Waxaa laga yaabaa inaad maanta Cishqi dareemeyso oo aad jeclaan lahayd akhrinta heeso qoraal ah gaar ahaan heesaaha fanaanada Khadro Cumar Dhuule.

Dartaadaan u oomoo,
Dadkaygii u diideee,
Dunnidii ku seegee.
Khadro Cumar Dhuule Heeso Qoraal ah Oo xul ah
Sida aad boggeen cishqi.com uga barateen arimaha jacaylka iyo guurka maanta waxaan rabnaa inaan idinla wadaagno heeesaha fanaanada caanka ah ee Khadro Cumar Dhuule gaar ahaan kuwooda xulka ah.
Khadro Cumar Dhuule iyo qoyskeedaba waxay hibo u leeyihiin fanka Soomaaliyeed Waxayna caan ku yihiin heesaha macaan ee jaceylka ah. Khadro oo ah gabadha oo uu dhalay fanaanka weyn ee Cumar Dhuule Cali (Cumar Mahdi) AUN oo ahaa fanaan aad loo jecelyahay maantana booskiisa waxaa badalay caruurtiisa.
Fanaan Dhuule wuxuu caan ku ahaa heeshaa qaaciga, garaacida kabanka gaar ahaaan nuucyada loo yaqaano „Cuudka” Saarida laxanka, abuurista halabuur, sameynta shekooyinka iyo majaajilada. Habeynta ruwaayadaha iyo guud ahaan ka qeyb qaadashada Fanka Soomaaliyeed.
Cumar Dhuule Cali wuxuu kamid ahaa fanaaniintii dalka ka baxay markii uu dalka galay dagaaladii sokeeye. Waxa uu iska degay wadanka Suuriya kadibna waxa uu u soo gudbay wadanka Iswisarland gaar ahaan magaalada Jenefa.
Nolosha iyo jaceylka

Noloshu waxay unkataa meel jacayl ka jiro, meel nacayb ka jirana nolol kama jirto. Haddii aad dareemeyso maanta jaceyl jaceyl misana aad jeclaan lahayd inaad qalbiga degsato waxaan kuu diyaarinay heesaha macaan ee fanaanada caanka ah Khadro Cumar Dhuule.
Mararka qaar waxaa suurto gal ah iney kaa bateen dhageysiga heesha codka ah islamarkaana aad u baahantahay nasiino iyo jawi macaan. Markaad rabto inaad maskaxda degsato waxaa fiican inaad ka dheeraato meelaha buuqa ah misana aad wax iska akhrisato.
Qofka markuu wax akhirnayo waxaa fiican inuu fahansanyahay faaiidada ay akhrintu leedahay. Dad badani waxba ma akhriyaan waana sababta keeneyso in qofka IQ giisa uu yaraado.

Ka faaiideyso maskaxdaada oo badi akhrinta, tusaale ahaan waxa aad xiiseyneyso. Haddii aad jeceshahay inaad dhageysato heeso Sida heesaha Khadro Cumar Dhuule waxaa fiican inad ku darto heeso qoraal ah. Haddii aad sidoo kale xiiseyso arimaha jaceylka, guurka waxaad kamid noqon kartaa akhristayaasheena ku xiran boggeena cishqi.net kuwaaso wax badan kaga faaiido.
Mid kamid ah Qormooyinka xiisaha leh ee ay akhristayaasheenu u riyaaqeen: Sida lagu garto jaceylka dhabta ah
Dad badan markeey xoogaa wax akhriyaan durbaba waxay dareemaan daal iyo caajis. sabab?
Sababtu wax kale ma ahan ee waxa uu akhrinayo ayuusan xiiso u heynin mana fahansano sababta uu akhrinayo waxaani. Markaad maalinba maalinta ka dambeyso aad wax akhriso waxaa kuu suurto galayo in ay maskaxdaada la qabsato akhirnta. Waxaana kobcayaa maskaxdaa (IQ).

Xul 1. Khadro Cumar Dhuule: Heestii Dood Oo Qoraal Ah
Dood kulma wadi karo
Daacad baan ahaayoo
Daarteydaan dhax joogee
Dulmi baad igu haysee
Dambi baad iga qaadee
Dood kulma wadi karo
Daacad baan ahaayoo
Daarteydaan dhax joogee
Dulmi baad igu haysee
Dambi baad iga qaadee
Dookheyga doqonkee
Kaa doortay dunidee
Adba ima daryeeshidee
Maxaan kugu daalaa
Dookheyga doqonkee
Kaa doortay dunidee
Adba ima daryeeshidee
Maxaan kugu daalaa
Daawo kaama doonee
Duurkaad igu daysayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahyee
Daawo kaama doonee
Duurkaad igu daysayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahayee
Dood kulama wadi karo
Dood dood kulama wadi karo
Dartaadaan u oomoo
Dadkaygii u diideee
Dunnidii ku seegee
Danba iima haysidee
Dartaadaan u oomoo
Dadkaygii u diideee
Dunnidii ku seegee
Danba iima haysidee
Dab aan ani ku joogaa
Waligii dam’ee noo
Laygu daaray kaligey
Dagaal igu hayee
Dab aan ani ku joogaa
Waligii dam’ee noo
Laygu daaray kaligey
Dagaal igu hayee
Daawo kaama doonee
Duurkaad igu daysayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahaye
Daawo kaama doonee
Duurkaad igu daysayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahayee
Dugaagaan la daris ahaye
La daris ahayee
Xul 2. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Kalgacaylku Waa Gobe Oo Qoraal ah
Kalgaceylku waa gobee
Wadnahaaga goor horee
Mar haduu ka gaagaxay
Oon gobooy kugu harin
Aniga keyga kamaa gudhin
Mana aha mig guuree
Geedkaa malaha weeyaan
Adigiyoo garaadkaa
Nabsi iyo go’aankii
Siduu aniga ii galay
Ama la iigu guud furay
Ma gam’o daraadaa
Hurdo weeyga guurtey
Waa adigii garkaygiyoo
Gundahayga haystee
Marse hadaan gunuunacay
Gaba danaada ha ii dhigin
Adigiyoo garaadkaa
Nabsi iyooo go’aankii
Adigiyoo garaadkaa
Nabsi iyooo go’aankii
Nabsi iyooo go’aankii
Nabsi iyooo go’aankii
Xul 3. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Uroonaw Naftaydiyo Oo Qoraal ah
Uroonaw naftaydiyoo
Ka roonaw raggoo idil
Rabi ha isku keen simo
Runtii adigaa I horjoogo
Dartaa hurdada ma lado, oo
Rafaad baan jaceyl la maray
Ka reeb baan nafteydu idhi
Rugtii caashaqay u ooydaye
Aroos loo riday rabtaa
Riyaaqqow waaan rumeystee
Raggana adaa iiga muuqdee
Rabi raaliyaa ku idhi
Reerkeygu weey rabaan
Inaan raaxo aan galnee
Caruurteena dheeliyaan
Run iyo been kala rug weeyee
Rafaad badan nooma roonee
Rumee caashaqeena reemaa
Reexaantii nafteydiyoo
Leedha ani aan raboodaba
Xagaagay ka soo rogtaa
Ha raac-raacin duul kale
Raadinaaya reer dumee
Raadkeena yeey rogin
Riyadu hay noo rumowdee
Rajadu hay noo ahaatee
Siduu Alle nooga yeelee
Xul 4. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Waan Kari Waayay Oo Qoraal Ah
Kaftan baan u mooday jacaylka
Kar-karay intii la doono
Kari waayay!
Waan kari waayay!
Kaskeygaan ku doontay jacaylka
Kibirkiisaan ka reysan la’ahay
Kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan u mooday jacaylka
Kar-karay intii la doono
Kari waayay!
Waan kari waayay!
Kaskeygaan ku doontay jacaylka
Kibirkiisaan ka reysan la’ahay
Kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Kashka iyo laabta ka ooyay
Kali baan ahay
Sahal kale ma haysto
Kari waayay
Waan kari waayay
Taah iyo kuleyl ka dhowr baan lahaa
Kool-kooli kor u qaad baan lahaa
Kari waayay
Waan kari waayay
Kashka iyo laabta ka ooyay
Kali baan ahay
Sahal kale ma haysto
Kari waayay
Waan kari waayay
Taah iyo kuleyl ka dhowr baan lahaa
Kool-kooli kor u qaad baan lahaa
Kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Kobci baan lahaa kalgacaylka
Kaadsiimo u kori baan lahaa
Kari waayay
Waan kari waayay
Kaalay ila kaasho jacaylkaan abowe
Kol uun iga kaafi kan ka kari waayay
Waan kari waayay
Kobci baan lahaa kalgacaylka
Kaadsiimo u kori baan lahaa
Kari waayay
Waan kari waayay
Kaalay ila kaasho jacaylkaan abowe
Kol uun iga kaafi kan ka kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Waan kari waayay
Waan kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Baranba dhadha
Baan lahaa
Baranba dhadha
Baan lahaa
Ba badhaa
Waan kari waayay
Baranba dhadha
Baan lahaa
Baranba dhadha
Baan lahaa
Ba badhaa
Waan kari waayay
Kaftan baan lahaa
Baan lahaa
Alla baan lahaa
Baan lahaa
Hadana kari waayay
Waan kari waayay
Baranba dhadha
Baan lahaa
Baranba dhadha
Baan lahaa
Ba badhaa
Waan kari waayay
Baranba dhadha
Baan lahaa
Baranba dhadha
Baan lahaa
Ba badhaa
Waan kari waayay
Xul 5. Khadro Cumar Dhuule: Heesta Wiilyahow Nadaa Oo Qoraal ah
Wiilyahow nadaa
War hooy nadaa
Warba nooma haysidee
Nadaa war hooy nadaa
Macaana macaanow
Waa adigaan idiidee
Waxba iima soo wadidee
Wacadkaan lahayniyoo
Warankii dhaxdeenaa
Wali dhowrayaa warsanow
Weedhaada wacanbaa
Waxtar ii ahaydoo
Waad iga weecateyee
Wadnaheyga walwalbaa
Waayahaan wareersho
Walaalow ha i waalinee
Macaana macaanow
Waa adigaan idiidee
Waxba iima soo wadidee
Wacadkaan lahayniyoo
Warankii dhaxdeenaa
Wali dhowrayaa warsanow
Weedhaada wacanbaa
Waxtar ii ahaydoo
Waad iga weecateyee
Wadnaheyga walwalbaa
Waayahaan wareersho
Walaalow ha i waalinee
Walwal iyo walbahaar
Wareer iyo walaacbaa
Wadadii sii haayaa
Waali baad iigu wadaaa
Wallee warba iima haysidee
Walwal iyo walbahaar
Wareer iyo walaacbaa
Wadadii sii haayaa
Waali baad iigu wadaaa
Wallee warba iima haysidee
Waxyaraan ku waayaa
Walbahaar la ooyaaa
Wiilyahow kuu warameee
Waqalkaygii baa tahay
Cadow bay nakala waday
Isla weynidaan iga daa
Waaba yaaboo
Waxaa laygu maagee
Warka laygu soo diraye
Maalmahaanba waaye
Waqtigay nakala waday
Yeeynu kala waramay
Waxyaraan ku waayaa
Walbahaar la ooyaaa
Wiilyahow kuu warameee
Waqalkaygii baa tahay
Cadow bay nakala waday
Isla weynidaan iga daa
Waaba yaaboo
Waxa laygu maagee
Waakan laygu soo diraye
Maalmahaanba waayee
Waqitaa nakala waday
Yaa inoo kala waramay
Walwal iyo walbahaar
Wareer iyo walaacbaa
Wadadii sii haayaa
Waali baad iigu wadaaa
Wallee warba iima haysidee
Walwal iyo walbahaar
Wareer iyo walaacbaa
Wadadii sii haayaa
Waali baad iigu wadaaa
Wallee warba iima haysidee
Waanada ma doonee
War kale ma qaatee
Adiga uunbaa ila weyn
Wax kastoo la sheegiyo
Wixii kastoo la ii wado
Kaa dooran mayo weligay
Waagii guduudataba
Warkaagaan ku toosoo
Waayahaa I weerweeraye
Warsamow ha ii wiiqine
Markaan uun wax ila qabo
Weedhaada xun iga daa
Waanada ma doonee
War kale ma qaatee
Adiga uunbaa ila weyn
Wax kastoo la sheegiyo
Wixii kastoo la ii wado
Kaa dooran mayo weligay
Waagii guduudataba
Warkaagaan ku toosoo
Waayahaa I weerweeraye
Warsamow ha ii wiiqine
Markaan uun wax ila qabo
Weedhaada xun iga daa
Walwal iyo walbahaar
Wareer iyo walaacbaa
Wadadii sii haayaa
Waali baad iigu wadaaa
Wallee warba iima haysidee
Walwal iyo walbahaar
Wareer iyo walaacbaa
Wadadii sii haayaa
Waali baad iigu wadaaa
Wallee warba iima haysidee
Wiilyahow nadaa
War hooy nadaa
Warba nooma haysidee
Nadaa war hooy nadaa
Wiilyahow nadaa
War hooy nadaa
Warba nooma haysidee
Nadaa war hooy nadaa
Dhamaad
Heesaha fanaanada codka macaan ee Khadro Cumar dhuule kuma koobno intaan oo kaliya ee waxay jiro heeso kale oo ay qaaday balse kaga hadli doono qeybaha kale ee soo socdo. Haddii aad xiiseyno inaan kula wadaagno heeso kale oo qoraal ah gaar ahaan kuwa jaceylka, halkaan hoose iska diiwaan geli.
#Faafi #Lawadaag #Saaxbidaada #Facebook #Whatsapp
Qoraa: Deeqo Ladan