Kasbashada qalbiga ninka, sameey sidaan si aad u soo jiidato ninkaaga, Inaad barato hanashada qalbiga ninka ma ahan sida cilmiga nukleyrka, waa wax fudud – Cishqi.

Aan isweydiino marka hore: waa maxay kasbashada qalbiga ninka? Sidee ku soo jiidan karaa ninkeyga? Jawaabtu: Weey fududahay. Kasbashada qalbiga ninka ayaa waxay u baahan tahay kaliya inaad sameeyso waxyaabahaan soo socdo. Marka aad sameysto intaa waxaad arkeysaa asigoo kugu waalanayo.
Qish: Halkaan waxaan ku diyaarinay qormo xiiso leh oo ay akhristayaasheenu u riyaaqeyn, adigana waad u riyaaqi doontaa: Baro waxyaabaha dareenka raga kiciyo
Kasbashada Qalbiga Ninka
Gabdhaha inta badan weey ku adag tahay kasbashada ninka halka kuwo qaar ay yihiin khabiir ku takhasusay.
Markaad weydiiso gabdhaha ay ku adag tahay kasbashada qalbiga ninka waxa ay marmarsi ka dhigtaan erayadaan:
Alla ninkeyga waan ka xishoonayaaa
Alla ninkeyga waxaas ma dhihi karo
Alla waxaasi waa ceeb iyo balaa balaaa
Ogow nimanka ma jeclo dumarka nuucaas ah, hadalkeyga meel ku qoro.
Waa tee ninka xaaska uu jecelyahay?
- Xaliimo 5 Star ah oo isku kalsoon
- Xaliimo guriga atariisho ka ah
- Xaliimo taqaaano waxa uu ninkeeda jecelyahay
- Xaliimo Romantic Ah
- Xaliimo la socoto sanadka la maraayo 2021
Ilaahey SWT wuxuu labada qofood ee isqaba ka yeelay xiriir joogto ah oo ay tahay lagama maarmaan.
Ilaahey wuxuu sidoo kale ka yeelay labada qofood ee isqaba in midba midka kale uu ka fikiro sidii uu u soo jiidan lahaa kan kale, kana taxadiro qalbiga qofka kale.
Waajibaadka Labada Qof Ninka Iyo Naagta
- In ay is caawiyaan oo qofba qofka kale, dhibtana wadaagaan
- In ay isdhahaan erayo macaan
- In ay is marxabeyaan oo ay is dhunkadaan
- In ay isu hadiyadeeyaan sida hadiyado romantic ah

Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka ayaa waxaa la weydiiyay: Maxaad jeclaan lahayd in ninkaaaga uu kuu sameeyo hadda?
Waxa ay ku jawaabtay: In ninkeyga markale ishukaansado oo iguursado, taasoo ay ula jeeday in aysan jirin wax ka qurux badan markii ay is shukaansanayeen oo ay isguursanayeen.
Taasi waxaad ka garan kartaa in noloshu aysan ahayn waan ku arkay, waan ku caashaay, waana ku guursanayaa.
Ogow guurku waa nolol, noloshuna waa farxad, farxaduna waa jaceyl, haduusan jaceyl jirin nolol ma jirto.
Gabdho fara badan ayaa waxa ay ku noolyihiin nolol aanan farxad laheyn, ixtiraam aanan jirin iskaba daa jaceyl, taasina ma ahan wax qurux badan.
Waxaa laga yaabaa in ay jeclaan lahaayeen in nimankooda la qaataan waqti qurux badan sida in ay Tv isla daawaadaan, banaanka isla aadaan, isla soo casheeyaan, habeen qurux badan isla qaataan laakin ma dhacdo.
Sidee gabadhu ku kasban kartaa qalbiga ninka?
Ilaahay SWT wuxuu ka yeelay labada qof ee isqaba xiriirkooda xiriir muqadas ah oo karaameysan, mid walba wuxuu ka fakarayaa siduu usoo kasban lahaa kan kale una ilaalin lahaa dareenka qofka kale.
Labada qof markeey is guursadaan ma ahan macnaheedu in sheekadu ay intaas ku dhamaatay, laakin waxaa loo baahanyahay in mid walba ku dadaalo siduu u kasban lahaa kan kale. Kasbashada waxay noqon kartaa tusaale:
Hadal macaan, dhunkasho, hadiyado, is caawin , markuu mid heysto dhib inuu kan kale isku dayo inuu ka fududeeyo.
15 waxyaabood oo kuu sahlayo kasbashada qalbiga ninka

1. Markuu ninkaagu soo galayo guriga ku qaabil dhar qurux badan, cadar udgoon, dhoola cadeeyn iyo qalbi furan, xataa haduu soo daaho.
2. Markuu soo galayo guriga, ha ahaadeen caruurtu kuwa qurux badan oo farxad galisa, caruurtana ku rabbee ineey soo dhaweeyaan aabahood mar walbaa oo uu soo galayo.
3. Maalin kasta warayso ninkaaga oo la shekeyso waxaad ka wareysataa tusaale ahaan shaqada wuxuu kala soo kulmay maanta IWM, Hadalkana is weydaarsada si aan ku jirin muran iyo madax adeyg sida mustaqbalka waxaad rabtaan, ama waxa idinku soo kordhay.
4. Markuu meel ka soo laabto shaqada, suuqa, masaajidka, safar ama meel kale inaad tustid inaad u xiistay intuu kaa maqnaa, sida inaad ku dhahdo: waxay ila ahayd intaad iga maqneyd sanado ama illeen gurigu wuxuu la iftiimay adaa yimid IWM.
5. Yuusan kaa dareemin inaad dhibsanayso haduu wax kuu dirsado.
6. Mararka qaarkood u samee waxyaalo filanwaa ah tusaale: Inaad u labisato si uusan waligii kugu arkin, oo hakuu maleeyo mid xalfad u socota.

Isagoo labisanaya jeebkiisa ugali warqad aad ku qortay sida: waligay cid uma jeclaan sidaan ku jeclahay iyo waan kuu soo xiisi ee isoo dhakhso si uu usoo saaro markuu maqanyahay warqada.
Email haduu leeyahay ugu dir fariimo jaceyl ah. Inaad sameyso casho macaan, una diyaariso hab sidii hore ka duwan, tusaale: inaad miiska ku sharaxdo ubax, mushamac IWM.
Inaad hadiyad u keento ciidaha ama munaasabad goonida ah sida haduu shaqo helo oo kale, markaas uu dareemo inaad la wadaagto farxadda.
Qish: Waxyaabaha uu ninkaaga kugu nici karo
7. Waxaad isku daydaa inaadan ninkaaga ka hor seexanin habeenkii, marmar daruuri ah maahine oo aad daalantahay, ama aad rabtid inaad shaqo, iskuulka iyo wax lamid ah.
8. Isku day inaad ninkaaga utoosiso sida salaadda subax, salaatu leylka iyo wax lamid ah, sababna ha u noqonin ninkaagu inuu ka caajiso cibaadadiisa iyo waajibaadka kale ee saaran.
9. Ninkaaga waxaad ka dhigtaa mid firfircoon oo aan aheyn caajislow.
10. Ha soomin soon sunne ah ninkaaga oon ogeyn ( sida ku soo aroortay ee ay sheegtay sunnadu )
11. Markasta oo aad wanaag u sameyso ninkaaga, waxaad ogaataa inaad Illaahay agtiisa ajar kaga heleysid.
12. Ha faafinin ceebaha ninkaga, ee isku day inaad qariso.
13. Sirta adiga iyo ninkaaga iyo tan reerkaba ha faafinin ( ku fakar in hadaad fidiso sirtiina, dadka kugu sheekeystaan si ay shaaha kuugu cabaan, waxaadna ogaataa iney maanta amanadii dayacantay oo qofkaad aamin is dhahdo oo aad u sheegato sirtaada aad ka maqleyso bari iyada oo magaalada kaaga horeysa oo ay dadku ku sheekeysanayaan!
14. Codkaaga kor haa uqaadin markuu kula joogo khaas ahaan.
15. Isku day inaad xiriiriso, kana soo dhaweysato dadka kale, dadka uu jecelyahay sida waalidkiisa, walaalihiis iyo saaxiibadiis.
Qish: Haddii aad qabto su’aalo kale oo ku saabsan raga ama ninka waxaad aragtidaada ama su’aashaada kaaga jawaabayo qoreyaasheena gaar ahaan kuwa gabdhaha ah. Kaliya waxaad ubaahantahay in aad halkaan iska diiwaangeliso kuna dirto su’aashaada.
Ugu dambeys
Waxaa jiro waxyaabo kale oo ku saabsan kashbashada qalbiga ninka iyo sida aad ninkaaga ku soo jiidan karto laakin waxaan kaga hadli doonaa qormooyinka xiga. Haddii aad rabto inaad ka mid noqoto akhristayaashaasi, fadlan halka hoose iska diiwaan geli oo geli emailkaaga.
Qoraa: C/Qaadir Dj