Jaceylka Dhabta Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Waa maxay calaamadaha jaceylka dhabta ah, maxaa lagu gartaa qalbi si dhab ah kuu jecel misana daacad kuu ah, hadaba baro maanta oo wax ka ogow.

jaceylka dhabta ah
Jaceylka dhab ah iyo calaamadaha lagu garto

Jaceylka dhabta ah waa macaan, markaad heysato qof si dhab ah kuu jecel, adiguna aad u jeceshahay.

Jaceylka dhabta ah ma dareemi karo qof walbaa ee waxaa dareemi karo macaankiisa iyo qaraarkiisa qofkuu haleelo. Jaceylku wuxuu wataa raxmad iyo naxariis u gaar ah, waxaana daareemi karo ruuxii dhadhamiyaa.

Calaamadaha Jaceylka dhabta ah

Jacaylku waa shay qaali ah kaas oo ku lamaansan jiritaanka Nolosheena. Erayga la dhoho jaceyl asal ahaan hadaan fiirino erayada uu ka soo jeedo iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha aadamiga iyo waxa laga soo gaabiyay.

Afka Ingiriiska: (L) lack of pleasure (O) ocean of sad (V) vellay of deeth(E) end the live.

Macanaha erayada oo Af Soomaali ah

Markii la fasiro erayga “Love” Af Soomaali “Jaceyl” wuxuu noqonayaan sidaan; (J) jawhar (A) amakaag (C) calaacal (E) enfariir (Y) yaab (L) luul.

Hadaba qof walbaa inuu fahmo  jacaylka dhabta ah weey adag tahay, maxaa yeelay qof aanan weligiisba wax si dhab ah u jeclaanin, ma dareemi karo qof kale dareenkiisa.

Qofka uu haleelo jaceylka dhabta ah wuu ka duwan yahay qofka kale. Haddii qofkaasi uu arko qof kale oo isaga si dhab ah u jecel, wuu dareemi karaa dareenkaasi.

Ka waran haddii aad jeclaato qof aananba aqoonin jaceylka dhabta ah iyo dareenkiisa waxa uu yahay? Jawaabta macquulka ah: Aad beey u adag tahay inuu fahmo waxa aad ka hadleyso.

Dad badan ayaa waxayba moodaan in jaceylka dhabta ah uu yahay in la isguursado oo kaliya, kadibna sariirta lagu wada raaxeysto. Laakin taasi lama dhihi karo jaceyl dhab ah.

Ka waran qof aadan aqoonin, dabeecadiisa, dhaqankiiisa, kaftankiisa, naxariistiisa, siduu noqon karaa dareenkaaga, markaad adiga iyo asiga qol wada tagtaan? Jawaabta macquulka ah: Waa dareen naxdin leh, oo aadan aqoonin halka ay ku dhamaaneyso.

Talo ku socoto gabdhaha

Gabaryaheey guurso nin si dhab ah kuu jecel oo dareenkaaga fahmi karo, habeenka aad la aqal galeyso aad ku faraxasantahay la kulankiisa. Hadaad fiiriso hantidiisa oo kaliya noloshaada ma noqon doonto mid farxad leh.

Nin aadan ku qanacsaneyn inaad hoos jiifato waxa ka dhalanayo waa uun sheeko murugo leh iyo qalbi jab. Imisa gabdhood ayaa jiro oo qabo nin hanti leh misana qalbiga ka gubanayo? Imisa gabdhood ayaa jiro oo aanan ku qanacsaneyn nolosha iyo raaxada ninkeeda? 

Hadaba Noloshu iyo raaxadu waxay ka timaadaa qalbiga, nin aadan jecleyna maba la raaxeysan kartid, Iskaba daa inaad farxad dareento. Maxaa yeelay maba jirto qanaaco iyo jaceyl dhab ah.

Noloshu ma ahan hanti oo kaliya ee waa farxad. Qof walbaa wuxuu raadiyaa nolol farxad leh ee ma raadiyo hanti uun. Sidaa darteed raac waxa qalbigaada uu jecelyahay ee ha raacin hantidaas. Intaas waa iga talo, maxaa yeelay waxaan idinla jecelahay nolol farxad iyo barwaaqo leh.

Qish: Baro Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Maxaa lagu gartaa jaceylka dhabta ah?

Jawaabta: Jaceylka dhabta ah waxaa lagu gartaa farxad iyo reyn reyn, waxaad noqoneysaa qof aad u faraxsan, waxaana mar walbaa hareerahaaga jooga qofka aad si dhab ah u jeceshahay.

Waxaad dareemeysaa naxariis. Waxaa kuu dhaw kalgacayl. Markaad maanta murugo dareento, waxaad heysataa qof murugadaasi kula wadaago, kuna dhiirogeliyo, had iyo jeerna  garabkaaga joogo. 

Nin baa waxa uu jeclaaday gabar, maalin maalmaha kamid ah ayuu u diray fariin, taasoo ka turjumayso dareenkiisa dhabta ah iyo daacadnimadiisa. Fariintaasi waxay u qorneed sidaan.

Aniga iyo Jaceylkaaga

Marnaba ma aanan ogeyn sida ay noloshu farxad u noqon karto illaa aan arko suuradaada farxada leh. Qalbigeygu wuxuu u boodaa sida shimbir badeedka duula oo kale markasta oo aan adiga ku arko.

Tani waa wax aanan waligey horay u dareemin, ma qiyaasi karo waxa aan hadda dareemayo. Adigu waxaa tahay qof cajiib ah!

Markaan ka fikiro adiga iyo wada-hadalladeena hodanka ah, waxaan dareemayaa diirimaad gudaha ah. Ma qarin karo dhoolacadeynteyda, xitaa markaan kala maqanahay.

Xiriirkani waa mid gaar ah, oo cajiib ah, waxaana ku dhiirranayaa inaan iraahdo, qaddar.

Mararka qaar waxaa igaraacmo wadanaha, u xiiseynta iyo xiisaha aan dareemayo markaan adiga kaa fikiro. Waxaan rajeyneynaa taariikhdeena soo socota, inay noqoto mid qurux badan. Mid kastaa ha ka fiicnaato tii ugu dambeeysay haddii ay taasi xitaa macquul tahay.

Si daacad ah baan kuu jecelahay.

Muxuu kale uu leeyahay jaceylka dhabta ah

Jaceylka dhabta ah malahan farxad oo kaliya ee sidoo kale wuxuu leeyahay dabeecad wanaag. Hadalada qofka inta badan waa mid miisaaman xittaa markuu kaa xanaaqo. Sabab?

Sababtoo ah qofka sida dhabta ah kuu jecel, wuxuu kaa ilaalinayaa inuu qalbigaada dhaawacmo. Qalbigu waa sida muraayad oo kale, Muraayada haddii ay mar jabto sida la isugu kabkabo wey adag tahay. Qalbiguna waa sidaas oo kale.

Jaceylka dhabta ah wuxuu leeyahay dareen ka duwan dareenada kale. Hadaaad aragto qof aad si dhab ah u jeceshahay, aragtidiisu waa mid la yaab leh. Wuxuuu kaaga soocan yahay dadka kale.

Wuxuuna leeyahay dareen ka qurux badan dareenada kale. Waana sababta uu adiga qaas kuugu yahay. Markaad aragto waxaad dhoola cadeyneysaa dhoola cadeyn farxad leh oo kal iyo laab ah.

Qofka sida dhabta ah kuu jecel kuma jeclo oo kaliya markaad barwaaqeysan tahay ee sidoo kale wuxuu ku jecelyahay markaad murugeysan tahay. Murugada waa astaan Kamid ah jaceylka dhabta ah. Waqti kastaa oo isfaham waa dhaco, waxaad dareemeysaa murugo, xittaa haduu kaa qaldan yahay.

QishBaro calaamadaha lagu garto gabadha ku jecel

Jaceylka dhabta ah waxaad sidoo kale ku dareemi kartaa Isha. Indhahaa kuu macalin ah. Qafka sida dhabta ah kuu jecel markaad indhohiisa eegto waxaad ku arkeysaa astaan ka duwan dadka kale.

Isha waa waxa ugu horeyo ee aad ku garan karto qofka adiga ku xiiseynayo ama ku jecel. Hadaba dareenka jaceylka dhabta ah ma ahan mid aan qoraal oo kaliya ku soo koobi karno balse waxaan kaga hadli doonaa qormooyinka kale ee soo socdo insha Allah.

3. Waxyaaboo ha iloobin oo aanan dib loo soo celin jaceylka dhabta ah

  1. Waqti tagay
  2. Hadal la yiri
  3. Kalsooni luntay

Ugu dambeys

Haddii aad rabto inaad sii ogaato calaamado kale oo lagu garto jaceylka dhabta ah, fadlan halkaan hoose iska diiwaan geli si aad ula socoto.

Qoraa: Mustafa Mmj

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »