Nimcaan iyo Canab, jaceyl waa dareen, waxaan ku ogaaday in jaceylka uu yahay dareen marka aan isweydiiyay waa maxay dareen jaceyl? Ka hor inta aanan kala garan waa maxay dareen jaceyl iyo waa maxay jaceyl waxaan ahaa qof ku wareersan jaceylka.
Dhanka kale mala dhihi karaa jaceyl waa dareen, adiguse weligaa wax ma jeclaatay, haddii aad jeclaatayna siduu ahaa dareenkaas?
Aan ku baro Nimcaan, waa wiil 25 jir ah, ma ahan nimcaanka aad taqaano ee “Nimcaan Hilaac”ee waa xidig kale oo aan kamid ahayn xidigaha geeska. Nimcaan waxa uu xidig u yahay gabdhaha shidan kuwooda ugu macaan, waa wiil yaqaano sirta ay gabdhuhu jecelyihiin iyo sida la isaga gado.
Shukaansi holac ah oo dhex maray wiil iyo gabar isku cusub
Nimacaan waa wiil aad u fiican oo kaalay iska arag ah, gabadhii aragtana ay isha la raaceyso, sidaas ay tahayna Nimcaan waa single sababo jiro awgood. Nimcaan waxaaa Ilaahey ku maneystay qurux, bashaashnimo iyo dabeecad aad u wanaagsan laakin hal dhib ayuu qabaa, Nimcaan gabar walbaa ayaa soo hunguriyeeyso.
Nimacaan waxa uu ku dhashay magaalada Garowe ee caasimada Puntland laakin waxaa uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile. Dhanka kale Nimcaan waxa uu arday ka yahay Jaamacada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, waxa uuna jecelyahay inuu gaaro horumar si uu wax ugu taro dalkiisa iyo dadkisa. Nimcaan waa dhiiri galiye, waa sawir qaade jecel in uu sawiradiisa dadka ku dhiiri galiyo.
Nimcaan waxaa magaalada Muqdisho looga yaqaanaa magacyo badan sida Xidiga Caasimada, Dalnuurshe iyo Nimcaan Daryeel, sababtoo ah waxa uu u adeegaa dalka, waxa uuna daryeelaa dadka masaakiinta ah. Nimcaan waa wiil wadaniyadu ay aad ugu weyn tahay, waxa uuna aaminsan yahay in danta gaar ah laga hormariyo danta guud.
Hadaba mala dhihi karaa jaceylka Nimcaan waa dareen jaceyl?
Nimcaan weligiis ma uusan sameyn xiriir jaceyl, mana ahayn wiilasha doonayo in ay guursadaan iyagoon wax mustaqbal ah lahayn. Sidoo kale Nimcaan wuxuu aamiinsanaa inuusan jirin jaceyl dhab ah oo jaceylka la sheegaba uu yahay mid iska dhalanteed ah ama ku kooban damac labo maalin ah.
Waxyaabaha la yaabka leh waxay tahay, muddo kadib Nimcaan isaga ayaa gabar si dhab ah u jeclaaday, kaaga daran gabadhaasi kama mid ahan gabdhaha doon dooni jiray. Calaa kuli xaal Nimcaan waxa uu hadda si dhab ah u jecelyahay Canab.
Nimcaan ma hurdo habeenkii, mana harsado dharaartii, Canab uun baa la horkeenaa, Canab waxay u tahay ileys soo baxay, waxa uuna u qaaday jaceyl aanan qalbigiisa ka go’eynin. Waxaa ku kordho habeen iyo maalin jaceylkeeda waalida ah.
Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh A-Z Qeybtii 1-aad
Ma qiyaasi karo dareenka uu Canab u qaaday balse wuxuu dareemayaa in uu yahay dareen ku cusub. Nimcaan mar walbaa uu ka welwelo Canab, waxa uu niyadda ku dhistaa in uu mar uun heli doono, waqti kastaba ha noqotee.
Dhanka kale Canab waa gabar dheer oo joog leh, quruxda ay qabto la fajaceyso, taas waxaa kaaaga daran laafyaha iyo jirka macaan ee ku yaalo, kuuntada dabiiciga ah ee ku xiranna warkeed daa. Reer Xamarku waxay dhahaan “Kuunto wixiis loo kuus kuusay kastuumo loo geliyay karaamo lee maahinoo”.
Nimcaan isagoo la dhacsan quruxda Canab iyo waxyaabaha uu Alle ku maneysgay ayaa waxaa ka soo maaxday geeraarkaan:
- Joogaaga dheer iyo
- Xibnahaaga jalaqsan
- Jalleecada kalgaceylka
- Jaahaaga quruxda leh
- Timahaaga jiifo
- Miskahaaga joogiyo
- Dhexdan taako lagu jaray
- Jirkaagaan xariirta ah
- Jaad samida codkaagiyo
- Qosolkaaga jilicsani
- Jaanqaadka socodkiyo
- Jiijiidka laafyaha
- Kama jeesan karayoo
- Waan kugu jidboodee
- Wax i jiidanaayoo
- Qalbigeyga jiiraa
- Kugu jiro jamaal badan
- Jooharaad miyaa tahay?
- Mise jowhar luulkiyo
- Dheeman dahab la soo jaray
- Jamaad gacanta ii dhiib
- Janadii aduunkiyo
- Beeraha jacaylkana
- Farxad igula soo joog
La soco qeybta kale