Lamaanaha is jecel waa kuwo leh calaamadahaan

Maxaa lagu gartaa lamaanaha is jecel ee guulaystay ama kuwa is qaba ee ku nool dhalanteedka? In aad kala garato lamaanaha is jecel iyo kuwa dhalanteedka ah uma adko sida aad umaleyso, maxaa yeelay lamaanaha sida dhabta ah isu jecel waa kuwo ka duwan lamaanaha kale.

lamaanaha is jecel

Sida aan ogsoonnahay jaceylka dhabta ah waa sida ubaxa oo kale, waxa uu u baahanyahay waraabin joogto ah. Sidoo kale waa sida ubad dhalaan ah oo kale, waxa uu u baahanyahay in la koolkooliyo, oo uu qofba qofka kale dhankiisa ka daadihiyo. Haddii ay caqabado yimaadaan lamaanaha is jecel iskuma fiirsadaan ee waa kuwa horay ka xaliyo.

Lamaane kastaa waxa uu jecelyahay inuu tanaasulo, maxaa yeelay ma doonayaan inuu waayo jaceylkiisa.

Dhanka kale nolosha lamaanaha is jecel waxaa tiir u ah daacadnimo, waxaa sal u ah ixtiraam, waxayna wadaagaaan calaamadaha soo socdo kuwaaso ah kuwa kamid ah calaamadaha lamaanaha guulaystay.

Lamanaha is jecel waxa ay lamaanaha kale uga duwan yihiin, marka ay kulmaan waa kuwo isu qushuuco, wejiyadoodu waxaa laga dheehan karaa farxad aanan caadi ahayn. Midba midka kale waxa uu xiiseynayaa aragiisa, maqalkiisa, hadaladiisa iyo kaftankiisa. Waa kuwo sheekadu ay isugu baxdo oo marnaba makala caajisaan.

lamaanaha guulaystay

Sidoo kale lamaanaha isku dhiiga ah waxay jecelyihiin in gurigooda uu dhisnaado weligiis, isu dhalaan caruur tayo leh, waqti farxad badan ne l wada qaataan.

Hadal badan haan ma buuxiyee, aan kuu soo koobo hadalka. Maanta waxaan kula wadaageynaa 5 qodob oo muhiim u ah gabadha iyo wiilka is jecel ama guuleystay ee guurka wadaagay, haddaan si kale u iraahdo waa shan kamid ah calaamaha ay wadaagaan lamaanaha is jecel. Haddii aad raacdo qodobadani waxaa uu lamaanahaaga kuu qaadi doonaa jaceyl aan xad lahayn. Marnaba kuma dhiiran doono in uu kaa dheeraado, adiguna waad u riyaaqi doontaa.

Hadaba maxay wadaagaan lamaanaha is jecel?

Lamaanaha is jecel waxaa caado u ah muujinta jaceylka

Qaali ma ogtahay in aan adiga kugu waashay? Waan ku jeclahay waxay kordhisaa dareenka farxadeed ee ay isu qabaan lamaanaha is jecel, waxaa wanaagsan in lamaanaha uu midba midka kale uu ku dhahho maalintii hal mar ugu yaraan. Of course haka badbadin lamanahaaga ama u dheh qaabab kale oo nuucaan ah: Baro sida loo dhaho lamaanahaaga waan ku jeclahay

Waxa ay isa siiyaan kalsooni

Sida kalsoonida loo dhiso wey sahlantahay balse waxaa ka sii sahlan sida loo burburiyo. Sii lamaanahaaga kalsooni dhab ah si ay noloshiina u qurux badnaato. Haka qarin sirtaada, hana qaadan go’aan uusan isaga ama iyada aysan kula ogeyn. Midna xusuusnow: Kalsoonidu waa sida muraayada oo kale, hadey jabto wey adag tahay in dib la isugu soo celceliyo.

Waxa ay isu hadiyadeen hadiyado lama filaan ah

Badanaa lamaanaha ma xusuustaan inay wax isku hadiyeeyaan lkn waa muhiim hadiyada waliba lama filaan laysaga dhigo, kaliya hadiyadihiin yeysan ku ekaan xilligi shukaansiga markaad isguursataan sii wada waliba waa muhiim inaad ogaato waxyaabaha uu qofka jecelyahay. Taas waxay xoojinaysaa inaad wax badan wada jirtaan, gurigiinana uu noqdo guri ku dhisan jacayl dhab ah.

Lamaanaha is jecel waxay wadaagaan shaqda guriga

Wax qurux badan ma ahan in shaqada guriga uu hal qof oo kaliya lagu fiirsado ama lagu sii daayo mar waliba waxaa fiican in aad caawiso lamaanahaaga misana garab istaagto, waxyaabaha qaar aadba adiga ka hor samaysid oo aadan ayada ama isaga sugin.

Samaysta jadwal in howsha guriga uu qof qaybtiisa qabto. Taas waxay dhexdiina ka abuuraysaa jacayl iyo kalsooni aanan xad lahayn, caawi xaaskaaga/sowjkaaga.

Ninka Xaaskiisa Jecel Waa Mid Ka Duwan Raga Kale

Wuxuu midba midka kale ku iraahdaa erayo macaan ah

Xusuusnaaw in ay muhiim tahay in mar waliba xaajigaaga ama xaajiyadaada aad u adeegsato Erayo macaan ah gaar ahaan erayo naxariis badan oo qalbiga taabanayo. Erayo marka aad ku tiraahdo qalbiga lamaanahaaga soo jiidanayo. Fiiro gaar ah, haddii aad qalbi jilcan tahay sida Farxiyo Fiska oo kale, fadlan ha gujin linkigaan, hana isku akhrisan erayadaan tusaalaha ah ee qalbiga dhalaalinayo: Erayo naxariis badan oo qalbiga lamaanahaaga dhalaalinayo

Gunta iyo Gunaadka

Qodabkee isticmaashaa ama si gaar ah kuu soo jiitay? Nala wadaag aragtidaaada.

Haddii aad iskaabulo tahayna, waxaa Gabdho Community ka baran kartaa gabdho iskaabulo ah sida adigoo kale.

Qoraa: Saabiriin Sabnaa – Cishqi-Team

qiso yaab leh, qisooyin yaab leh
Arimaha Jaceylka

Qiso yaab leh: Maal, Guul iyo Jacayl

Qiso yaab leh, waa maxay farqiga u dhexeeyo Maal, Guul iyo Jacayl? Qisadaan ayaa ah qiso yaab leh kana kamid ah qisooyinka ugu cajiibka badan ee ka baxa boggeena Cishqi.com.  Ma ahan qiso yaab leh oo kaliya ee sidoo kale waa qiso cajiib ah oo xikmad leh oo aad wax badan ka baran doonto misana …

Qiso yaab leh: Maal, Guul iyo Jacayl Read More »

erayo jaceyl oo gaaban
Arimaha Jaceylka

Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah

Waxaaad dooneysaa inaad  lamaanahaaga u dirto erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah oo qiiro leh, qalbigana soo jiidanayo, hadaba waxaad joogtaa halka saxda ah. Sida qalbiga lamaanahaaga loo soo jiito ma ahan wax adag, haddii aad adeegsato erayadan dareenka leh ee soo sodo. Waa erayo jaceyl oo gaaban weliba kuwo xul ah …

Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah Read More »

Arimaha Jaceylka

Samirka iyo Dulqaadka badan waxay sababaan sidaan

Faaiidooyinka qofka samirka iyo dulqaadka badan: Ka waran adigoo single ah, haddii laguu guuriyo qofka riyadaada ah, qofka kaliya ee maankaaga ka dhaadhacayo? Waxaa dhihi lahayd wow, waxaan dareemi lahaa amaan iyo farxad aan inaba caadi ahayn. Faaiidada dadka samirka iyo dulqaadka badan intaas kuma eko ee waxaa sii dheer faaiidoyinka soo socdo… Sida ku …

Samirka iyo Dulqaadka badan waxay sababaan sidaan Read More »

Arimaha Caafimaadka

Sida Miisaanka Loo Dhimo 7 Maalmood Gudahood

Sida miisaanka loo dhimo ama loo yareeyo: Maxaa kamid ah waxyaabaha miisaanka yareeya? Suurto gal ma tahay in aan 7 maalmood gudahood aan ku jaro caloosha? Jawaabta macquulka: Haa, laakin waa in aad sameysaa ficiladaan. Sida miisaanka loo dhimo ama loo yareeyo ma ahan wax adag haddii aad raacdo tilmaamahaan soo socdo. Marka aad rabto …

Sida Miisaanka Loo Dhimo 7 Maalmood Gudahood Read More »

Arimaha Jaceylka

Qiso Jaceyl dhab ah misana aad u xanuun badan

Qiso jaceyl dhab ah: Qisadani waa qiso jaceyl oo murugo leh kana mid ah qisooyinka jaceylka ee aan rabno inaan la wadaagno akhristayaasheena. Waa qiso naga soo gaartay gabar Soomaaliyeed oo ku xiran Barnaamijyadayda ka baxa boggeena Cishqi.com. Sidoo kale waa qiso jaceyl ah oo inaba caadi ahayn, waxayna gabadhani jeclaysatay in ay la wadaagto …

Qiso Jaceyl dhab ah misana aad u xanuun badan Read More »

Arimaha Guurka

Raga Guska Weyn Waxay Leeyihiin Astaamo Nuucaan Ah

Astaamaha raga guska weyn leh: Raaxada raga guska weyn leh ayaa ah raaxo aanan caadi ahayn, kana duwan raga guska yar, haddii aad taqaano sida loogu raaxeeyo. Su’aashu waxay tahay waa maxay farqiga u dhexeeyo gus weyn iyo gus yar?  Maxaase lagu gartaa raga guska weynka leh? Jawaabtu waa mid fudud. Astaamaha lagu garto raga …

Raga Guska Weyn Waxay Leeyihiin Astaamo Nuucaan Ah Read More »

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »