Ninkaaga wuxuu kugu nici karaa 6-daan waxyaabood

Waxaad jeceshahay ninkaaga mana rabtid inuu naago kale kula guursado, hadaba ka ilaali waxyabaahan soo socdo, ninka raga ah ma jecelo xaas nuucaan ah.

ninkaaga, raaxada, raaxada ninkaaga.
Ninkaaga, Habeenka arooska kadib

Ninku inuu ku jeclaado adigaa sabab u noqon karo, inuu ku nacana sidoo kale. Ninka wuxuu had iyo jeer jecelyahay xaaska ka taxadirto arimahaan soo socdo.

1. Inaadan dhihin erayo macaan ninkaaga

Ninkaaga markii Ugu horeysay ee aad isbarateen waxay ahayd maalin ama habeen qurux badan oo ilaa iyo hadda maskaxdaada ka dhex guuxeyso. Waxaad jeclaan lahayd in habeenkaasi ama maalintaasi dib laguugu soo rogaal celiyo, haddii ay suurto gal tahay. Waxaad isdhaafsateen ninkaaga erayo macaan oo naxariisi ku dheehan tahay. 

Habeenkaasi am maalintaasi ma aadan aqoonin halka qalbigaada uu u wato laakin waxaa dareemeysay dareen qurux badan. Si kastaba ha noqotee ninkaaga, hadda waad isguursateen oo waxaa tihiin nin iyo xaaskiisa. Inta aadan isguursan ninkaaga waxaad isdhaafsan jirteen erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh laakin hadda Maya. 

Ninkaaga kuma dhaho erayo macaan adigana ma dhahdid. Haddii uu ku dhahana ma ahan erayadii macaanaa ee aad uga baratay balse waxaa laga yaaba marmar inuu labadoo eray kugu soo tuuuro. Ma taqaanaa sababta? Sababtoo ah Adiga ayaa ka gaabiyay. Haddii aad isticmaali lahayd erayadaan cajiibka ah ee kicinayo dareenka raga waxaa suurto gal ah in ninkaaga uusan is bedeli lahayn.

Markaad akhrisato erayadaan misana aad ku tiraahdo ninkaaga, adigaaba Cishq.com uga mahadcelin doono. Maxaa kamid ah erayadaasi? Halkaaan ka akhriso oo riix: Erayada dareenka raga kiciyo

2. Inaadan nadiifin timahaaga

Markii Ugu horeysay ee aad isguursateen ninkaaga isbuucyadii ugu horeysay waxaad ahayd kaalay iska arag. Timahaaga waxay ahayeen kuwo udgoon badan laakin hadda Maya. Waxaa laga yabaa marmarka qaar inaad la seexato ninkaaga adigoonan timahaaga soo hagaajin.

Asiga wuu ku dhinac jiifaa laakin waxba kuma dhahayo, waxaa dareemeysaa inuu dhinaca kale u sii jeesanayo balse adiga ma fahansanid sababta ka dambeyso. Haddii aad xusuusato maalmihii ugu horeeyay, isagu wuxuu ahaa mid laabtaada ku jiifo, adiguna waxaad ku ciyaareysaa timahiisa, xabadkiisa.

Laakin hadda wax walbaa waa isbadaleen. Haddii aad rabto inuu ninkaaga laabtaada ku jiifto misana ku dareensiiyo diirimaadka macaan ee jirkiisa, iska nadiif timahaaga oo si joogto ah uga shaqeey. Raga ma jeclo xaas hal maalin iscarfineyso, hal maalinna ureyso.

Qish: Halkaan waxaan kuugu diyaarinay: Ka hor inta aadan la raaxeysan ninkaaga

3. Inaadan nadiifin jirkaaga

Xubinta taranka, siilka, nigis, kastuumo.
Baahasha, Xubinta taranka (Siilka)

Dumarka qaar ayaa umaleeyo inaan ula jeedo qubeys oo kaliya laakin sidaas ma ahan. Waxaan ula jeedaa inaad nadiifisid xubinta taranka (Siilka). Waxaa jiro kareemooyin la mariyo misana dila, bakteeriyada, jeermiska kuna reeb udgoon. Baahasha markeey carfeeyso lagama yaaabo inuu lamaanahaaga kaa seexdo asigoonan ku qancin.

Markuu u soo dhawaado hala dhaco carafta ka soo baxeyso, si uu jirkaaga oo idil ugu raaxeysto.

4. Inaadan u xiran ninkaaga dhar romantic ah

Sida badan waxaa dhacdo in gabdho badan markii la guursado kadib in ay ka caajisaan xirashada Dharka qafiifka ah ee soo jiidashada leh ee jirkoodu laga arkayo. Marmarna ay ku joogaan baati, kaasoo laga yaabaa inuu yahay kan maanta oo dhan jikada ay kula jirtay. Hadaba ninkaaga inuu ku naco, sababteeda adiga ha keensan. Xiro dhar aad u qurux badan oo jirkaaga laga arkayo.

Uga dhig jirkaaga maalinba si si uusan naaga kale kaaga damcin, tusi inuusan afar naag u baahneynin oo aad adigu Shankaroon u tahay.

5. Inaadan ninkaaga isku carfin

Markaadan is carfin, waxaa qatar ku jirto in ninkaaga kaa xiiso dhigo misana naag kale raadiyo. Haddii aan adiga su’aal ku weydiiyo ma jeclaan lahayd nin u rayo oo aanan marnaba iscarfineynin, shiirkiisu baxayo? Jawaabta macquulka ah: Maya. Sidaa darteed ninkuna ma jeclo xaas nuucaas ah oo isku day inaad is carfiso si joogto ah.

6. Inaadan ilkaha iska cadeyn

Qeybtani waa qeybta ugu muhiimsan ee uu horay ka dareemayo inaad areebo tahay. Wuxuu ka yimid shaqada misana soo galay guriga. Waxaad rabtaa inaad soo dhaweyso, albaabka ka furto kadibna aad shumiso. Shumis kadib waxaa suurto gal ah inuu ku sii baashiyeeyo, dhuuqmo kula galo laakin afkaaga ayaa urayo, kadibna wuu joojiyay.

Hadaba haddii aad rabto inuu ninkaaga si fiican kuugu raaxeeyo, kuu baashiyeeyo, u xiiso dhuuqmadaada ka taxadir cadeynta lkahaaga. Raaxadu waxay ka bilaababtaa dhuuqmo aayar ah oo tartiib tartiib ah, kadibna waxay u gudubtaa jirka kale. Raaxadu ma macaano bilaa dhuuqmo, bilaa istiin, bilaa baashaal.

Ugu dambeys

Inta aadan ninkaaga la raaxeysan misana aadan baashiyeyn la galin waxaa fiican inaad isticmaasho xanjo kuleyl, maxaa yeelay xanjadu waxay afka ku reebtaa caraf, dhuuqmaduna weey sii macaataa. Raga qaar markii saaid loo dhuuqo, waxaa ka lumo GPS ka.

Talo ku socoto raga: Ragow sida aad u jeceshihiin xaasaskiina oo carfayo, quruxsan ayeey iyaguna u jecelyihiin inaad isku carfisaana, isku qurxisaan ee idinkana ha iloobina inaad u sameysaan.

Dhamaad

Qoraa: Deeqo Ladan

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »