Qof Aad Jeceshahay Sidaan Ma Kugu Sameeyay?

Garowe (Cishqi) – riyada qof aad jeceshahay oo aan ku rabin waa dareen nuucaan ah, waxaad iswedydiineysaa sida ay ku dhacday laakin no jawaab.

qof aad jeceshahay oo aan ku rabin

Inaad qof jeclaato weey fududahahay laakin waxaa adag sida loo iloobo. Haddii aan nahay gabdho markaan aragno wiil qalbigeegna soo jiito, durbaba waxaan u furnaa qalbigeena weliba sida buug oo kale.

Qormadeena maanta waa qormo aad u xiiso badan waxa ayna ku saabsan tahay dareenka qof aad jeceshahay sida uu noqon karo.

Hadaba waa sidee dareenka qof aad jeceshahay?

Markaad hesho qof aad jeceshahay ma dareemeysid farxad oo kaliya ee sidoo kale waxaaa ku hoos imaanayo aduunkoo dhan. Waxaa kula wareeegayo dhulka, waxaa habeen iyo maalin lagu horkeenayaa suuradiisa qurxoon. 

Inta aadan seexan waxaad ka fikireysaa asiga oo kaliya, marka aad ka soo kacdana waxa uu noqonayaa qofka ugu horeeyo ee aad ka sii fikirto.

Inta aad kala hadleysid isaga, waxa aad nafta ku madadaalineysaa akhrinta erayadii macaanaa ee aad isdhaafsateen.

Raga Qaar waxa ay dumarka si toos ah uga abaaraan qeybta ugu muhiimsan jirka ee wadnaha. Waxa ay kuu soo dirayaan erayadaan oo kale: Sida raga ay u dhahaan dumarka waaan ku jeclahay

Haddii aad jeceshahay qof, waxaad jeclaaneysaa la kulankiisa, la hadalkiisa iyo agjoogistiisa. Waxaana meesha ka mareyn inuu jiro karo qof adiga sidaas oo kale kuu jecel.

Qof aad jeceshahay ayaa dunida oo dhan intuu kaa dhex bixiyo, ayuu hadana ku cidleynayaa. Adiga waxaad isweydiineysaa sababta uu qofkaasi u sameynayo sidaas, balse kuuma soo baxeyso jawaab kugu filian. 

Qalbigaaga ayuu soo jiidasho balaaran ku sameynayaa, hadana kuma siinayo waqti yar oo aad ku fikirto.

Mudo badan marka aad wada socotaan ayaa waxaa soo idlaadaa xiisaha uu kuu qabay.

Xiriir la’aan

aamusnaan iyo in uusan waqti kuu heynin

Kadib maxaa dhacayo?

Waxaad isweydiineysaa sababta ay arimahaan ku dhacayaan weliba waxaad aqbali la’dahay qofkii riyooyinka badan ku tusin jiray oo hal mar noqday qof xun. Qof ka duwan qofkii hore.

Qalbigaaga ma aaminayo arimahaan waana sababta dhaawaca qalbigaaaga dhaqsi uusan uga bogan karin.

Waxaad isweydiineysaa markale sababta? Sababtuna waxa ay tahay adiga oo qalbigaaga u siiyay si daacadnimo ah.

Jaceylku waa nolol, noloshuna waa jaceyl. Jaceylku waa waxa ugu fiican ee la sameeyo, waana waxa ugu adag ee la iloobo.

Aragti fiican u lahaaw qofka aad jeclaaneysid ama aad rabto inuu noloshaada hogaamiyo.

Qofka aad jeceshahay waa dareen macaan

Xusuusnow: Jaceylku marnaba xanuun ma laha, ee waxa xanuunka u yeela waa beenta iyo fududeysiga.  Ku ciyaarista qofka kale dareenkiisa.

Qoraa: Deeqo Aragsan – Cishqi-Team

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »