Khadar iyo Fartuun Xarrago: Sheeko xiiso leh

Xarrago iyo Khadar: Sheeko xiiso leh, Khadar waa wiil yar oo 22 sano jir ah. Khadar wuxuu ku dhashay magaalada Garowe ee caasimada Puntland, laakin wuxuu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir.

xarrago, khadar,

Khadar wuxuu ahaa wiil aad u dhib badan ilaa yaraantiisa, wuxuuna ahaa wiil gabdhaha aad u soo jiito misana jaceyl xad dhaaf ah ku abuuro. Marka uu danahiisa ka gaaro wuxuu dhihi jiray iska bax, gabdhaha nuucaaga ah kama helo.

Khadar wuxuu ku noolaa nolol aad u qatar badan, wuxuu cabi jiray sigaarka, jaadka iyo xashiishka.

Wuxuu ku tuman jiray gabdhaha mana cafin jirin miduu arko, wuxuu ahaa mid jaanis gaad ah. Ilaa uu hadafkiisa ka gaaro kama uusan hari jirin, wuxuu isku dayi jiray in uu mar uun soo xero geliyo qoftuu damco.

Khadar waxa uu maalin helay gabar la yiraahdo Deeqo oo sidoo kale xaafada looga yaqiinay Xarrago, waxay arday ka ahayd Jaamacada Muqdisho.

Fartuun Xarrago aqoon uma aysan lahayn Khadar marka laga reebo wiil isaga saaxbikiisa oo telfoonkeeda siiyay. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Khadar wacay Fartuun Xarrago, weyna ka qabatay, sii wanaagsan beey uu sheekeesteen, weeyna soo dhaweysay.Khadar waxa uu sameyn jiray, gabdhaha intaa uu sidaan oo kale ula hadlo ayuu meel ku balamin jiray kadibna xumaan ku sameyn jiray. Lakinse gabadhaan waxey ahayd gabar dhowrsoon, oo jamacad dhigato, weyna ka diiday oo waxey ku tiri: maya ima arki kartid, haddii aad jeceshahay teleefoonka uun baan ka sheekeysaneynaa weligeen.

Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh

Khadar wuxuu yiri “Haye” wax dhib ah malahan haddii aadba intaas ii ogolaaneyso. Waxaan ahay qof samir badan waana igu waajib in aan sameeyo waxa rabitaankaaga ah.

Fartuun Xarrago lacag badan beey telfoonka kaga dhameeysay Khadar maalin waalbaana waa ay u

sheekeysaa laakin ma ogolo  in uu la kulmo oo taas horeeyba ugu sii sheegtay.

Khadar mrkuu akray in sheekadu ay halkaa mareyso ayuu wuxuu keenay fikrad kale wuxuuna Markii danbe ku yiri: Waxaan rabaa inaa ku guursado, ma ihi qof ku xumeynayo diyaarna uma ihi taas.

Si aan kuu qanciyo xittaa waxaan soo iibiyay alaabta jiifka ee aan ku aqal gali lahayn. Hadaba guriga aan ku diyaariyay iyo alaabtaa aan soo iibiyaay kaalay soo arag, haddii aad beenteey moodeesid. Walahil Cadiim inaanan xumaan rabin, aad baan kaaga helay  waxaana rabaa in aan ku guursado gurigana soo arag.

Khadar waxa uu hadal wadaba, gabadhii weey soo jilicday, weyna ka yeeshay in ay guriga soo aragto.

Sida loo soo jiito gabadha aad jeceshahay

Fartuun Xarrago waxa ay subax kasta aadaa jaamacada, waxaana subixii sii qaado, duhurkiina soo celiyo aabaheyd, aabaheydna waa mid aad u kulkul. Subaxdii markii uu aabahayd u qaaday oo uu jaamacada hor keenay sida caadada ahayd, ayuu iska laabtay. Markeey ogaatay in aabahayd baxay ayey wiilki Khadar ahaa wacday oo ay ku tiri jaamacada horteeda igu imaaw.

Khadar isagooo cararayo ayuu meeshii ugu yimid wuuna ka xeeyay waxa uu wadaba, waxaa la gaaray gurigii uu lahaa adigaa iska leh. Waxa uuna ku yiri, waa kanaa adigaa iska leh gurigaan. Gurigii ayey horay u sii gashay, aad beyna uga heshay guriga.

Waxey ku tiri,

Haraad baa ihayo ee Khadarow biyo ama cabitaan isoo qabo, wuxuun ku yiri cabitaan ma yaalo laakinse waan inoo soo iibinayaaye guriga sii yara joog. Haye ayey ku tiri, waxeyna u raacisay, soo dhaqso, aabahay waqtiguu isoo doonayey baa soo dhaw. Gurigii ayuu kor ugu qofulay wuuna baxay. Baabuurkiisii ayuu ka xeeystay xoowli ayuu uu waday, isagoo xowli kuwado ayaa traffikadii qabatay, weeeyna kaa xeeyeen, baabuurkiii baa lagu riday kadibna waana la xiray. furuhii asaga ayaa wato gabadhiina gurigii ayay ku jirtaaa.

Mid Khadar sxbkiiis ah oo asagana furaha guriga heesto, asagana gabdhaha soo ugaarsada oo guriga keensado ayuu teleefoon u diray, waxa uu ku yiri saaxib gabar aan soo kaxeeyey oo sidaa iyo sidaa ah baa guriga joogto, cabitaan ayaan doonay, anigoo gaariga xowli kuwado ayey tarafikadii i qabatay. Aniganaa waa leey xiray iyadana aabaheed ayaa uu imaan rabee jaamacad ayaay aadeeysaa ee orodoo ka fur albaabka.

Sheekooyin Qosol Badan Oo Aan Caadi Ahayn

Waa isa soo daayaay, Baashi ayaa laa dhahaa wiilka, gabadhii markuu ka furay albaabka, waba walaalshiis Gabadha oo saxiibkiisa guriga ku xirtay. Wiilkii wuu naxay, ayadiina wey naxday, markaas ayuu ku yiri maa sidaan  ayaad keentay, sharafta qoyska  ayaa meel ugu dhacday, sharafteeydii ayaa ku ciyaartay. Meeshina ku dilay gabadhii walaashis ahayd.Ogoow haddii aad gabdhaha kale xumeyso in adigana walaashaa la xumeynayo.

Qoraa: Sabiriin Sabnaa

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »