Mogadishu Somalia ( Cishqi ) – Qisooyinka sadaqada iyo faiidada ay qofka u leedahay marka uu wax bixiyo, hadaba waa maxay fadliga sadaqada?

Qisooyinka sadaqada waxaa ku soo arooray xadiis kaasoo laga wariyey Nabiga SCW. Bixinta sadaqada waa wax aad u qurux badan laakin dadka oo idil ma wada sameeyaan.
Sidoo kale sadaqada faa’iidada ay leedahay waxaa ka hadlay wadaadada iyagoo ku xusay muxaadarooyin, si ay u sharaxan fadliga sadaqada iyo waxa uu qofka ka faaiidayo.
Maxaa Ka Mid Ah Faa’iidooyinka Sadaqada?
- Sadaqadu waxa ay yareysaa xumaanta
- Waxa ay farxad gelisaa qalbiga
- Waxa ay kaxeysaa hamiga
- Waxa ayna badisaa rizqiga
- Waxaa lagu daaweeyaa qofka xanuunsan
- Waxa ay damisaa carada Alle
- Waxa ay tirtirtaa dambiga
- Waxa ay qofka u noqotaa har Alle
- Waxa ay qofka ka xijaabtaa naarta
Hadaba faa’iido inta ka badan miyaa jirto? Markaad akhrisato qisooyinkaan, waxaa dareemi doontoo faa’iidoonka sadaqada. Waxaana ku dhiiran doontaa in aad wax fiican sameyso.
Tusmada Qormada iyo Qisooyinka Sadaqada
- Qisooyinka sadaqada qeybtii 1-aad
- Qisooyinka sadaqada qeybtii 2-aad
- Muxaadarooyin ku saabsan fadliga sadaqada
- 10 kamid ah faa’iidooyinka sadaqada
1. Qisooyinka sadaqada qeybtii 1-aad
Barnaamish tv ka baxayey oo tabarucaadda lagu uruuriyo ayuu weriyihii dad weynaha u soo bandhigay xaaladda bukaan u baahan in lagu sameeyo qaliin 150 kun oo dollar ku baxayso, bukaanka ma awoodi karin inuu lacagtaas iska bixiyo.
Weriyihii wuxuu bilaabay inuu ka jawaabo wicitaanada dadka raba inay wax baxsadaan.
Dadka soo wacay waxaa ka mid ahaa wiil lagu magacaabo Maxamed kaasoo sheegay inuu bukaanka ku tabarucay Lacag 2$ ah.
Weriyihii ayaa yiri: Ma 2$ doolar oo keliya?
Wuxuu ku jawaabay: Anigu baagamundo ayaan ahay oo ma shaqeeyo labadaas dollar ayaa aheyd hantida keliya ee maanta aan haystay, waxaanan jecleystay in aan sadaqeysto!
Qofkii ku xigay ee barnaamijka soo wacay wuxuu Sadaqeystay 8 Kun oo dollar wuxuuna yiri 4 kun bukaanka ayaa leh, 4 kunna Wiilkii Labada dollar bixiyey hala siiyo.
Mid kale ayaa isna baxsaday 10 kun oo dollar wuxuuna yiri 5 kun bukaanka ayaa leh 5 kunna wiilkii labada dollar baxsaday.
Sidaa ayey ku socotay oo qof walba oo lacag baxsaday wuxuu u kala qeybiyey bukaanka iyo wiilkii labada dollar baxsaday.
Dhammaadkii barnaamijka markii la gaaray lacagtii bukaanka qaliinka loogu sameyn lahaa wey dhameystirantay, Wiilkii labada dollar sadaqeystayna lacag 50 kun oo dollar ku dhaw ayuu helay.
Barnaamij kale ayaa wiilkii lagu casuumay si Lacagtii uu helay loogu wareejiyo, wareysina looga qaado, intuu barnaamijku socday waxaa Tv-ga soo wacay Tobanaan shirkadood oo raba Inay wiilka shaqo siiyaan.
Dulucda sheekadaan waxay tahay
Haddii aad wax sadaqeysato ILAAHAY wuxuu kuugu badalayaa wax ka kheyr badan, wuxuuna wax kaa irsaaqayaa meel aadan fileynin.
Mid kamid ah xadiis sadaqada ku soo arooray
Nabigu (SC) wuxuu yiri:
*ما نقصت صدقة من مال*
Oo macnaheedu yahay sadaqo maal ma yareyso.
W/Qoray: Mustaf Awil Hassan.
Qish: halkaan ka akhriso sida loo helo farxada qalbiga

2. Qisooyinka sadaqada qeybtii 2-aad
Nin ayaa waxaa ku dhacay cudurka kansarka ( saradhaanka) wuxuuna tagay isbitaal. Dhaqtarkii ayaa wuxuu yiri ma’aqaano waxaan ku dhaho qaliinkaada heerkiisa aan ku guuleysan karno kaliya waa boqolkiiba shan (5%).
Ninkii bukaanka ahaa wuxuu ku yiri kaliya boqolkiiba shan (5%) miyaa lagu guuleysan karaa taasoo macnaheedu tahay sagaashan iyo shan boqolkiiba (95%) waa lagu guuldareysan karaa ama naftaada ayaad ku weyn kartaa.
Dhaqtarkii oo hadalka sii wato ayaa wuxuu yiri
Sababtoo ah cudurka Kansarka ah jirkaada intiisa badan ayuu ku faafay. Ninkii jiranaa ayaa wuxuu ku yiri dhaqtarkii waxaad isiisaa isbuuc si aan cideyda ula soo dardaarmo una soo diyaargaroowo.
Dhaqatarkii wuxuu ku dhahay ninkii jiranaa haye, isbuucaas anna waxaan sii diyaarinaa daawadii qaliinka iyo qolkii qaliinka ku gali laheyd. Waxaana ninkii jiranaa lagu dhahay insha Allah dhib ma’arkeysid.
Ninkii cudurka Kansarka qabay intuu xaafadiisa usii socday wuxuu arkay qof haween ah oo misane da’deeda weyntahay oo meesha qashinka lagu shubo taagan.
wuxuuna ku bilaaway sida tan Asalaamu caleykum hooyo maxaa meesha kasameyneysaa?
Haweeneydi da’da weyneyd ayaa ku jawaabtay: Wacaleykumu salaam wiilkeygiyow, waxba kama sameyneynin meeshaan.
Ninkii jiranaa baa ku celiyay markale asigoo cizeynaayo haweeneydi kuna yiri bal iisheek maxaad kasameyneysay meesha qashinka kor ayaan ka arkay adoo bacyaha gadinaayee.
Haweeneydi da’da aheyd waxey ugu jawaabtay waa sax sida aad arkeysaybo bacyaha ayaa gadinaayay qashinka kujiro sababta oo ah waxaan haayaa ciyaal aan ayeeyo u’ahay oo waalidkood dhinteen.
Anna lacag uma haayo oo aan wax cunto ah ugu soo gado; sidaas darteed ayaan qashinka uga baaraayay cunto ama wax ay dadka iska soo reebeen si’aan ciyaalka ayeeyada u’ahay usiiyo.
Ninkii jiraan ayaa ku yiri Allah ayaa weyn intuu waday Haweeneydii ayuu wuxuu u geeyay nin hilible’ ah wuxuuna ku yiri haweeneydaan waxaad siisaa labo kilo oo hilib ah isbuuc kasto lacagtane ilaa hal sano aniga ayaa dhiibaayo.
Haweeneydi weey faraxday waxeyna bilaawday in ay uduceyso waxeyna tiri Allah ku daayo kuna siiyo xaas fiican.
Ninkii jiranaa intuu yara dhoola cadeeyay ayuu ku yiri ani xaas waan leeyahay.
Haweeneydi ayaa tiri waxaan ku dhaho ayaan garan waayay farxad darteed ee Allah ha ku siiyo owlaad kheyr qabto kuuna fududeeyo waxa aad rabto.
Ninkii jiranaa ayaa wuxuu ku laabtay isbitaalkii hal isbuuc kadib si’uu qaliinka ugalo.
Dhaqatarkii qaliinka kusameynaayay ayaa u yimid Ninkii jiranaay intii aan qaliinka lagu bilaawin ayaa labaaray ninkii misane dhaqatarkii wuxuu layaabay cudurkii Kansarka (saradaanka) ooba ka dhamaaday jirka ninka .
Dhaqtarkii wuxuu dhahay macquul ma ahan maxaad sameysay?
Ninkii jiranaa ayaa yiri: Hee Doctor maxaad aragtay?
Dhaqtarkii ayaa ugu jawaabay Ninkii jiranaa: Qaliin iska daaye xittaa marabtid wax daawo ah sababta oo ah caafimaadkaada hadda waa dhameystiran yahay oo cudurkii kansarka jirkaada wuu ka baxay.
FIIRO GAAR AH
Qisadani waa qiso ku tusineyso Sadaqada in ay daawo tahay sida axaadiis badani ay kusoo arooreen.
أن في الصدقة دواء للامراض البدنية كما في قولة:دواء مرضاكم بالصدقة
Qofka wax Sadaqeystane waxuu kamid yahay todoba qof ee loo balan qaaday in ay maalinta qiyaamaha harsan doonaan hooska Allah. Maalintaas oo aan hoos jirin ilaa hooska Allah mooyee sida xadiiskani kusoo aroortay.
قال رسول اللة صلي اللة علية وسلم:
سبعة يظلهم اللة في ظله يوم لا ظل إلا ظله
ودكر منهم
رجل تصدق بصدقة فأخفاها حتي لاتعلم شماله ماتنفق يمينه
متفق عليه
3. Muxaadarooyinka ku Saabsan Fadliga Sadaqada
Fadliga sadaqada waxaa sidoo kale ku soo arooay muxaadarooyin kuwaasoo ay culimadu uga hadleen faaiidooyinka sadaqada, marka uu qofka wax bixiyo.

4. 10 kamid ah Faa’iidooyinka Sadaqada
Dhamad
Waxaan rajeyneynaa in aad wax badan ka faa’iiday qisooyinka sadaqada iyo faa’iidooyinka uu qofka ka heli karo, marka uu qof caawiyo.
Alle dartii u Caawi dadka dhibaateysan.
Noqo qof naxariis badan, si uu Allah adna kuugu naxariisto. La wadaag asxaabtaa, maxaa yeelay kherka waa la faafiyaa. Riix calaamadaha socidal mediyaha ah ee kaaga muuqanayo halkaaan hoose.
Waad ku mahadsantahay in aad na soo booqatay.
Qoraa: Umu Axlaam
Boggaada – Cishqi.com