday

  • Nin haweeyn jeclaaday
  •  Hawl iyo dhibaatiyo
  •  Waayi maayo hadimee
  •  Anoo kuu hanweynweyn baad
  • Halbowlaha i go’ysoo
  • Warba iima haysidee
  • Hadal tiro ma fiicnee
  • Adoon iga haraadin
  • Maxaa kulaa hagaagsan?
  • Inaan kaa hadhaan
  • Iminka taladeed hayaa
  • Hadaynaan heshiinayn
  • Wa inaynu kala hadhnaa
  • Kala hawl yaraysanaa
  • Hadiway baxaysaa
  • Ilayn haybsan maaye
  • Aan kaa horeeyee
  • Haddii kale aan hoydoo
  • Halkii loo badnaa iyo
  • Aakhiro u hayaamee
  • Hadal tiro ma fiicne
  • Adoon iga haraadin
  • Maxaa kulaa hagaagsan
  • Inaan kaa hadhaan
  • Imika taladeed hayaa
  • Hadaynaan heshiinayn
  • Waa inaynu kala hadhnaa
  • Kala hawl yaraysanaa.

Khadro Cumar Dhuule Heeso Qoraal Ah Oo Xul Ah

Xasan Aadan Samatar heeso qoraal ah

Heesta: Balanbaalis

  • Sida Meel Barwaago Ah
  • 0O Buuro Dhaadheer
  • Wabi Baal Maraayoo
  • Barbarkana Daruuruu
  • Kaga Began Yihiinoo
  • Waaguna Baryaayoo
  • Bardihii Magooliyo
  • Ubaxii Gadaal Baxey
  • Balanbaalis Qalimo Leh
  • Hadba Laan Ka Boodaad
  • Adna li Bidhaantaa
  • Biligtaadu Waa Taa
  • Kalgacaylka Beertoo
  • Bilicdaad Wax Dheertahey.
  • Meel Baadku Hawroo
  • Maajiin Baldhiiliyo
  • Maadhiyo Baldhuuluhu
  • Baarka Isku Soohdeen
  • Aan Bahal Ugaadhiyo
  • Baryahaa Dad Soo Marin
  • Oon Wali Bur Laga Gooyn
  • Biyuhuna Qulqulayaan
  • Sida Loo Guban Baxo
  • Yaan Kugu Badhaadhaad
  • Inan yahay adaan kaa helaa
  • Ku han waynahayo
  • Inan Yahay adaan kula haya
  • Kuna heelano
  • Inan yahay ada iga hantiyey
  • Hanka feedhahee
  • Adigan hurdada kaaga go’ay
  • Haakah iyo jiife
  • Adigaan hablaha tii aan arkaba
  • Kugu hilmaamaye
  • Adaan kuugu heesa sidii
  • Hooyo ubadkeede
  • Hadal kaagu way malab dawiyo
  • Timirti doocane
  • Mugaal halacsi daymada ishaad
  • Dareen hagaysaaye
  • Garka iyo halbawlaha baad
  • Gacan kuhaysaaye
  • Hido raac jacayl bay haye hinda iga baano
  • Malaha indhahan ilmada qubayiyo
  • Ma ogid eebada qlbiga irkatoo
  • Sidaan ku ahay allan kutusine
  • Waxad ulateed ku uursantihiyo
  • Dunida idilkeed dartaa inan yahay
  • Naf iibin lahayd adaa inkiro
  • Cakuye is adkayn kamaba ilbaxdide
  • Cishqiga i afduubay halkaa ku ilow
  • Agtaada hadan shalay ubax dhigay
  • Maantana urursho anaa aase
  • Maxaad uga oli halkaad ku ordaysay
  • Jacayl eber keenay dhibcaha ixtiramka
  • Marku omas daaqay maxad ugu oontay
  • Maxad aragayga hader ugu oyday
  • Adoon anfariirin markaaga adkayso
  • Albaabka wanaagu dhexdena ka awdan
ubax jaceyl, xasan aadan samatar,

Xikmado Qoraal Ah Oo Aad U Cajiib Badan

Cawaale Aadan heeso qoraal ah

Heesta: Ku Baafshey

  • Ku baafshay baafshay
  • Ku baadi goobay
  • barada diidooo
  • Bistay ahaadee
  • Bartaad ku nooshahay
  • Usoo baqoolay
  • Intaan bukooday
  • bastayda ahaaday
  • Jaceylka beegtay beerka
  • Jirkii ku beeray boogta
  • Dhiigii ku baahay
  • Adiga igu beeray buuqa
  • Bidhaan wanaagay
  • Cilaac baxaayee
  • Biligta roobta
  • hadmaan ibaanin
  • Naftaa basaasay baadiyoobday
  • Hurda ma bogtoo
  • Barkinta huftoo
  • Naftayda baxsan
  • Anaa badbaadin
  • Mise bisbaasaay
  • Basraay ku dhaafin
  • Jaceylkan biiray biiray
  • Bogaygayga taabtay biiray
  • Dareemo buuxshay
  • Aday igu beeray buuqa
  • Bishaaradaydaay barwaaqadayda
  • Barwaaqadayda bilis qurxoonay
  • Naftaa basaasay baadiyoobday
  • Hurda ma bogtoo
  • Barkinta huftoo
  • Naftayda baxsan
  • Anaa badbaadin
  • Mise bisbaasaay
  • Basraay ku dhaafin
  • Ku baafshay baafshay
  • Ku baadi goobay
  • barada diidooo
  • Bistay ahaadee
  • Bartaad ku nooshahay
  • Usoo baqoolay
  • Intaan bukooday
  • bastayda ahaaday
  • Bishaaradaydaay barwaaqadayda
  • Barwaaqadayda bilis qurxoonay
  • Naftaa basaasay baadiyoobday
  • Hurda ma bogtoo
  • Barkinta huftoo
  • Naftayda baxsan
  • Anaa badbaadin
  • Mise bisbaasaay
  • Basraay ku dhaaf
cawaale aadan heeso qoraal ah

Calaacal Jaceyl Oo Qoraal Ah Misana Xanuun Badan

Nimacaan Hilaac iyo Yurub Geenyo

Heesta: Wawi jaceyl

Yurub Geenyo

  • Sida uu wadanahu
  • wehel kaaga rabo
  • Wadeec iyo cudoon
  • Walwal iga dhowr

Nimcaan Hilaac

  • Waxyeelo iyo hanaan
  • Waan kula rabinee
  • Adigana wadajiriyo
  • Hakatagin wanaag

Yurub Hilaac

  • Kolku waab baryaba
  • Weelashaa indhahu
  • Yay kuwaayinoo
  • Wajigaaga tabin

Nimcaan Hilaac

  • Nafta waayo badan
  • Wacaneey ku tiri
  • Yee weehanine
  • Qasiisiya ka dhowr

Yurub Geenyo

  • Waqti badan Kalgacal
  • Naf walaacsaneed
  • Dhado waysiyo
  • Dhanne dhanne
  • Dhanan waawi jaceyl
  • Waayahee Axdi wayn noqdiyo
  • Waxyeelada darteed
  • Yaanan waayaba oran

Yurub Geenyo

  • Warsan iyo Sidaan
  • wacnaan kula rabo
  • Wacadaraha kalgacal
  • Wakiil iga noqo

Nimcaan Hilaac

  • Weecankaygiyo
  • Wareer ha iga filan
  • Walbahaar jaceyl
  • Adna wacadka adkeey

Yurub Geenyo

  • Wadka oo idilin
  • Weeligeed aduunyana wiiqmanee
  • Ha iga weecininee ebad

Nimcaan Hilaac

  • Waxaad tahay qof mudan
  • Waxdeeda oo
  • Waa wadaageenaa
  • Waayaha aduun

Yurub Geenyo

  • Waqti badan Kalgacal
  • Naf walaacsaneed
  • Dhado waysiyo
  • Dhanne dhanne
  • Dhanan wawi jaceyl
  • Nimcaan Hilaac
  • Waayahee Axdi wayn noqdiyo
  • Waxyeelada darteed
  • Yaanan waayaba oran
nimcaan hilaac, yurub geenyo,

Fariimo jaceyl dhab ah oo aad u macaan

Alfanaan Ikraan Carale

  • ma’ogtahay sidii baan
  • geesigaan jeclaa
  • inuu guulle igu simo
  • gacmo kor u hayaaye
  • ma’ogtahay sidii baan
  • goor iyo ayaan
  • guriguu ku nool yahay
  • isu gacan salaamaayee
  • bal inuu garwaaqsado
  • siduu caashagq ii galay
  • gasinkiina iga jaray
  • uga go’ay hurdada
  • ha guddoonsadee
  • deeqsigaan jeclaa gaarsiiyaye
  • gaarsiiya idinkuna
  • gaarsiiya idinkuna

Faarax Murtiile heeso qoraal ah

  • Afkaba Daahisu Waa Dibnaha’oo
  • Layidhi Kii Dabolan waa Dahabe
  • Dabayshu Dhulkay ka Duusha
  • Daruurta Cirkaana Daadihise
  • Dadkana Dabar kiisu waa Diin
  • Ragana Dumarka Dugsoon u aho
  • Hadanay Dadab Galin Dabayshade
  • Adigu Diidaney Adaa Dahabo
  • Qalbiga Dajiso indhaha Deeqde
  • Sidii Dayax soo Baxaad tahay
  • Naf Caashaqu Dagooo
  • Ku Daydayaysaad Dabiib utahe
  • Dawee Gacalooy
  • Adoo qaba nabaradiisa
  • Jacaylka nitaaqadiisa
  • Qofaad unugushahay xagiisa
  • Madaysid nasteexadiisa
  • Waxaad neceb tahay dhibtiisa
  • Ma raadisid niyad jabkiisa
  • Naftaadana waad kusortay
  • Nayayire waa agtiisa
  • Nasiib aad leedahay weeye
  • Nolosha isagaad ku soortay
  • Nabdiga ruuxad kuhayso
  • Naruuro hadaad kawaydo
  • Walina rajo naawilayso
  • Jacaylku nusqaami maayo
  • Qalbigu nacab uma yaqaano
  • Naflaha wuu kaaga dhawyahay
  • Adaan ka nagaan agtiisa
  • Waayahoo cakirmaa cidhiidhi dhaloo
  • Nasiib nin casuumay baa midkale ciilee
  • Ruuxii caydhnimo Shalay cawinaa
  • Marbuu cawa dhalad noqdaa calanloo
  • Cadceedii dhalataba noloshu waa cayn
  • Curdin iyo hadaad caruur weli tahay
  • Da’diyo cimriguba ruux bay cuskadeen
  • Adoo caga qaba hadaad cabanayso
  • Curyaan waxa jira nolosha ku cadiban
  • Ciyaaro hadii caruus loo tumay
  • Cawayska midbaa ciidda lagu rogay
  • Cuudkaagu haduu adiga cimidh yahay
  • Tiriyo cadad maleh sabool caydhihi
  • Hadaad ku cawayso cisiyo nabad
  • Dadbaa ciil iyo colaad la ildaran
  • Dantoo ku cuslaysay ceeb malehe
  • Ku ceesh baryadaa cibaaro la’e

Fanaanka Suldaan Seeraar: Heesta Macaan Kaalay

  • Intaan maaweelin karo
  • nafta waan madadaaliyee
  • markaan diiday waroo dhan
  • nafta waan madadaaliyee
  • Mar hadaanad ila joogin
  • noloshuba macaan ma leh
  • ilayn waad ka maqantee
  • Magaaladu iftiin ma leh
  • Meel kastoo xubnahayga
  • ka midaa ku tabaayaa
  • maqnaantaada dhibaysa
  • iga daa mudo dheere
  • maalmahan socda kaalay
  • kasoo muugo agtayda
  • Intaan samir muujin karo
  • nafta waan ku muquuniyee
  • ma yaraysan dulqaadna
  • Intaad maqantay dheertahay
  • hurdo kuma ladaayee
  • ma huraankii nolosha
  • sow ma ogid inaad tahay?
suldaan seeraar, macaan kaalay

Heeso qoraal ah Maxamed BK

Heesta Dardaaran

  • Hadaad debada u baxaysay
  • bilana mudo durugsan maahee
  • baray daf ina soo odhane
  • dardaaran yar aan ku faro
  • dadaalka jacaylka iyo
  • xasuustayduun ha daynin
  • dawgu toobiyo
  • qoraxdu dalaalimo
  • dadka aabo iyo hooyo
  • daa,im hakaga dhigo
  • hadaan duuloon dhaqaaaqo
  • oo aan dal shisheeyo aado
  • intaan maqanahay Nimcooy
  • dardaaran yar aan ku faro
  • wacadka keenii dumashana
  • ayay dogqoniimo raaciye
  • wax ku dibin daabshiyo
  • wax kusii duqeeyaba
  • daa,im hakaa ilaashee
  • waan soo dadaalayaa

Nimacan Hilaac heeso qoraal ah

Heesta Jacaylkii qabyoobay

  • Jacaylkii qabyoobayoo
  • Nasiib qadar baajiyoo
  • Qiimaad ku lahayd aktayda
  • Xasuus igu qaaliyaay
  • Qiimaad ku lahayd aktayda
  • Xasuus igu qaaliyaay
  • Qiimaad ku lahayd aktayda
  • Xasuus igu qaaliyaay
  • Jaceylkii qabyoobayoo
  • Qiimaad ku lahayd aktayda
  • Nasiib Qadar baajiyoo
  • Qiimaad ku lahayd aktayda
  • Xasuus igu qaaliyaay
  • Qiimaad ku lahayd aktayda
  • Xasuus igu qaaliyaay
  • Qiimaad ku lahayd aktayda
  • Xasuus igu qaaliyaay
  • Anigoon diideen qoraalka
  • Inoo qadar yahay iswaaga
  • Qudhani gofkii ay jeclayd
  • Qudhani gofkii ay jeclayd
  • Waayaha kala qariyiyoo
  • Anigoon diideen qoraalka
  • Inoo qadar yahay iswaaga
  • Qudhani gofkii ay jeclayd
  • Qudhani gofkii ay jeclayd
  • Waayaha kala qariyiyoo
  • Wadnahii Samir qaadayee
  • Qalbigii hooy bogsoyoo iyeel
  • Dareen i qasbaayay iyo
  • Sanadan qatanaa darteedee
  • Naftii iga heshay quusoo
  • Wadnahii Samir qaadayee
  • Qalbigii bogsoyoo iyeel
  • Dareen i qasbaayay iyo
  • Sanadan qataneey darteeday
  • Naftii iga heshay quusoo
  • Qamuunyo jacayl ahoo
  • Qofaan lala qaybsaneen
  • Intaad iqtiyaar ka qaado
  • Ruux kale ha ugqaban sideydii
  • Intaad iqtiyaar ka qaado
  • Ruux kale ha ugabin sideydii
  • Qeybakaan sugayaa sugayaa sugayaa anoo
  • Nolasha qeybaha ii haray
  • Allaha qaniyaan baryaa
  • Inaan qurux kaga gudbee
  • Qeybakaan sugayaa sugayaa sugayaa Ano
  • Nolasha qeybaha ii haray
  • Allaha qaniyaan baryaa
  • Inaan qurux kaga gudbee
  • Wadnahii Samir qaadayee
  • Qalbigii hooy bogsoyoo iyeel
  • Dareen i qasbaayay iyo
  • Sanadan qatanaa darteed
  • Naftii iga heshay quusoo
  • Wadnahii Samir qaadayee
  • Qalbigii hooy bogsoyoo iyeel
  • Dareen i qasbaayay iyo
  • Sanadan qatanaa darteedee
  • Naftii iga heshay quusoo
  • Wadnahii Samir qaadayee
  • Qalbigii qaadayoo iyeel
  • hadaad duushood dhaqaaqdo
  • oo aynu kala durugsanaano
  • warkaagaan doonayaaye
  • teleefanka soo diroo
  • dadaalka jacaylka iyo
  • xasuuustayduun ha daynin
  • dawguu toobiye
  • qoroxdu dalaalimo
  • dadka aabiyo hooyo
  • daa,im haa kaga dhigo
Translate »