Ninka Xaaskiisa Neceb Waa Nin Calaamadahaan Leh

Ninka xaaskiisa neceb waxaa lagu gartaa calaamado badan, marka aad qormadaan akhrisato waxaa kala garan doontaa ninka xaaskiisa neceb iyo kan xaaskiisa jecel.

Hadaba sidee lagu gartaa ninka xaaskiisa neceb? Waa nin nuucee ah ninka xaaskiisa neceb ama nacay?

Jawaabtu waa mid fudud.

ninka xaaskiisa neceb, ninka xaaskiis nacay, ninka ku nacay

Waxaa jiro calaamado badan oo lagu garto ninka xaaskiisa neceb ama nacay, marka ay xaaska ku aragto ninkeeda dhaqamo sidaan ah, wax baa jiro.

Ninka xaaskiisa neceb waa mid ka duwan ninka xaaskiisa jecel. Sababtoo ah wuxuu leeyahay dhaqamo aanan maskaxda xaaska ka dhaadhaceynin.

Ninka xaaskiisa neceb inta uusan xaaskiisa guursan wuxuu ahaa nin kaalay iska arag ah oo soo jiidasho badan misana xaaskiisa farxad geliyo laakin hada maya.

Ka hor guurka xaaskiisa wuxuu ahaa nin aad u naxariis badan, xaaskiisana ka caawiyo wax walbaa oo ay u baahato. Laakin hadda maya. Ninkii wuu isbedelay.

Ma ahan ninkii hore. Wuxuu la soo baxay wejiyo iyo calaamado cusub oo qalbiga xaaskiisa argagax gelinayo.

Waa suurto gal in ay xaaskiisa ay sameeysay qaladaad badan, kuwasoo dhaawacay qalbigiisa. Ama waxaa suurto gal ah in ay xaasku sameysay qaladaad ah, xiliga shukaansiga ka hor guurka, ninku in uu yahay ninkii ay ku riyooneysay ee qalbigeedu doonayay iyo in kale.

Hadaba maxaa lagu gartaa ninka xaaskiisa neceb ama nacay? Ninka markuu xaaskiisa naco ama uu ka xiiso dhigo caado ahaan waxaa lagu arkaa calaamado badan oo muujinayo in uu xaaskiisa nacay. Calaamadahaasi waxaa kamid ah calaamadaha soo socdo.

Xaasku markeey ku aragto calaamadahaan, ninku wuu isbedelay ee ha ogaato. Laakin maxay sameyn kartaa xaaska, haddii ay weli ninkeeda jeceshahay?

Jawaabtu: Waxaan siin karnaa talooyin kuwasoo ay markale ku soo jidan karto ninkeeda.

Calaamadaha lagu garto ninka xaaskiisa neceb

  1. Xaaskiisa neceb kuma dhaho erayo macaan
  2. Xaaskiisa hadalka wuu u soo koobaa
  3. Xaaskiisa ayuu ka haajiraa
  4. Cuntada xaaskiisa dhadhan uma lahan
  5. Xaaskiisa ayuu dumarka kale ku kor amaanaa
  6. Uma sameeyo xaaskiisa waxyaabo kedis ah
  7. Farxad uma muujiyo xaaskiisa
  8. Uma sameeyo xaaskiisa waxyaabo lama filaan ah
  9. Talooyinka Xaaska
  10. Noqo qof isku kalsoon
  11. Adeegso mar walbaa erayo soo jiidasho leh
  12. Raali gali ninkaaga marka aad qalad sameyso
  13. Haka mashquulin ninkaaga
  14. U noqo ninkaaga diirka usha oo kale
  15. Jooji maseerka badan
  16. Qadari ninkaaga
  17. Haku jees jeesin ninkaaga
  18. Gunta iyo Gunaadka

1. Xaaskiisa kuma dhaho erayo macaan

Wadnahaa ku jecel, wehelkiisu tahay, kana weecan maayo in aan adiga ku jeclaado. Maku aragtay erayo macaan qaastan kuwa aan halkaan ku diyaaarinay oo kale: Erayo macaan oo lagu soo jiito xaaska?

Hadda laakin kuma dhaho. Hadaba wax baa jiro.

Ninka inta uusan xaaskisa nicin, waxaa caado ah, adeegsiga erayo macaan ah. Marka uu ninka xaaskiisa naco wuxuu joojiyaa adeegsiga iyo dhihida erayadii macaanaa ee uu dhihi jiray.

Taasna  waa calaamad tusineyso xaaska, isbedelka ninkeeda.

2. Xaaskiisa hadalka wuu u soo koobaa

Ninka xaakiisa neceba ama nacay marka ay xaasku la hadleyso, hadalka wuu u soo koobaa. Marka ay xaasku u dirto qoraalo ama fariimo, dhaqsi uguma soo jawaabo. Haddii uu jawaab u soo dirana, hadalkiisu ma dhaafsiisano erayo kooban.

  • Xaaska: Sidee tahay xabiibi?
  • Ninka: Fiican
  • Xaaska: Casho ayaan ku diyaariyay xabiibi
  • Ninka: Maya waan casheeyay

Intaas waxa ay ka tahay iga aamus. Wuxuu dhibsanayaa hadalada xaaskiisa. Marka ay xaasku su’aalo kale weydiiso, wuxuu ugu jawaabayaa, erayo gaagaaban.

  • Haa
  • Maya

Marka ay wacdo oo ay rabto in ay isaga la hadasho, wuxuu isaga dhigaa in uu yahay mashquul. Tani waa calaamad kale ool lagu garto ninka xaaskiisa neceb.

3. Hoyga xaaskiisa ayuu ka haajiraa

Sida uu saakay u baxay ayuu hadda guriga ku soo laabtay, Weliba iyadoo xaaskiisa xiiseyneyso imaatinkiisana misana ay ku faraxsan tahay. Marka uu qubeysto kadib ama uu yara nasto, wuxuu xaaska ku oranayaa. Waan baxayaa. Guriga wax badan ma joogi karo.

  • Magaalka ayaan aadayaa
  • Asxaab ayaan la balansanahay
  • Banooni ayaan ciyaarayaa iwm

Marka ay xaasku tiraaho macaane, hadda lee imaaday, maad yara nasatid?

Wuxuu ninku ku jawaabayaa: Maya maya waqti ma haayo.

Waxa ay xaasku isku dayeysaa in ay yara celiso, maxaa yeelay waxa ay u baahantahay la joogistiisa. Waxa ay sameyneysaa xaasku in ay ku dhegdhegto, kadibna wuxuu ku oranayaa: Iga fuq hee nooh, waan kuu sheegay in aan baxayo, weliba si caro leh.

Xaasku weey yara fasaxeysaa, iyadoo dulqaad iyo sabar fara badan muujineyso. Inkastoo ay jeclaan lahayd la joogistiisa, in ay laabtiisa ku jirto, timaheeda isaga ciyaaro laakin ma fahmayo taasi. Haddii uu fahansan yahayna dan kama lahan.

Qish: Baro sida loo kasbado qalbiga ninka

4. Cuntada xaaskiisa dhadhan uma lahan

Ninka xaaskiisa nacay in uu dhaho magaalka ayaan ka soo casheeyay, waxaa u sii dheer. Marka ay xaasku cunto u keento in cuntadeeda ku hor yiraahdo: waxaan cunto ma ahan. Cusbadaa ku badan, dhadhan malahan iwm.

Tani xaasku waxa ay u tahay niyad jab. Waxa ay maanta oo dhan waqti gelineysay ayaa waxaa laga dhigay waxa ugu liito. Waxa ay xaasku rajeyneysay in ninkeedu uu ka heli doono, kuna amaani doono. Laakin ma dhicin. Iska daa in uu xaaskiisa taa ku amaano, kuna dhaho waad ku mahadsantahay qaali in aad i sharaftay ee xittaa wuu ku bahdilayaa.

Dabcan sidaasi dumarka ma jeclo. Dumar fara badan in ninka nuucaas ah ay la noolaadaan waxa ay ka doorbidaan in ay garoobeeyaan.

Laakin anaga talo ahaan waxaan dumarka dhihi lahayn, iska xaqiijiya ninka inta aadan guursan. Halkaan waxaan ku diyaarinay sida uu qofka isaga xaqiijin karo qofka uu guursanayo.

Riix halkaan oo ka akhriso: Guurka ka hor iska xaqiiji

5. Xaaskiisa ayuu dumarka kale ku kor amaanaa

Ninka marka uu xaaskiisa dumar kala ama naag kale ku kor amaano, waxa ay ka dhigan tahay mid uun.

Waad u jeedaa in aanan dan kale kaa lahayn, mar lee maad i dhahdid oo ifur i dhahdid. Xaasaska qaar waa kuwo samir fara badan leh, iyagoo sidaas lagu sameeynayo, ayeey hadana nimankoodu u dulqaataan. Laakin su’aashu waxa ay tahay:

Ilaa goormee ayeey xaasku u dul qaadan karaa nin nuucaas ah in ay la noolaato?

Ma murugo ayeey soo doontay misa waxa ay rabtay in ay ninkeeda kula noolaato nolol farxada leh oo ku saleysan jaceylka dhabta ah.

Si kastaba ha noqotee samirku waa muhiim, xaas walbaana iyada ayaa go’aanka iska leh. Haddii ay xaasku qalbiyan aysan dareemeynin waxaa fiican in ay ALLE talo saarato. Ma jiro qof u dulqaadan karo nolol cariiri ah oo aan isbedel lahayn.

Of course anagu kuma dhaheyno iska fur ninkaaga, laakin waa muhiim in aad kala hadasho sida aad qalbiga ka dareemeyso iyo in uu sameeyo  wax isbedel.

6. Xaaskiisa ma qadariyo

Qadarintu waxa ay qoyska ug jirtaa baalasha koowaad. Guri aan is qadarin ka jirin waxaa dhaamo guri la’aan.

Sabab?

Sababtoo ah, qof walbaa wuxuu jecelyahay in la qadariyo, gurigana wuxuu ku dhisan yahay isqadarin.

Ninku waxa uu jecelyahay in ay naagtiisu qadariso, hadaladiisa wax ka soo qaado, talo la wadaago, amaradiisa  u hogaansanto laakin isagu taa diyaar uma ahan.

Marka ay xaasku ku aragto dabeecado nuucas, ninkaasi ma ahan nin xaaskiis si dhab ah u jecel waxna kama yaqaano Jaceylka dhabta ah. Waxaana laga yaaba in uu yahay fursad suge. Mar ay xaasku ku dhahdo laba eray oo falcelin ah.

7. Farxad uma muujiyo xaaskiisa

Erayga la yirhaado jaceyl sidiisaba waa farxad, waa wax rabaani ah oo aan laga maarmeynin. Inaad heysato jaceyl salkiisu yahay farxad waa waxa ugu quruxda baan ee la helo. Sidoo kale waa waxa ugu wanaagsan ee la sameeyo, waana waxa ugu farxada badan ee la isu hadiyadeeyo.

Laakin ninka xaaskiisa neceb farxad uma muujiyo xaaskiisa. Waxa ay xaasku ka weyneysaa wax farxad ah, taasoo ka dhigan in uu nacay ama uusan dani iyo heelo ka laheyn.

Jaceylku inta aan la is guursan waa wax aan caadi ahayn oo hawada babanayo laakin guurka kadib inta badan maya.

Dhibaatadu waxa ay tahay guurka kadib lamaanuhu inta badan kuma dhaqmaan ficilada looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan lamaanaha, iyadoo qof walbaana taa rajeynayo.

Markii la is guursanayay jaceylku ma ahayn mid daacadnimo iyo muxibo kalgacayl ku dheehan tahay ee wuxuu ahaa mid shahwadeed oo kaliya.

Ninka inta uusaan gabadha guursan waxa uu u koolkooliyaa sida boqorad oo kale, waxa uu soo jiitaa qalbigeeda, waxa uu ku abuuraa jaceyl waali ah iyaduna si fudud ayuu dhulka ula wareegaa, iyadoo aan taa xaqiijin.Isma weydiineyso waxa taa ka dambeyso iyo sida ay noqon karto guurka kadib.

Taasi waxa ay noqon kartaa caqabad weyn oo xaaska ku timaado.

8. Uma sameeyo xaaskiisa waxyaabo lama filaan ah

hadiyad jaceyl, hadyad jaceyl

Ninka xaaskiisa neceb ama nacay uma sameeyo xaaskiisa wax la yiraahdo lama filaan. Sida inta badan la ogsoonyahay dumarka ayaa caado ahaan, waxa ay ka helaan waxyabaaha lama filaanka ah..

Haddii aan si kale u macneeyo jacayl lama filaan ah. Wax si kedis ah u dhacayo. Aan sii yara jilciyo, nin romantic ah oo raga kale wax badan dheer. Kaas ayaa ah ninka ay dumar fara badani maskaxdoodu ka guuxayo. Laakin ninka nuucaasi ah sida lagu helo aad ayeey u adag tahay, naagtii heshaana maba sii deyneyso.

Ninka nuucaas ah m ahan nin lacag leh, nin qurux badan mana ahan nin laandheere ah. Waa uun nin iska caadi ah oo raga ku dhex jiro.

9. Talooyinka Xaaska

Waxaan soo gaarnay gebagebada qormadeena. Waxaan rabnaa in aan ku siino talooyin, kuwaasoo haddii aad ku dhaqaaqdo wax badan noloshaada ka bedeli doono insh ALLAH.

