Jaceyl Dhab Ah Sida Loo Dareen Siiyo Xaaskaaga

Mogadishu Somalia ( Cishqi ) In aad xaaskaaga dareen siiso jaceyl dhab ah waa wax aad u fudud, waxaad u baahan tahay oo kaliya in aad u dirto erayo jaceyl oo nuucaan ah ama in aad u sameyso 5 taan qodob.

Jacel dhab ah, jacayl dhab ah

Jaceyl dhab ah miyuu ii qabaa mise mid dhalanteed ah?

Su’aalaha ugu horeeyo ee ay xaaskaagu is weydiineyso waxaa kamid ah “Miyuu i jecelyahay” jaceylka uu ii qabo ma dhab baa mise waa dhalanteed”? Xittaa haddi ay ogtahay in aad jaceshahay, waxa ay iska rabtaa in aad u muujiso.

In aad xaaskaaga ku tiraahdo, waxaan kuu qabaa jaceyl dhab ah misana aad afka oo kaliya ka tiraahdo waan ku jeclahay ma ahan mid ku filan ee sidoo kale waxa ay u baahan tahay in aad dareen siiso jaceylka dhabta ah.

Jaceyl dhab ah waa macaan laakin waa marka aad heysato qof si dhab ah kuu dareen siiyo.

Hadaba sidee ku dareen siin karaa xaaskeyga jaceyl dhab ah?

Jawabta waa mid fudud:

Halkani waxaan kuugu diyaarinay qodobo aan soo tijaabinay kuwaasoo xaasasku ay aad ugu riyaaqaan.

Marka aad sameyso qodobadaan waxa aad si  fudud xaaskaaga ugu dareen siin kartaa xasilooni,  jaceyl dhab ah iyo kalsooni ay farxadi ku dheehan tahay.

Maxay yihiin 5 ta qodob ee aan ku dareen siin karo jaceylkeyga?

  1. Ka dhigo xaaskaaga saaxib dhab ah
  2. Ku dheh xaaskaaga i caawi marka aad u baahan tahay
  3. Dareen sii nolol farxad iyo jaceyl dhab ah ku saleysan
  4. U noqo macalin baro erayo jaceyl oo dhab ah
  5. U muuji naxariis badan

1. Ka dhigo xaaskaaga saaxib dhab ah

Shalay waxa aad xageeda ka  ahayd qof ka ajnabi ah, hadda waxa ay kaa dhigatay saaxib weliba saaxibkeeda dhabta ah kadibna waxa ay ku siisay qalbigeeda.

Maanta kaama ahan qof kaa ajnabi ah, waxa ay kuu tahay xaas. Qof adiga kuu dhaxdo.

Hadaba haka dhigan xaas oo kaliya ee ka dhig saaxibadaada dhabta ah. Dareen sii in aysan jirin cid kale oo aad sirtaada la wadaagto marka laga reebo iyada mooyee.

2. Ku dheh xaaskaaga i caawi marka aad u baahan tahay

Waxaa kula soo gudboonaaday waxyaabo kaa tan badiyay, ku jahwreeriyay, kugu furay buuq.

Waxaa aad hadda u baahan tahay caawimaad, u sii fursad xaaskaaga oo ka dalbo  caawimaad, haddii ay awoodo weey ku farxi doontaa in ay adiga ku garab istaagto.

3. Dareen sii nolol farxad iyo jaceyl dhab ah ku saleysan

Xaas walbaa waxa ay jeceshahay in uu ninkeeda noqdo nin romantic ah oo xaaskiisa jecel. Nin aanan ula dhaqmin sida nin ka ajnabi ah.

Marka aad guriga imaaneyso ama aad ka baxeyso ficilka ugu horeeyo ee aad sameyneyso ha ahaado:

  • dhunkasheeda iyo in aad hab siiso
  • Ku haay laabtaada ilaa hal daqiiqo
ninka xaaskiiisa u haayo jaceyl dhab ah

Ogow hal daqiiqo oo kaliya oo aad xaaskaaga laabta gelisaa, iyadu waxa ay kaga qiimo badan tahay wax kasta oo dunida guudkeeda saaran.

Hadaba haka baqiilin arinkaas ee ugu roonow.

4. U noqo macalin baro erayo jaceyl oo dhab ah

Dumarka waxa ay aad u jecelyihiin in la daneeeyo oo weliba si cad ah loogu sheego in la jecelyahay. Haka gaabsan sheegashada jaceylkaaga.

Haddii aad ka gaabsato sheegashada jaceylkaaga, waxa aad dhiseysaa teeda qalafsan oo adiga iyo ooridaada idin kala dhex dhigma, Xiisahiinana wuxuu noqon mid gabaabsi ah. – Imaam Ahmed Ibn Hanbal.

Bar dhegaheeda in ay mar kastaa kaa maqalaan hadalada macaan ee laabteeda daawada u ah, isla markaasna dareensiinayo qalbigeeda jaceylka dhabta ah.

Qish: erayo jaceyl oo dhab ah, halkani waxaan kuugu diyaarinay erayada saxda ah ee aad ku soo jiidan karto qalbiga xaaskaaga.

U dir erayadaan oo ah kuwo ka turjumayo jaceylka iyo xiisaha aad u qabto xaaskaaga. Riix halkaan si aad u akhrisato: Erayo macaan oo soo jiidasho leh

5. U muuji naxariis badan

Waxa ay adiga dartaa uga soo go,day reerkeeda sida hooyo, aabe iyo dhamaan qoyskeeda jaceylka ay kuu qabto dartii.

Sow meeysan kasban in aad u muujiso naxariis uguna mahadceliso waxa ay adiga daraadaa u sameysay?

Jawaabta macquulka ah: Haa.

Xusuusnow: Intaas marka aad u sameyso, weligaa kaa tegi meyso.

jaceylka dhabta ah, jaceylka runta ah.

Qoraa: Mustafa Mmj

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »