Maxay i bartay nolosha dhabta ah? Marar badan markaad isweydiiso waa maxay nolosha dhabta ah waad ku jahwareereysaa, sababtoo ma taqaanid hadafka nolosha, taasina waa wax noormaal ah.
Waxa ugu daran waxay tahay oo kaliya marka aad is qaban weyso, noloshaadana wax ka bedeli weyso, sababtoo ah nolosha dhabta ah waxay u baahantahay waayo aragnimo, go’aan adag iyo isbedel dhab ah. Intaas markaad sameyso waxaad arkeysaa adigoo ah qof happy ah oo nolosha wax badan ka fahansan.
Waa maxay nolosha dhabta ah?
Nolsoha dhabta ah waa nolosha ku saleysan xaqiiqda, waxay ku bareysaa wax walbaa oo runta ku saleysan, ku dhaqan ama ka tag, go’aanka adigaa iska leh. Maalin kastaa oo noloshaada ku korortay waxaa kuu siiyaadayo waayo aragnimo, waxaaana baraneysaa casharo muhiim ah. Aduunkaan aan arkeyno waa imtixaan socdo, qof walbaa wax buu ku haminayaa mana yaqaano hadafka dhabta ah ee nolosha. Taasi waxaad ku dareemeysaa dadka qaar inteey ku wareeraan aduunka, ayeey mar is dhaafiyaan halka kuwa qaar ay iska noqdaan kuwo kelinimo jaceyl ah, calashaan waxay jeclaan in ay keli iska noqdaan. Hadaba si kastaa oo aad dhibaato u dareentaa ma ahan inaad heerkaas gaarto, Xusuusnow xikmad qiimo badann ayaa waxay leedahay:
Waxba ha isku wareerin dunidaan, hana ka walwalin mustaqbalkaaga, maxaa yeelay ALLAH ayaa gacanta ku haya.
Farxada badan waxaa laga helaa 5 taan waxyaabood
Oraah kale oo xikmadeysan ayaa iyana waxay leedahay
Noqo qof qalbi wanaagsan oo daacad ah, maxaa yeelay dadka wanaagsan waa sida shumaca oo kale, waxay u gubaan ama ay u dhibaan naftooda si ay iftiin u siiyaan dadka kale. Maxaa ka qurux badan in aad ifiso, qof noloshiisa ka sabray? Maxaase ka qurux badan in aad qalbiga farxad ka dareento? Maxaa yeelay qof walbaa oo qalbi wanaagsan ALLAH ayaa qalbigiisa ifinayo. Si gaar ah u xusuusnow: Inaad damiso qof kale shumaciisa, ma kordhineyso shumaca iftiinkaaga.
Hadaba nolosha dhabta ah waa maxay? Maxaysa ku bareysaa? Qormadaan waa qormo dhiiri galin ah kuna tusineyso xaqiiqda dhabta ah ee nolsoha, “wax walbaa oo xaqiiqda ku saabsan balse dadku ay iska indho tiraan”.
Maxay i bartay nolosha dhabta ah?
Nolosha dhabta ah waxay i bartay in jaamacada iyo iskuulka aan wax kabaranno kaddibna aan imtixaanada galno, laakiin nolosha dhabta ah imtixaanka ayaan galnaa kaddibna markaasaan wax barannaa.
Nolosha waxay i bartay in hadal gaaban oo idin dhexmara qof xikmad badan, ama dood yar ay udhiganto bil duruusteed oo kale. Nolosha waxay i bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.
Farxada dhabta ah ee ay xaaskaaga u baahantahay
Waxaan bartay in ay qofka u-khayr-badan-tahay inuu ahaado diin-diin ku socda dariiqa toosan, inta uu ahaan lahaa deero ku socota dariiqa Khaladka ah.
Waxaan bartay in furaha khasaaradu uu yahay in qofku uu isku dayo inuu raalli geliyo cidkasta. Nolosha dhabta ah waxay i bartay in camalka wanaagsani uu aad uga fiican yahay hadal wanaagsan oo kaliya.
Waxaan bartay in ay badanyihiin dadka hela waanooyin badan, laakiin ay yaryihiin inta ku dhaqantaa. Nolosha dhabta ah waxay i bartay in khasaaradu aysan ceeb ahayn, laakiin ay ceeb tahay in aan waxba la tijaabin.
Waxaan bartay in ay jiraan laba nooc oo dadka ah: a) Dad u-dabaalanaya meesha uu markabku taagan yahay, iyo b) Kuwa taagan oo sugaya in markabku uu iyaga xaggooda usoo dhaqaaqo. Noloshu waxay i bartay in qofku uusan hoogin haddii uu khasaaro, laakiin uu khasaaro marka uu joojiyo dadaalkiisa.
Jaceylka Dhabta Ah Iyo Calaamadaha Lagu Garto
Waxaan sidoo kale bartay in qofka guusha gaaraa uu yahay kan sabirka iyo dulqaadka badan. Waxaan bartay in hubka ugu weeyn ee qofku helaa uu yahay: Sabirka iyo Waqtiga.
Waxaan bartay in nolosha dhabta ah lagama maarmaan tahay in qofku uu isku dayo in uu sameeyo camal gaarsiiya ilaa xiddigaha, laakiin uusan illoobin in lugihiisu ay dhulka joogaan.
Waxaan bartay in marka aad qoslaysid uu adduunka oo-dhammi kula qoslayo, laakiin marka aad ooyaysid aysan kula ooyayn! Nolosha dhabta ah waxay i bartay in farqi weeyni u-dhexeeyo tijaabinta badan iyo ka-quusashada.
Waxaan bartay in geedkii miro-badani uu yahay kan dadku mar-walba hujuumo. Ugu dambeys waxaan bartay in dareenka wanaagsani uu yahay kii naftaadu ku qanacsan-tahay adigoo-ogsoon waxa aad samaysay in ay wanaag ahaayeen, adduunka oo-dhaniba ha kugula colloobee. Waxaan bartay in wax-kasta oo aan u-aragno in ay weeyn-yihiin oo adduunka yaal ay markii hore ku biloowdeen fikrad-yar, kana biloowdeen wax-yar.
Hadaba akhriste, adigu maxay ku bartay nolosha dhabta ah? Nala wadaag aragtidaada oo nala soo xiriir, ama inoo reeb comment. Sidoo kale haddii aad xiiseyneyo maqaalo kale oo ku saabsan hadafka nolosha, iska diiwaangeli halkaan hoose si aan kuugu soo dirno maqaalada ka baxa boggeena kuwii ugu dambeeyay.
Qoraa: Mustafa Mmj
waxaan rabaa in aan barto hadafka nolosha
waxaan rabaa in aan barto hadafka nolosha. waxaanan ku hadaf wayn nahay in aan noqdo qof wax qabsan karta aad ayaad u mahad santahay