Talada 1-aad waxa ay tahay:

10. Noqo qof isku kalsoon

Maxaan ula jeedaa taas? Aduunkaan aan hadda joogno qofku markuu qalbi fiican leeyahay waa doqon. Macnaha dadka sidaas ayeey u fahmayaan. Ninkuna dadkaas uun buu ka mid yahay.

Ninku wuxuu jecelyahay in uu nolosha la wadaago naag ama xaas isku kalsoon, naag qirsan in ay tahay naagta ugu quruxda badan, ugu dabeecada wanaagsan uguna akhlaaqda fiican. Dabacan qof fildaren ma jiro. Hadba qofku waa sida uu iska dhigo.

Marka aad adigu isqadariso, ayuu ninkuna ku qadarin. Marka aad  adigu qiimo isu yeesho, ayuu ninkaaguna qiimo kuu yeelayaa. Laakin marka aad adigu isliido ama aad muujiso jilicsanaan, nasiib daro ninku wuu ku liidayaa.

Ma ahan in ninkaaaga oo kaliya ku liidayo ee xittaa waxaa ku liidayo dadkoo idil.

Sidaa darteed isqadari, oo adiga marka hore isa sharaf, si ay dadkuna kuu sharfaan oo uu ninkaagu ka mid yahay.

11. Adeegso mar walbaa erayo soo jiidasho leh

Marka aad adeegsato erayo soo jiidasho leh, kaama dhigayaan erayadaas, qof soo jiidasho leh oo kaliya ee sidoo kale waxaad ninkaaga xagiisa ka noqoneysaa qof hal abuur leh. Waana sababta ay ragu ugu waashaan dumarka hal abuurka leh.

Goorta aad u dirto erayo soo jiidasho leh gaar ahaan erayadaan oo kale:

Ma hubo sababta aad ii dooratay, laakinse waxaan dareemayaa in aan ahay qofka dunida ugu nasiibka badan. Waxaana rajeynayaa in aan ku noolaado qaab cadeynayo inaan mudahanahay sharaftaan.

Cishqi.com

Marka aad u dirto erayo nuucaas ah, waxaad arki doontaa isagoo kugu waalanayo. Haddii aad rabto erayo nuucaas ah waxaan kuugu diyaarinay, halkaan ka akhriso: Erayo soo jiidanayo ninka qalbigiisa

Waxaa jiro erayo kale oo ay raggu jecelyihiin kuwaasoo loo adeegsado kicinta dareenkooda, maadaama ay ragu inta badan dhanka iyo sariirta ay aad ugu waalan yihiin.

Erayadaasi waxaa kamid ah erayadaan: Erayada raga ay jecelyihiin

12. Raali gali ninkaaga marka aad qalad sameyso

Inaad raali galiso ninkaaga waa wax aad u muhiim ah. Raga marka ay xanaaqaan inta badan waa sida caruurta oo kale. Maantoo dhan gafuurka ayeey taagayaan.

Qalaad wuu dhacaa laakin waa la sixi karaa. Sida uu qaladka ku dhacay goorta la isweydiiyo waxaa fiican in la saxo inta uu qaladka cusub yahay.

Marka uu qalad dhaco gaar ahaan qalad weyn sida caadada ah, qalbiyada qaarkood weey jabaan. Markuu qalbi jabana weey adag tahay sida loo kabo.

Xuusnow: Qalbigu waa sida muraayada oo kale, waa uun la dayac tiri karaa laakin sidiisii lagama dhigi karo.

Sidaa darteed, marka aad xanaaqdo ninkaaga, iska aamus, oo hadal yuusan kaa soo bixin, maxaa yeelay wuxuu hadalkaasi dhaawici karaa qalbiga ninkaaga.

Aamusnaantu waa in ay kuugu jirto booska koowaad, maxaa yeelay waa furaha lagu yaqaano qofka dabeecada wanaagsan.

13. U noqo ninkaaga diirka usha oo kale

Oo sidee ah? wax kale ma ahan ee usha iyo diirka kalama haraan, waana sababta aan tusaalaha ugu soo qaatay. Marka aad ninkaaga diir u noqoto, wuxuu dareemayaa in uu heysto garab. Sidaa darteed isaga kamid noqo oo la wadaag talooyinka marka aad rabto in aad wax sameyso, haba yaraadaanee.

Sababta aan taa u dhahayo wax kale ma ahan ee waxaan ogahay, raga marka ay xaasaskoodu qalad ka dhaco, isaguna uusan ogeyn, kadibna ay u sheegtay sida ay wax u dhaceen. Raga qaar waxa ay bilaabaan, dhihida aniga igalama tashan, oo hadda maxaad iigu sheegeysaa?

Taasi waxa ay ku tusineysaa in ay muhiim tahay in aad isaga talo weydiisato.

14. Haka mashquulin ninkaaga

Markuu ninkaaga guriga joogo waxaa fiican in aad isaga waqti siiso, waqtigaadana aad la qaadato, haddii ay suurto gal tahay. Laakin markuu arko adigoo had iyo jeer teleefoon iyo Xaliimo uun daba socdo, waxaa suurto gal ah in uu kaa xiiso dhigo.

Mid xusuusnow: Markii beri lagu furo, Xaliimo waxa ay banaanka ku naadin doontaa heblaayo waa la furay.

Taasina kuuma ahan ficil qurux badan.

15. Jooji maseerka badan

Maseerku waa wax caadi ah oo jaceylka ka mid ah. Laakin markuu maseerku xadka ka baxo waxaa qatar gelayo jiritaanka qoyskiina. Lamaanaha dhexdooda waxaa inta badan ka dhasho maseer, kaasoo salka ku hayo jaceylka xad dhaafka ah oo ay lamaanuhu isu qabaan.

Maseerku waa kan ugu badan ee sababta u noqda kala taga lamaanaha is jecel.

Ha qaadan talooyinka haweenka kale

Rajo beel iyo tashwiish waxaa ah marka aad qaadato talooyinka haweenka kale. Marka aad dhageysato talooyinka saaxibadaada waxa uu qatar gelin karaa dhismaha qoyskiina.

Ha u bandhigin sirta ninkaaga qof kale, haddii ay xun tahay iyo haddii san tahay. Maxaa yeelay waxaa jiro dad jecel in ay burburiyaan qoysaska kale ee farxada ku nool.

16. Qadari ninkaaga

Waxaad jeceshahay in ninkaagu uu ku qadariyo, rabitaankaaga ka shaqeeeyo, laakin adiga maya.

Nooo, ha sameyn sidaas.

Mar walbaa ka fikir waxa adiga ku farxadgelinayo in ay qofka kalena uu farxad gelin karo. Sida aad adigu u rajeyneyso waxa wanaagsan ayuu qofka kalena u rajeeyaa. Taasina waa wax logical ah (Fikirka macquulka ah)

Macnaha erayga logical?

Waxaan jeclahay in dad badani ay fahansan yihiin macnaha eraygaan laakin waxaan rabaa in aan u sharaxo qofka uu ku cusub yahay.

Logical waxaa la isticmaalaa marka uu qof wax sameeyo, waxaasoo caadiyan qofku laga rabo in uu si automatic u sameeyo.

Tusaale yar

Waxaa raacday baabuur, baabuur-kaasina wuu buuxaaa oo meel laga fariisto malahan. Waa soo kortay hooyo waayeel ah oo aan istaagi karin. Adigu xiligaasi waad fadhisaa, waxaana tahay qof dhalinyaro ah oo istaagi karo.

Iyadoonan qofkaasi kugu oran ma ii baneyn kartaa oo aad uga istaagto, ayaa waxaa la dhahaa “Logical thinks”.

17. Haku jees jeesin ninkaaga

Jees-jeesku wuxuu dhaawacaa qalbiga qofka. Waa arin aad u xun oo dhalin karto naceyb. Waxa ayna daaqada ka saareysaa ixtiraamka uu qofka kuu hayo.

Waxaa halkaasi ka dhalanayo dood iyo is qab qabsi, waxa ayna ugu dambeys keeneysaa in jaceylku uu burburo.

18. Gunta iyo Gunaadka

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa:

Sedex ILAAHEY wuu karaa mase suurowdo

  • ILAAHOW guursan maayee wiil isii
  • ILAAHOW shaqeysan maayee xoolo isii
  • ILAAHOW ku caabudi maayee jannada igeey

Waxaan u soo qaatay xikmadaan, qofka markuu wax rabo waa in uu rabitaan iyo ficil dhab ah la yimaado. Fical la’aan ma jirto wax suurto gelayo. Sidaa darteed ninka xaaskiisa neceb ama nacay qalbigiisu dib waa loo soo celin karaa, waa haddii ficil lala yimaado.

Dhamaad

Waad ku mahadsantahay booqashaadaada! Haddii aad ka heshay qormadaan, hanaga baqiilin in aad sii faafiso. Maxaa yeelay wanaagu waa la faafiyaa, waxa ayna inoo tahay taageero iyo in aan ku dhiirano caawinata dhalinyara walaalaheena Soomaaliyeed.

Waan ku jecelnahay!

Qoraa: Mustafa Mmj – Cishq-Tam

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »