Qiso Cajiib Ah Oo Gaaban Misana Leh Xikmad

Akhriso qiso cajiib ah oo gaaban misana leh xikmad la yaab leh, qisadaan ayaa kamid ah qisooyinka dhabta ah ee had iyo jeer la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Marka aad akhrisato qiso cajiib ah durbaba waxaa laga yaaba in ay qalbigaada ku soo dhacdo qisooyin kale.

Qiso cajiib ah, qiso dhab ah, qisooyin cajiib ah qoraal, qiso dhab ah oo cajiib ah

Qiso cajiib ah oo gaaban: Aqoonyahaanka dhalinyarada

Film-ka Mine iyo Dhallinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin? Aan kula wadaagno qiso cajiib ah oo gaaban, taasoo laga yaabo in ay adiuguba saameyn kugu yeelato. Qisadani ayaa ah qiso cajiib ah oo qoraal ah misana u baahan in wax badan laga barto. Dhanka kale qormadaan qormadii ka horeysay waxaan ku soo qaadayn mid kamid qisooyinka dhabta ah qasatan kuwooda cajiibka ah, si aad u akhrisato qisooyinkaas riix halkaan:

Hooyo iyo wiilkeeda qiso xanuun badan oo dhex martay

Qiso cajiib ah: Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka.

Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado.

Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey fariimo xusuus ah isagoo qoyskiisii la jooga, isagoo waalidkiis la sheekeysanaya.

Markii dambe waxaa u yimid nin reer Baadiye ah oo lugtu go’antahay oo wata gabar yar uu dhalay, ninkaas ayaa isaguna waxaa lugta ka gooysay miinooyinka ku xabaalan saxaraha. Ninka ayaa waxaa uu Mike ku dhiirrigeliyaa inuu miinada ka koco oo nolosha u bareero oo geesinimo muujiyo, isku day badan kadib waa uu ku qancin waayey, habeenkii markii la gaaray Mike waxaa soo weeraray Yey xabbad ayuuna isaga dhiciyey. Mike waxaa uu gaaray xaalad is dhiibitaan, daal harraad, baqdin, walwal iyo rajo xumo.

Erayo Murti Leh Qaasatan Kuwo Cajiib Ah

Mike waxaa uu markii uu naf ka quustay isku qanciyey inuu qaato taladii ninkii reer Baadiyaha ahaa oo ahayd inuu miinada ka boodo, waxkastaba ha dheceen. Markii uu ka kacayba miinadii, waxaa uu filayey ugu yaraan inay lug ka goosan doonto, maba qarxin, waxaa uu Mike bilaabay inuu qodo wuxuu ku taagnaa, mise waa daasad boombale ku dhex jiro oo miinaba kuma taagnayn.

Haddii aan usoo noqdo xagga ay Mike sheekadiisa iyo dhalinyarada aqoonyahanka isaga egyihiin, waxaa lagu celceliyaa in deegaanka ay joogaan dhallinyaro tiro ahaan gaaraysa +68%. Waxaa in badan oo kamid ah ay ku hubaysan yihiin aqoon kala duwan, aqoontaas ayaa waxaa ay ubadantahay arrimaha deegaanku sida aadka ugu baahanyahay, waxaa sanadwalba kasoo baxa jaamacadaha dalka kumannaan arday ah oo soo bartay maamulka, shareecada, caafimaadka, ganacsiga, technology-yadda, iyo qeybo kale oo badan.

Suuqyada deegaanka, xafiisyada dowladda, masaajidda, xarumaha caafimaadka iyo dhammaan goobaha shaqooyinka haddii aad booqatid waxaa jooga un dadkii joogi jiray waligood. Hadaba xaggee bay aadeen kumannaankaas aqoonyahan? Maxaa ay uga muuqan waayeen goobaha shaqooyinka & deegaankaba? Maxaase hortaagan in ay la yimaadaan afkaar horumar ah oo waaweyn?

Su’aalahaan ayaa waxa aan qabaa in ay u baahanyihiin in lagu sameeyo cilmi-baaris xeel dheer, si xal loogu raadiyo hantidaas deegaanka u soo kacaysa sidii looga faa’ideysan lahaa. Haddii aan isku dayo inaan aragti shakhsi ah ku darsado ka jawaabidda su’aalahaan 3-da ah, waxaa ay ila tahay:

Dhibaatada Siigada badan ay u keento dhalinyarada a-z

Midda 1-aad:

Badankood aqoonyahanka soo baxay ayaa iyagoo aanan aqoon meel ay waxka bilaabaan, waxaa aad ku arkaysaa meheradaha lagu shaaheeyo iyo goobaha lagu caweeyo, iyagoo niyad jab weyn uu ka muuqdo. Halka tiro aad u yar ay ka howlgalaan hay’adaha iyo qaar kamid ah ganacsiyada, iyagoo badankood halkaa ku hela qaraabaysi ama dalab shaqo ah oo ay dhib ka mareen helideeda.

Midda 2-aad:

Aqoonyahanku marka uu soo boxo kuma filna aqoontiisa theory-ga ah ee waxaa uu u baahanyahay tababarro uu ku gado xirfadihiisa iyo aqoontiisa, sidoo kale suuqa ayaanan u diyaarsanayn aqbalaadda aqoonyahanka cusub ee ku soo biiray, madama ganacsiyada iyo goobaha shaqada ay haystaan dad aanan iyaguba aqoon sida loola macaamilo dadka noocaas ah, sidoo kale goobaha iyo jaamacadaha ayaanan lahayn xiriir iyo aragti looga faa’ideysto aqoonyahankaas.

Sheeko Xikmad Leh Oo Gaaban

Sidoo kale waxaanan jirin ha’yado maal-galiya fikradaha ganacsiga ee ay qaar aqoonyahankaasu la yimaadaan, inkastoo ay jiraan kuwo maalgelin bixiya, balse waxaa ka horreeya shuruudo aad iyo aad u adag oo badanaa uusan ka bixin karin qof dhalinyaro ah oo hadda jaamacad kasoo baxay, lagana yaabo in xaalad adag uu wax kusoo bartay.

Midda 3-aad:

Deegaanka waxaa kajira xir-xirnaan badan oo ka timid wacyiga bulshada oo aad u hooseeya, ganacsiyo badan deegaanka kama ay jiraan, haddii aad suuqa martid waxyaabaha laga ganacsado kama badna tobaneeyo waax-ganacsi oo badankooda ah aasaasiyaadka ganacsiga.

Waxaa jira in aanan la tixgelin hal’abuurka oo aysan jirin siyaasad dhowrta haddii lala yimaado fikir hal’abuur ah oo ayba dhacayso qof lacag badan haysta inuu hal’abuurkii inta min guuriyo, suuqaba ka qabsado qofkii lahaa fikradda cusub, aysanna jirin qaab loola xisaabtami karo ama lagu dacweyn karo.

Sidoo kale waxaa jira in shaqooyin badan oo muhiim ah ay ku bahdilanyihiin deegaanka oo qofka ka shaqeeya aysan bulshadu tixgalin siin, waxaana ay ubadanyihiin shaqooyinka farsamada, wax soosaarka gacanta, beerashada, dhismaha, qurxinta, makaanigga, sawiraadda, fanka & madadaalada.

Dhammaan arrimaha aan kasoo hadlay, maaha wax kaligay ii muuqda ee waa wax ay wada arkaan qof walba oo si dhow u eega xaalka aqoonyahanka soo baxaya iyo suuqa waxa kajira, waxaana jirta baqdintii Mike haysatay oo kale, taas oo keentay in qof walba uu ka baqayo in ay miino ku qaraxdo “Shaqadaan amaa magac xumo ka qaaddaa, amaa sharaftaadii hoos udhacdaa, waalidkaa amuu ku habaaraa, bulshadu amay ku faquuqdaa….”.

Sheekooyin Qosol Badan Oo Aan Caadi Ahayn

Xusuusnow taladii odayga reer baadiyaha ahaa ee Mike la hadlay, u bareer nolosha, aqoontaada soo bandhig, fikirkaaga gad, hal’abuurkaaga sii daa. Bulshada aad ka baqaysid ogow adigaa u maqan, adiga ayey ku sugaysaa, bulshadaan wacyigoodu waxa uu joogaa meeshii ugu hooseysay, waxaa ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyaan kuwo iibsanaya dhulkooda iyo aayohooda oo ah Jiritaankiina adiga Aqoonyahan ah adigaa lagu sugayaa ee maxaad sugaysaa?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »