Muqdisho (Cishqi) – Inaad muujiso jaceylka xaaskaaga waa wax fudud, balse waa haddii ay dhab kaa tahay, muujinta jaceylka xaaskaaga uma baahno wax sidaa u weyn, iyadana kaama dooneyso in aad u dhisto taalo dheer oo u dhisan sida Taalada Dhagaxtuur ee magaalda Muqdisho.
Kaliya raac qormadaan si aad u dareensiiso xaaskaaga jaceyl dhab ah. Xaaskaaga uma baahno kaliya in aad tahay nin fiican ee sidoo kale waxa ay u baahan tahay in aad tahay nin iyada jecel, daryeelo oo fahmo dareenkeeda.
Dumarku waa kuwo qalbi jilicsan, waxa ayna u baahanyihiin kaliya in la fahmo. Hadaba sidee ku muujin kartaa jaceylka xaaskaaga?
Jawaabta: weey fududahahy: Ninka cuskada xaaska jecel, weligii ma dhaco.
Sida loo muujiyo jaceylka xaaskaaga
Inta aadan guursan xaaskaaga waxaa laga yaabaa in aad ahayd nin romantic ah, waxaad u sameyn jirtid waxyaabo badan oo qalbigeeda soo jiidanayo laakin guurka kadib waad ka hakisay, taasina ma ahan wax qurux badan ee la sameeyo.
Adigoo jaceylka xaaskaaga si fudud ku dareen siin karo ma ahan in aad qalbigeeda ku beerto walaac iyo qalbi jab.
Ha iloobin
Qalbiga waa sida muraayada oo kale, haddii uu jabo wey adag tahay in mar kale dib la isugu keeno. Hadaba si aysan taa u dhicin, xaaskaagana aysan u niyad jebin, waxaan halkaan kuugu diyaarinay sida ugu fudud ee aad u muujin karto jaceylka xaaskaaga.
7 waxyaabood oo aad ku muujiin karto jaceylka xaaskaaga
- Baro rabitaanka jaceylka xaaskaaga
- Amaan xaaskaaga mar walbaa
- La qaado waqti xaaskaaga
- La wadaag erayo macaan
- Muuiji jaceylka Xaaskaaga
- U keen xaaskaaga hadiyad jaceyl oo lama filaan
- Ka caawi xaaskaaga shaqada guriga
1. Baro rabitaanka jaceylka xaaskaaga
Iswydii: Maxay jeceshahay xaaskeyga?
Weligaa ma ka fikirtay dareenka jaceyl ee xaaskaaga qaasatan sida ay dareemeyso, sababta ay subax walbaa u daalan tahay, sababta ay mar walbaa guriga uga maqan tahay, sababta ay 2 ilbiriqsi kasta u hubiso taleefonkeeda gacanta si ay u ogaato in aad fariin u soo dirtay iyo in kale?
Taasi ma ahan in ay tahay xaas howl gab ah, balse waxaa qalbigeeda ku gubanayo hilow ay kuu qabto, waayoo wey kuu xiistay, waxa ayna u baahatahay in aad dareentid.
Marka aad dareentid waxa ay xaaskaaga jeceshahay, waxaa ku fududaanayo muujinta jaceylka xaaskaaga, hadaan si kale u iraahdo soo jiidashada qalbigeeda, Laakin haddii aadan aqoonin waxyaabaha ay xaaskaaga xiiseyso waxaa halis gelayo reerkaaga, maxaa yeelay xaas walbaa waxa ay ku hamineysaa nin fahmi karo waxa qalbigeeda ku jiro.
Haddii aad rabto in aad muujiso jaceylkaaga xaaskaaga, baro maanta waxa qalbigeeda ku keedsan oo ay maalin walbaa dooneyso in ay kuu sarbeebto welina ay ku hamineyso in aad mar uun garan doonto misana aad u sameyn doonto.
Ma waxaad sugeysaa in ay ku tiraahdo: Waxaas iyo waxaas iima sameysid, Heblaayo ninkeeda waxa uu u sameeyaa sidaas iyo sidaas, waxaa tahay nin nuucaas?
Jawaabta macquulka ah: Maya.
Xusuusnow:
Haddii ay mar hadalkaasi ku tiraahdo, sheekadaadu waa dhamaad, kuma lihid qalbigeeda macno badan, wey fududahay in ay iska kaa furto, maxaa yeelay kaama heleyso waxa quruxda badan ee ay jeclaan lahayd in ay adiga kaa hesho.
Hadaba yeelo calaamadahaan oo kale oo baro waxa ay xaaskaaga jeceshahay: Calaamadaha lagu garto ninka xaaskiisa jecel
2. Amaan xaaskaaga mar walbaa
U sheeg in aysan jirin xaas iyada ka fiican
Xaaskeyga oo kale aduunkaan maba laga helayo aakhirose ma ogi? Goormee kugu dambeysay in aad amaanto xaaskaaga? Maalmo ka hor, Bil ka hor, Afar bil ka hor, sanad ka hor, sanado ka hor?
Haddii aad ogaaan lahayd in amaanta dumarka ay tahay waxa kaliya ee qalbigooda ifiya misana ku abuuro dareen waali ah, waxa aad maanta amaani lahayd xaaskaaga kuna dhihi lahayd erayo amaan ah si aad maalinteeda uga dhigto maalinta ugu farxad badan.
Sida loo amaano xaaskaaga waa wax aad u fudud, keliya ku dheh erayo nuucaan ah: Erayo macaan oo qalbiga xaaskaaga soo jiidanayo
3. La qaado waqti xaaskaaga
In aad la qaadato waqti xaaskaaga iyo caruurtaada waxa ay reerkaaga ka dhigeysaa reer farxad badan, waxaa halkaasi ka dhalanayo wada sheekeysi cajiib ah oo qalbiga marnaba ka go’eynin, sheekadaasuna waxa ay adkeyneysaa tiirarka jaceylkiina.
Hadaba sii waqtigaada ugu badan xaaskaaga iyo caruurtaada, maxaa yeelay iyaga ayaa leh mudnaanta koobaad. U wad meelaha lagu damaashaado ama lagu nasto sida xadiiqooyinka, maqaayadaha iwm.
4. La wadaag erayo macaan xaaskaaga

Marka aad la wadaagto xaaskaaga erayo macaan, waxaa sii kordhayo jaceylka ay kuu qabto, waa ay kugu sii waalaneysaa maalinba maalinta ka dambeyso mana u muuqanayo qof aan adiga ahayn, waxa ay sidoo kale baraneysaa kaftankaaga iyo erayadaada macaan, kadibna waxaad arkeysaa iyadoo kuu soo direyso erayada cajiibka ah ee kiciyo dareenka raga.
5. Muuji jaceylka xaaskaaga
Sideedaba nolosha Lamaanaha waxaa saldhig u ah in ay isu muujiyaan Kalgacayl dhab ah iyo naxariis, waxaase nasiib daro ah in lamaane is guursaday ay iloobaan in jaceylku yahay naxariis iyo isu muujin. Ogoowna Jaceylka iyo naxariista waa furaha guusha ee lamaanaha is qaba.
In la is qadariyo midba midka kale waxa ay reerka ka dhigeysaa reer isu soo dhawaado had iyo jeer, laakin haddii taaasi la waayo waxaa sii kala dheeraanayo qalbiyadiina. Sidaa darteed marka ay wax kaa codsato xaaskaaga, isku day in aad u sameyso, haddii aad awoodo, adigoonan hadal kale ka gelin.
6. U keen xaaskaaga hadiyad jaceyl oo lama filaan
Hadiyadani waa hadiyad kaaga timid qalbigeyga
In aad xaaskaaga u keento hadiyad waa wax qurux badan, waxaase ka sii qurux badan marka ay tahay lama filaan. Haddii ay jiraan waxyaabo ay xiiseyso, uga dhig si kedis ah una keen mar aysan filaneynin, maxaa yeelay taasi waxa ay sii kordhineysaa jaceylka xaaskaaga.
7. Ka caawi xaaskaaga shaqada guriga
Noqo nin romantic ah oo jecel xaaskiisa
Waxaa inta badan maqalnaa raga Soomaalida ma ahan rag romantic ah, raga Soomaalida ma ahan kuwo xaasaskooda u naxariisto, si aad taasi u diido kana dhiidhiiso ka caawi xaaskaaga shaqada guriga, waxaan hubaa in ay ku farxi doonto, jaceylka ay kuu qabtana sii kordhi doono.
Qoraa: Mustafa Mmj