Shan kamid ah calaamadaha ninka wax jecel, maxaa lagu gartaa ninka xaaskiisa jecel, muxuu kaga duwan yahay raga kale, Jawaabtu waa mid fudud.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Ninka Xaaskiisa Jecel?
Sida lagu garto ninka xaaskiis jecel ma ahan wax adag, haddii ay xaaska il gaar ah ku fiiriso ninka misana ay ka eegto calaamadahaan.
Dumarka qaar waa kuwo xariif ah, waxa ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ninka iyaga jecel, halka kuwa qaar ay ku adag tahay. Of course xaas walbaa oo Cishqi hayo ama si dhab ah wax u jecel waxa ay xaq u leedahay in ay isweydiiso su’aalahaan si ay u ogaato ninka sida dhabta ah u jecel.
Maxaa Lagu Gartaa Ninka Xaaskiisa Jecel?
Sidee Ku Ogaan Kartaa Xaaska Ninka Iyada Jecel?
Muxuu Kaga Duwan Yahay Raga Kale?
Ma Jiraan Calaamado Lagu Garto Ninka Xaaskiisa Jecel?
5 Kamid Ah Calaamadaha Lagu Garto Ninka Xaaskiisa Jecel
Markaad indhahiisa eegto oo aad arkeyso wax walbaa oo aad u baahantahay, taasi waa calamad kamid ah calaamadaha lagu garto jaceylka dhabta ah.
Shan-taan calaamadood oo aan rabno inaan maanta u qisho gabdhaha Soomaaliyeed gaar ahaan xaasaska doonayo in ay ogaadan ninka xaaskiisa jecel. Hadaba waxaan halkaan ku soo diyaarinay kuwo kamid ah calaamadaha lagu garto ninka xaaskiisa jecel waxaana ka mid ah:
1. Xaaskiisa Waxa Ay U Tahay Shankaroon
Ninka markuu xaaskiisa si dhab ah u jecelyahay waxa ay u tahay shankaroon. Ma xiiseeyo dumarka kale mana geeyo boos sare. Qofka ugu horeeyo ee uu ka fikiro markuu soo kaco waa xaaskiisa.
Qofka ugu dambeeyo ee uu ka fikiro markuu seexanayo waa iyada. Ninka xaaskiisa jecel waxa uu mudnaanta ugu sareyso siiyaa xaaskiisa. Waxa ayna xaaskiisu ugu jirtaa booska ugu horeeyo. Iyada mooyee cid kale ma xiiseeyo.
2. Ninka Xaaskiisa Jecel Caradeeda Weey Gubeysaa
Calaamadani waa calaamad aad u muhiim ah misana kamid ah calaamadaha ninka xaaskiisa jecel lagu garto. Ninka markuu naagtiisa jecelyahay waxaa dhibayo caradeeda.
Marnaba lagama yaabo inuu iska seexdo iyadoo u careysan. Maxaa yeelay caradeeda weey gubeysaa, wuxuu jecelyahay inuu had iyo jeer farxadgeliyo. Wuxuu ku dadaali inuu xaliyo arimaha jira si kastaa oo ay tahay. Ninka xaaskiisa jecel qalbigiisaa u oomanoo, lagu talaalay agteedee, dadkuu ugu jecelyahay.
Qish: sida loo soo jiito ninka
3. Wuxuu Jecelyahay Qoyska Xaaskiisa
Iyada waan jeclahay mana jecli qoyskeeda?? Runtii ma ahan labo is qabato mana ahan ficil qurux badan ee la sameeyo. Sababtoo ah ninka naagtiisa jecel ma qiimeeyo mana ixtiraamo iyada oo kaliya ee sidoo kale wuxuu ixitiraam gaar ah siiyaa qoyskeeda.
Wuxuu had iyo jeer xaaskiisa u soo dhaweeyaa qoyskeeda si aysan marnaba u jarin xiriirkooda. Haddii ay ku dhaqaaqdo ficillo lid ku ah qoyskeeda, wuxuu isku dayaa inuu xaliyo. Maxaa yeelay wuxuu ogsoonyahay in xaaskiisa aysanba farxad heleynin marba haddii ay jarto xiriirka qoyskeeda.
Ninka xaaskiisa jecel kuma eko farxadgelinta qoyskeeda oo kaliya ee sidoo kale wuxuu qoyskiisa uga gudbiyo fariimo qurux badan sida inuu dhaho“ Waxaa idin salaameyso xaaska/xaaskeyga (Heblaayo)“ iwm.
4. Waa Mid U Taagan Rumeynta Riyada Xaaskiisa

Waxa ay leedaahay yool ama hadaf, taasoo ay jeclaan lahayd mar uun in ay aragto ninkeeda oo taas u sameynayo. Waxa ay jeceshahay in ay la jisho sida filimkii Titanic oo kale. Macnaha in ay la dalxiisto ninkeeda lana tagto goobaha gaarka ah ee ay tagaan lamaanaha is jecel.

Markaas oo kale ninka xaaskiis jecel wuxuu u diyaariyaa qunfulka jaceylka si ay ugu xirto buundada kadibna ay biyaha ku xoorto, intaasi kadib wuxuu u raaciyaa xaaskiisa erayo jaceyl oo nuucaan:
Tusaale Erayadaan oo kale
Waxaad igu abuurtay dareen kaasoo la magac baxay Cishqi. Waxaad itustay kalgacayl kaasoo igeliyay farxad. Dhib malahan si kastaa oo ay noloshu u adag tahay. Marnaba kaama dheeraan doono.
Adigu ma tihid xaaskeyga oo kaliya ee sidoo kale waxaa tahay rajada iyo iftiinka ifisa maalmaheyga. Midna xusuusnow: Aduunkaan waxaa ku tahay qof uun laakin aniga waxaa ii tahay aduun oo dhan.
5. Waa Mid Xaaskiisa Yiraahdo Erayo Jaceyl Macaan Ah
Raga inta aysan xaasaskooda guursan waxa ay ku dhahaan erayo jaceyl macaan ah gaar ahaan erayo naxariis badan si ay u soo jiitaan qalbiyadooda.
Dumarka qaar markii la yiraahdo erayadaan soo socdo, waxaa ka lumo jihooyinka, waxa ay isku dareen cusbada iyo sokorta, waxa ay quraac la’aan ku ridaan reerka. Sababtoo ah waxa ay ka fikiraan erayadii macaanaa ee qalbigooda soo jiitay, waxaana hareerahooda heehaabayo xariifkaas qoto-dheerida u leh sida loo soo jiito dumarka.
Erayadaasi waxaa kamid ah erayada aan halkaan ku diyaarinay: Erayo jaceyl 2021
Guurka kadib raga qaar weey isbedelaan laakin ninka xaaskiisa sida dhabta ah u jecel isma bedelo. Wuxuu goor walbaa xaaskiisa ku yiraahdaa erayadii uu horay u dhihi jiray erayo ka sii macaan si uu mar kale qalbigeeda u soo jiito.
Dumarka inta badan markuu ninka qalbigooda soo jiito, waxa ay markale ka codsadaan ninka in uu markale guursado.
Ugu dambeys
Ma soo koobi karno calaamadaha lagu garto ninka naagtiisa jecel. Maxaa yeelay waxaa jiro calaamado kale. Haddii aad xiiseyneyso inaan kula wadaagno qormooyinka kale ee soo socodo, fadlan iska diiwaangeli halkaan hoose. Sidoo kale halkaan hoose waxaan ku diyaarinay qormooyin kale sida:
- Calamaadaha lagu garto wiilka ku jecel
- Ninka xaaskiisa neceb waa nin calaamadahaan leh
- Gabadha ku jecel waa gabar ka duwan gabdhaha kale
Waxaad ka heshay qormadaan cajiibka, si fudud ula wadaag asxaabtaada, adigoo riixayo mid kamid calaamadaaha Social Mediyaha ee halkaan kaaga muuqdo.
Waad ku mahadsantahay booqashadaada iyo taageeradaada!
Qoraa: Mustafa Mmj