Qiso yaab leh, waa maxay farqiga u dhexeeyo Maal, Guul iyo Jacayl? Qisadaan ayaa ah qiso yaab leh kana kamid ah qisooyinka ugu cajiibka badan ee ka baxa boggeena Cishqi.com. Ma ahan qiso yaab leh oo kaliya ee sidoo kale waa qiso cajiib ah oo xikmad leh oo aad wax badan ka baran doonto misana kugu reebi doonto dareen baxaad leh.
Qiso jaceyl: Ma aanan ogeyn waxa iga maqan
Qiso yaab leh: Farqiga u dhexeeyo Guul, Maal iyo jaceyl
Haweeney baa gurigeedii ka soo baxday iyadoo rabto in ay banaanka isaga soo hawa gedisato. Waxayna la kulantay sedex oday oo guriga hortiisa fadhiya misana uu haraad ka muuqdo, weyna yaabtay waxayna ku tiri odayaashii: Waxaan dareemayaa inaad safar tihiin, baahina idin heyso ee soo gal guriga, si aad noola cuntaan waxa aan heysano.
Odayaashiina durbaba waxay weydiiyeen ninkaaga miyaa guriga joogo? Waxayna haweeneydii ku jawaabtay maya, banaanka ayuu ku soo qaxweynooyaa.
Odayaashii waxay dhaheen, haddii ay sidaas taahy ma soo geli karno ninkaaga oo guriga ka maqan! Markii la gaaray galabtii ayaa waxaa yimid ninkeedii, waxayn ku tiri waxaan maanta la kulmay qiso yaab leh, waxayna u sheegtay qisadii ay odayaasha kala kulantay, waxa uuna ku yiri: U sheeg in aan imid, soona gali guriga. Iyagiina waxa ay ku jawaabeen: Ma soo wada gali karnaa, mid inaga mid ah adiga iyo ninkaaga doorta.
Odayaashii mid kamid ah ayaa soo baxay oo yiri: Aniga waxaa la i dhahaaa Guul, saaxibkayna waxaa la yiraahdaa Maal, kan sedexaadna waxaa la dhahaa isagana Jacayl. Islaantii oo la yaaban magacyadooda cajiibka ah ayaa waxay ku laabatay odaygeedii, waxayna u sheegtay qisadii odayaasha, wuxuuna ku yiri;
Khadar iyo Fartuun Xarrago: Sheeko xiiso leh
Hadduu warkaasi run yahay u yeer Maal waxaan rabaa in uu faqriga inaga saaro, gurigeenana uu hodannimo ka buuxiyo.
Iyadiina waxay tiri; Ma waxaad rabtaa in aad dhib la’aan maal ku hesho? Aan u yeerno Guul, isaga hodannnino na gaarsiinayee. Gabadhoodii oo dooda dhageysaneysay ayaa waxay tiri; Sow ma haboona in aad u yeertaan jacayl? Waxayna qaateen taladii gabartooda. Waxayna waceen jacayl si uu u soo galo guriga. Marka uu soo galay jacayl guriga ayaa labadii kalena ay soo daba istaageen misana soo galeen guriga! Haweyneydii waxay tiri:
Waxaad iga codsateen inaan mid kaliya doorto, hadana waad soo wada kacdeen ee maxaa jira? Waxayna ku jawaabeen labadii kale; Hadaad dooran lahayd Guul ama Maal, kaligii baa ku raaci lahaa laakin meel kastaa oo uu jacayl aado waxaa raaco guul iyo nolol qurux badan. Maxaa yeelay jacaylka ayaa dhaliya guusha. Maalkana guusha ayaa keento oo qiimo sidaa u badan malahan. Islaantii iyo ninkeedii oo la yaaban odayaashii ayaa waxay dhaheen; waaba qiso yaab leh oo inagu cusub
Gunta iyo Gunaadka qisada
U jeedka qisadani ayaa ah, waxaadan jecleyn guul lagma dhalin karo, si kastaa oo aad u raadisaa, haddii aadan jecleyn waxa aad qabaneyso guul kama gaari kareysid. Wax walbaa waxaa sal u ah jaceyl, dadaal, karti iyo uruurin fikiro badan. Sidoo kale waxaan laga maarmeen in aad leedahay kartideedii misana kaa go’antahay in aad wax qabsato.
Qoraa: Sabiriin Sabnaa – Cishqi.com