Qofka Ku Neceb Ama Ku Nacay Waa Qof Nuucaan Ah

Maxaa lagu gartaa qofka ku neceb ama aanan kaa helin, ma jiraan calaamado lagu garto qofka ku jecel ama ku neceb? Jawaabtu: waa mid fudud.

qofka ku neceb, qof ku nacay, calaamadaha qofka ku neceb.
Maxaa lagu gartaa qofka ku neceb?

Haddii aad rabto in aad ogaaato qofk ku neceb ama aanan kaa helin, waxaa jiro calaamado aad u fudud ee aad ku ogaan karto.

Qofka ku neceb wuu ka duwan yahay dadka kale. Haddii aad ku aragto calaamadahaan soo socdo, iska ilow qofkaasi, hana isaga lumin waqti.

Waxaad u dirtaa warqad, warqaddii waxa ay la dhacdaa ama la dhacaa maqas. Waxaad weydiisaa su’aalo, jawaab fiican kama heshid. Hadaba qormadani waa qormo adiga ku khuseyso.

Qormooyin kale oo xiiso leh

Baro calaamadaha gabadha ku jecel

Sida loo kasbado qalbiga ninka

Qofka ku neceb ama ku nacay waa qof nuucaan ah

Tusaale yar:

Gabar saaxibadeyda ah ayaa hada ka hor waxa ay jeclaatay wiil, kaasoo ku noolaa caasimada Somalia ee Muqdisho.

Waxa ay wada socdeen muddo badan kadibna waxa ay ku heshiiyeen in ay isguursadaan. Mudadii guurka inta aan lagaarin ayaa waxaa ka dhex dhacay qaladaad badan kaasoo isku bedelay neceeb.

Saaxibadeyda waxa ay soo istaagtay maya maya maya. Ani ninkaas ma fadaaw.

Maxaa lagu yaqaanaa dumarka markeey maseeraan? Jawaabta macquulka ah: In ay dhahaan ninkaan wuu iga soo booday. Ha idhinac maro.

Maba arki karo. Waan ku walacay.

Saaxibadey waxa ay bilaawday in ay hadalka u gaabiso ilaa markii dambe uu iska quusto.

Hadaba waxaa jiro caalaamado badan oo aad ku xaqiijin karto qofka áanan ku rabin ama ku nacay, waxaana kamid ah:

1. Qofka ku neceb wuu iska kaa dhaga-tirayaa

Qofka ku neceb  waa mid iska kaa indho tiro. Dadka kale wuu ixtiraamaa laakin adiga kuma ixtiraaamayo. Xaashaa Lillaahi.

Marka uu meel kugu arko, wuxuu jecelyahay inuu geeska kale kaa maro.

2. Qofka ku neceb hadalka wuu soo koobayaa

Markuu kula hadlayo hadalkaagu wuu ku caajisaa. Hadalkana wuu kuu soo koobayaa. Waxaa ku badan erayada ah: Sax, maya, haa, haye iwm. 

Wuxuu had iyo jeer ku dhahayaa, hadhow ayaan Isla hadleynaa. Markaa dib u wacdo oo aad xoogaa La hadasho wuxuu kuu ku dareensiinayaa inuu yahay mashquul.

Intaasi waxa ay ka tahay dayacaad Iyo in uusan dan kaa lahayn.

3. Qofka ku neceb kuuma dhahayo hadalo jacayl ah

Waxaad u dirtay erayo jaceyl ah gaar ahaan erayo jaceyl macaan ah laakin asiga kuuma soo dirayo erayadaada oo kale.

Adigu waad farxadgelineysaa laakin adiga kuma farxadgelinayo. Ilintiisa waxaad ka ilaalineysaa in ay ku dhibicdo dhulka laakin asiga wuu kaa ooysiinayaa. 

 Markaad wax ka codsato oo aad weydiiso, asigu wuxuu kuugu jawaabayaa waan iloobay. Laakin adiga ma iloobi karto codsigiisa. 

Qish: Daawo Muqaalo kale oo jaceyl ah

4. Kuma farxadgelinayo xili walbaa

Markaad murugeysan tahay kama heleysid wax farxadgelin ah ama dhiiro gelin ah. Weliba asigo dareemayo. Markaad su’aalo weydiiso waa mid had iyo jeer kugu xanaaqo misana ku dhaawaco. Of course qofka ku jecel kuuma quurayo dhib iskaba daa inuu ku dhaawaco.

5. Qofka ku neceb kuuma dhoolacadeynayo

Markaad aragto qofka aad si dhab ah u jeceshahay, waad u dhoolacadeyneysaa, waana farxeysaa. Laakin qofka ku nacay, taasi macno uma sameyneyso.

Kuuma dhoolacadeynayo mana kuu muujinayo in uu kugu faraxsanyahay. Markaad aad ku dhahdo waan ku jeclahay, isagu wuxuu horay kala soo boodaayaa sidoo kale, bilaa dareen, bilaa qushuuc. 

6. Qofka ku nacay jaceylkiisu waa mid afka ah

Macnaha qofka marka uusan ku jecleyn, jaceylkiisu waa mid Afka ku eg. Ma lahan wax ficil ah. Kuma dhowrayo, mana ku qadarinayo iskaba daa inuu ku koolkooliyo.

Qof walbaa ma dareemi karo dareenka macaan ee uu jaceylku leeyahay marka laga reebo qofka hadda muudsanayo.

calaamadaha qofka ku jecel,

Gunaaadkii

Qofka wax neceb malahan calaamadahaan oo kaliya ee waxaa jiro calaamado kale oo lagu garto. 

La socoto qeybaha kale ee xigo.

Qoraa: Sahro Axmed

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »