Qiso Jaceyl dhab ah misana aad u xanuun badan

Qiso jaceyl dhab ah: Qisadani waa qiso jaceyl oo murugo leh kana mid ah qisooyinka jaceylka ee aan rabno inaan la wadaagno akhristayaasheena. Waa qiso naga soo gaartay gabar Soomaaliyeed oo ku xiran Barnaamijyadayda ka baxa boggeena Cishqi.com.

Sidoo kale waa qiso jaceyl ah oo inaba caadi ahayn, waxayna gabadhani jeclaysatay in ay la wadaagto akhristayaasheena, si ay ula taliyaan. Hadaba haddii aad rabto in aad talo siiso gabadhani, fadlan marka aad dhameysato u reeb aragtidaada iyo talada aad siin lahayd.

qiso jaceyl dhab ah, qiso jaceyl oo dhab ah, qiso jaceyl murugo badan

Qiso jaceyl dhab ah

Asalamu calaykum walaalayaal salan kadib. Waxaan ka helay barnaamijyada quruxda badan ee aad nala wadaagtaan, kuwaasoo wax badan naga caawiyo. Waxaan rajeynayaa dhalinyaro fara badan in ay ka faaiideystaaan. ajir iyo xasanad Alle ha idinka siiyo.

Fariinta waa fariin dheer iga raali noqda walaalayaal. Waaaxan rabaa qiso jaceyl dhab ah taasoo ah mid aad u  xanuun badan oo igu dhacday oo aan xanuunkeda wallaahi ilaa hadda aan la jiifo. Fadlan hala iga caawiyo,  waa qiso jeceyl oo dhab ah.

Sida ay u dhacday qisada

Waaxan Aaladda internetka iska baranay wiil dhamaadkii 2012, qiyaastii 2 bilood ay ka harsan sanadka 2013. Xiligaasoo aan ku noolaa Magaalada Muqdisho isagana uu ku noolaa Magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.

Qiso cajiib ah oo xikmad leh

In mudda ah markaan isla soconay sawirkaaga isoo dir ayuu igu yidhi, saan u meermerinayay waan udiray. Kuwiisana wuu ii soo diray bilaa shuruud.

Balan iyo axdi baanu dhiganay, wuxuuna ii sii raaciyay in barashadeenu ay ku soo aaday waqti uu safarkeyga soo dhowyahay, hadana laynkii baa iso bixi raba. Waan u ducayay Alle hakuu sakhiro baan iri. Alxamdullilaah Alle waa u sakhiray wuuna baxay,  ilaa diyaaradda ka baxaysay baanu isla hadleynay.

Markuu samo tagay wuu isoo wacay wuxuuna ii sheegay inuu nabad tagay dalka Sweden oo uu markii hore u socday. Halkaas waxaa nooga bilowmay xiriir jaceyl oo joogta ah,  anigana waxaan markaas ku laabtay magaalada Kismayo. Waxaa sii xoogaystay jeceylkii aan isu qabnay maalinba maalinta ka dambeysa. 

Mudo 5 sano ah kadib

Waxaan arkay is badal xaga dhaqankiisa ah, oo ninkii maba ahan kii aan aqaanay, taasoo igu abuurtay walaac iyo walbahaar, madaama aan ahaa qof isaga jecel. Waan u sabrayay ileen aad baan u jecelahay. Muddo kale markii la joogay buu talefonkiisa block iga saaray taasna waan u dulqaatay. Isbuucii 2 jeer ayaan sheekaysan jirnay, habeen anagoo qadka intenernetka ka wada hadlayna ayaa qadkii iga go’ay.

Sidii ayaan ku seexday. Aroortii ayaan fariin sms ah u diray sida fariintaan oo kale misana talefonkiisa block buuba iga saray. Saas kuma jooginee waxaan wacay taleefoonkiisa wuuna dansanaa. Aniga oo walwal iyo murugo ayaan la darisay. Meel aan kala xiriirana garan waayay.

Sadaqada iyo fadligeed qiso cajiib ah

Nasiib wanaag wiil ay isla joogi jireen buu hadda ka hor numberkiisa iga soo wacay, waana save gareystay nambarkii.

Waxaan wacay wiilkii saaxiibkiisa ahaa, nasib xumo wiilkii Wuxuu ii sheegay inuu ka guuray magaaladii lambarna uusan ka haynin saaxiibkii.

Wiil fiican buu ahaa wuxuu igu yiri waxaan ku siin number aad ka heli kartid. Wuxuu igu taabtay lambarkii adeerkii numberkii baa wacay ma joogi ayuu yidhi. Muddo kadib ayaan Adeerkiis ku celiyay, Nasiib wanaagna weey isla joogeen islamarkaan adeerkii baa yidhi hoo la hadal inanta, wiilkiina wuu diiday, aniga qarracan.

Adeerkiis wuxuu si buuxda ii yidhi ka sabir, kadib adeekiii baan ku calaacalay ileen naf wax jecel ayaan ahaye. Maxay kuugu taal Adeerkii ila hadda jawaab kama anan helin. Saas kuma aanan quus qaadane oo facebook oo aan horay u isticmaali jirin baan galay, bal intaas aan helaa cid aqoonsato oo iga caawiso.

Sida loo soo jiito gabdhaha qaab cajiib ah

Wiil ay is ku xaafad yihiin baan helay iyo kuwa kale iyagana wax natiijo ah waan ka waayay, xitta gabar aan saaxiibo nahay oo Norway jooogta oo arinteena la socotay baa la so hadashay oo ku tidhi walaal dee maxaad inantii ka damacday oo aad saas ugu galaysaa?

Ugu dambeys waxaa ii suura gashay in aan is maqalno, waxaan kala hadlay arinteenii, wuxuu igu yidhi guurso cidaad rabto oo aniga ha igu tashan, annaa waan gursanayaa. Waan u calaacalay, wuxuuna abaal iiga dhagay inuu block i saaro. Wiilka saas ii galaya wallaahi imisa wiil ayaan dartiisa uso diiday dal iyo dibadba. Wallaahi ilaa hadda qof kale marabo oo aan isaga ahayn, wallaahi waan jeclahay mana ka samri karo. Haduu iga gardanayahay xittaa aniga raali galin jiiray.

Qish: Sida xaaskaaga loo dareensiiyo jaceyl dhab ah

Markuu igu ydhi iga tasho ha igu tashan oo guurso nin kale annaa waxaan guursan gabar kale ayaan cuntadiika go’ay. Intaa waxaa ii dheer habeen iyo malin ma hurdo!! wallaahi waan u ilmaynayaa!! Hooya xittaa fikir ay iga fikireyso ayuu dhiga ugu kacsan yahay. Sariir kama kici karayo maxaa sameyaa? laantisaa ma samri karo!

Wallaahi ragooo idil ifka haddii lisku keeno kuma doorsan karaayo, Maxaayeelay 5 sano buu jeceyl ila waday, xaladeydana way sii xumaaneysaa, balanta iyo axdiga Alle aan dhiganay wuu iiga baxay. Anna waan jecelahay la’aantiis waa dhib, sariita kama kaco salaadda fadhigaan ku tugadaa.

Wallaahi Hadda oo aan qorayo fariinta ilintayda ayaa qubanaysa, ma ka samri karo qof aan ku dorsanaayo ma jiro, aniga dhan waxaan ahay maqane jooge.

Walahi waa is ka ilmaynayaa 5 sano wallahi ayaan sugayay oo an jecelahay ilaa hada tallo waa tii rabii.

Walaalayaal talo baan idinka rabaa idinka iyo Bulsha waynta idinka xirin.  Maxaad igula talin lahaydeen?

1 thought on “Qiso Jaceyl dhab ah misana aad u xanuun badan”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »