Raaxada dumarka fircooniga ah iyo Gudniinka

Gudniinka fircooniga ah, waa sidee galmada ama raaxada dumarka fircooniga ah, Sida cad dareenka fircooniga ah ayaa ka duwan dareenka gabdhaha sunada ah.

Raaxada Dumarka fircoon, galmada fircooniga ah, dareenka fircooniga, gudniinka firooniga ahiga ah
Raaxada Dumarka fircooniga ah

Raaxada dumarka fircooniga ah iyo galmada, Waxaan caado ka dhiganay waxa aysan aduunku caado u ahayn. Waxaan kamid noqonay wadamada ku caan baxay dhaqamada gudniinka fircooniga ah. In gabdhaheena la gudo ama laga gooyo dareenka jirkooda ma ahan wax qurux badan. Maxaa yeealay waxa uu Ilaahey ugu sameeyay in ay ku raaxeysato.

Aabaha gabdhaasi dhalay xanuun kuma heyso gudniinka gabadhiisa balse waxay xanuun ku heysaa gabadha la guday. Waxaa jiray jahli fara badan taasoo maantana sababtay la dareemo in gudniinka fircooniga ah uusan ahayn wax qurux badan, diin ahan iyo dhaqan ahaan. Dadku waxay isweydiiyaan, waa sidee raaxada dumarka fircooniga ah marba haddii laga jaray kintirka ay ka raaxeysan lahayd.

Raaxada dumarka fircooniga ah iyo Gudniinka Galmada

Halkaan waxaan ku diyaarinay xiliyada aanan habooneyn in gabadhu ay raaxo la sameyso ninkeeda: Raaxada Sariirta: Markaan oo kale

Markii la soo hadal qaado raaxada dumarka fircooniga ah, dad badan ayaa umaleeyo in dumarka la guday aysan raaxo dareemin xiliga galmada, laakin taasi sax ma ahan. Sida aan ognahay galmadu waa shay dabiici ah oo qofka Alle ku abuuro. Waa raaxo aad u muhiim ah oo naftu iyo Jirku u baahanyihiin. 

Dhibaatooyinka uu gudniinku u leeyahay Raaxada Dumarka Fircooniga

Erayga fircooniga ah waxaa caalamka looga yaqaanaa laba magac oo kala ah naafeynta xubinta galmada dumarka iyo jaridda xubinta galmada. Sida dumarka Soomaaliyeed loo gudo iyo qaabad ay kala yihiin.

Dumarka waxaa loo gudaa sidaan

  • Jaridda Kintirka
  • Jarida Kintirka Iyo Bishimaha
  • Jarida guud ahaan kintirka iyo siilka oo la yareeyo.

Dhibaatooyinka ugu badan ee ay la kulmaan dumarka fircooniga ah waaxaa kamid ah xiliyadaan, Xiliga raaxada galmada, waqtiyada caadada timaado iyo waqtiga dhalmada la gaaro.

Gabadha markeey guursato waxaa laga yaabaa in bikro-jebinteeda ay dareento xanuun taasoo sabab ah tolitaanka la tolay dartii. Waxaa mararka qaar dhacdo in dumarka xiliga caadada timaado ay dareemaan xanuuno kale sida in dhiigu uusan banaanka u soo bixin. Xiliga dhalmada markii la gaaro waxaa adkaato in ay dhalaan iyagoon la qalin. Hadaba waa sidee dareenka dumarka fircooniga ah?

Halkaan waxaan ku diyaarinay erayo aan isdhaheyno weey ku cajabgelinayaan: Erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh qeybtii 1-aad

Ma dareemaan raaxo dumarka fircooniga ah?

Sida la ogsoonyahay dumarka ayaa ku kala duwan dareenka galmada mana ku xirno in ay tahay fircooni iyo in ay tahay sunno. Waxaa jiro dumar fircooniga ah oo ka dareen badan dumarka sunada ah. 

Dareenka galmadu waa mid ka yimaado maskaxda waana dareen raga iyoo dumarkuba ku kala duwan yihiin.

Waa sidee Raaxada Dumarka Fircooniga ah

Su,aashani waxaa si sax uga jawabi Karo dumarka fircooniga, maxaa yeelay iyagaa dareemi karo muhiimna tahay in ay ka jawaabaan. Waxaa laga yaaba gabadha fircooniga ah markii la weydiiyo,  raaxo nuucee ah ayaad dareentaa? Waxaa suurto gal ah in aysan kaaga jawaabin ama jawaab sax ah aysan ku siin sababo la xiriiro xaga xishoodka.

Waxaa Jiro dumar fara badan oo fircooni ah hadana dareenkoodu uu saaid yahay. Mararka qaar waxaa dhacdo in gabdhahaasi mid Kamid ah uu guursado nin, kaasoo aanan si fiican uga qancin karin dareenkeeda. 

Waxaa suurto gal ah inaysan sheegan karin, xishood dartii laakin taasi ma ahan wax fiican. Haddii ay gabadhu dareemeyso dareen xowli waxaa fiican in ay ninkeeda u sarbeebto ama ay isku daydo in ay kala hadasho, maxaa yeelay raga qaar weey ka helaan dumarka u sheega in ay kacsi badan yihiin.

Of course ma dhaheysid kacsi ayaa i hayo ee waxaad dhaheysaa erayadaan aan halkaan kuugu diyaarinay, u dir xiliga uu guriga ka maqan yahay. Waxaad arki doontaa goorta uu guriga yimaado asigoo xiiso iyo kalgacayl kuu hayo.

Haddii aad u baahan tahay inaad akhrisato riix halkaan: Erayada Dareenka Raga kiciyo

Talo ku socoto raga

Ragow waxaa fiican inaad xaaskiina ugu raaxeysaan sida ay rabto, haddii aysan idiin sheegan karin, isku daya inaad fahantaan ama aad la kaftantaan, waxaa suurto gal ah in ay markaasi idin sheegto. Laakin haddii aadan xaasaskiina la kaftamin, lana ciyaarin, hadalo dareen leh dhihin waxaa suurto gal ah in ay idinka aamusaan. 

Talo ku socoto Dumarka

Dumarow, raga waxay aaminsanyihiin in gabdhaha fircooniga ah aysan dareen lahayn, oo dareemaheedii La jaray, Haddii aad dareemeyso kacsi saaid ah misana ninkaaga uusan kaa qancin karin isku day inaad ninkaaga dareensiiso, la kaftanto, la ciyaarto misana aadan ka cabsan ama ka xishoon.

Ninkaaga inaad dareenkaaga ka qariso ma ahan wax qurux badan mana ahan wax adiga kuu fiican.

Dhamaad

Qoraa: C/ Qaadir Dj

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »