Horumarka Magaalada Muqdisho 2021 + Sawiro

Garowe ( Cishqi) – Waa sidee horumarka magaalada Muqdisho 2021? Maxaa ku soo kordhay magaalada Muqdisho? Horumar nuucee ah ayeey hiigsaneysaa caasimada? Jawaabta wey fududahahay.

Muqdisho waa caasimada dalka, waa muraayada Qaranka, waa hooyada Magaalooyinka.

Horumarka Magaalada Mudisho 2021: Muqdisho oo sidoo kale loo yaqaano Xamar, afka qalaadna lagu yiraahdo Mogadishu, the white pearl oft he Indian Ocean (Dheymanta cad ee xeebta Badweynta Hindiya, waxa ay ku taalaa koonfurta-Bari ee dalka Soomaaliya, waxa ayna saaran tahay xeebta badweynta Hindiya.

Horumarka Magaalada Muqdisho: Qormada Guud ahaan

  1. Bilicda iyo horumarka Magaalada Muqdisho 2021
  2. Muqdisho iyo Maanta
  3. Muuqaalka Muqdisho 2021
  4. Ka hor horumarka magaalada Muqdisho
  5. Sawirada Maagalada Muqdisho 2021

1. Bilicda Iyo Horumarka Magaalada Muqdisho 2021

Wixii ka horeeyay dagaaladii sokeeye ee ka bilaawday dalkeena, dabayaaqadii sanadkii 1990kii, waxa ay magaalada Muqdisho ka mid ahayd magaalooyinka ugu billicda wanaagsan guud ahaan Afrika. Muqdisho waxaa jecleyd cid walbaa in ay soo booqato. Taasina waxaad ku garan kartaa dalxiiseyaasha hadda imaanayo magaalada Muqdisho, iyadoo weliba ay amnigoodu aad u xun tahay.

Sida aan ogsoonnahay magaalada Muqdisho waxa ay soo martay marxalado kala duwan haba ugu badnaadeen, dagaalo sukeeye, qaraxyo iyo dil joogto ah.

Sidaas ay tahay magaalada Muqdisho waxa ay sameysay horumaro aanan caadi ahayn, umana joojin dhibaatooiynkaas, Muqdisho waxa ay hadda la jaanqaadeysay caasimadaha Afrika.

Magaalada Muqdisho waxa ay maanta aduunka tusineysay in ay weli tahay  magaalo sameyneyso horumaro kala gedisan. Horumarka magaalada Muqdisho sanadihii ugu dambeeyay waxa ay ahaayeen horumaro aanan caadi ahayn, waxaa magaalada ku soo kordhay waxyaabo aanan horay uga jirin, tusaale ahaan dhismooyin cuusb oo loo naqshadeeyay si cajiib ah.

Horumarka magaalada Muqdisho intaas kuma eko ee sidoo kale waxa ay sameysay horumaro kala gedisan haba ugu badnaatee dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha. In kastoo Muqdisho aysan weli gaarin sidii la rabay sababaha la xiriiro dhanka amniga ah, hadana Muqdisho waa mid sameyneyso hiigsi horumarineed.

2. Muqdisho iyo Maanta

Muqdisho iyo Maanta, mar aan ag marayay Taalada Dhagaxtuur ee Magaalada Muqdisho aniga iyo saaxibadeyda ayaan waxaan jecleysanay inaan idinla wadaagno qormo ku saabsan horumarka magaalada muqdisho 2021 + sawiro iyo muuqaal qurux badan, sawirada iyo muuqaalkaasoo idinku baraarujin doono in aad qeyb ka noqotaan horumarka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

3. Muuqaalka Muqdisho 2021

Qish: Waxaan halkaan idin kugu diyaarinay wararka caasimada Soomaaliya gaar ahaan taariikhda guud iyo maqaalo kale oo xiiso leh.

Sida aan ogsoonnahay caasimada Soomaaliya waaa wadnaha dalkeena hooyo. Waa muraayada Soomaaliyadii la yaqiinay. Soomaaliya waxa ay ka bilaababtaa Muqdisho, sababtoo ah waa caasimada dalka oo dhan. Haddeey qurux badnaato waxaa qurux badnaanayo dalkoo dhan. Laakin haddii ay Mudisho xumaato, waxaa xumaanayo dalkoo dhan.

Haddii ay magaalada Muqdisho ay sameyso horumaro, waxa uu horumarkaasi gaarayaa dhamaan dalka oo dhan. Haddii aan marka dhisno caasimada dalkeena, waxaa dhisi karnaa dhamaan dalkeena oo dhan. Waxaan mideyn karnaa guud ahaan dalkoo dhan laakin taasi waxbaa ka horeeyo.

Wax kale ma ahan ee waa in aan dadkeena dhisno, marka aan dadka dhisno ayaan dalkana dhisi karno, laakin haddii uu qof walbaa aaminsanyahay in uu yahay reer hebel balse uusan aaminsaneyn in uu yahay qof Soomaali ah, ma kula tahay in aan dhisi karno dalkeena kana qeyb qaadan karno horumarka guud ee dalkeena?

Jawaabta macquulka ah: Maya.

4. Ka hor horumarka magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa ay soo martay marxalado kala duwan, haddana waxa ay la jaanqaadeysaa caasimadaha aduunka gaar ahaan kuwa Afrika.

Waa sidee Magaalada Muqdisho 2021?

Muqdisho waxaa ay hooy u tahay qaraxyo iyo shirqoolo joogto ah kuwaasoo laga soo maleegay dalaka cadowga ah, sidaas ay tahayna horumarka magaalada Muqdisho waa mid sii xoogeysanayo. Magaalada Muqdisho waxa ay maanta ku talaabsaneysaa horumar xoogan. Tan iyo markii laga saaray ururka Al-Shabaab sanadkii 20211, bilicda caasiada waxa ay ahayd mid si xowli ah u soo noqoneyso, iyadoo laga hirgeliyay daaro cusub oo casir ah, hoteelo, moolal iyo maqaayado casri ah.

Sidoo kale waxaa la dhisay wadooyinka magaalada Muqdisho ugu caansan sida wadooyinka kala ah:

  • Wadada wadnaha
  • Wadada Maka Al Mukarama
  • Wadada Sodonka
  • Wadada Afgooye iyo wadooyin kale

Intaas kuma ekaan horumarka magaalada Muqdisho ee waxaa sidoo kale laga hirgeliyay xadiiqooyin cagaar ah oo indhuhu soo jiidanayaan, si ay uga nastaan dadka maalmaha shaqada. Sidoo kale waxaa iyana jardiinooyinkaasi ku kulmo lamaanaha sida dhabta ah isu jecel ee isla qaanayo waqtigooda, kana hadlayo arimaha mustaqbalkooda.

5. Sawirada Maagalada Muqdisho 2021

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »