Sadaqada iyo fadligeeda: Qiso gaaban oo cajiib ah

Qiso gaaban cajiib ah: Sadaqada iyo fadligeeda qeybtii labaad: Muhiimada sadaqada iyo fadligeeda waxa ay culimadu kaga hadlleen muxaadarooyin fara badan iyagoo raba in ay u bayaaniyaan faaiidadeeda.

Sadaqada iyo sama falka Ilaahay dartiis loo la bixiyo waa farxadda ugu weyn ee nolosha. Marka laga sheekeynayo qisooyinka sadaqada iyo fadligeeda ma ahan wax qoraal ahaa lagu soo koobi karo.

sadaqada, sadaqada iyo fadligeeda, sadaqo, fadliga, muhiimada sadaqada

Qisooyinka sadaqada qeybtii koowaad

Wareysi uu siiyay nin qani ah Telefishinka Al Arabiya kaasoo marti ku ahaa barnaamish ka baxayay Telefeshinka. Wariyahii ayaa weydiiyay ninka qaniga ah ee milyooneerka ah su’aashani: Maxay ahaayeen wixii kuugu farxada badnaa noloshaada?

Ninkii wuxuu yiri: waxaan soo maray afar marxaladood oo farxad ah ilaa aan ka ogaado farxada dhabta ah waxa ay tahay .

Midka koowaad: helitaanka waxyaalaha

Tan labaadna: helitaanka waxa ugu qaalisan iyo wax kasta oo dhif iyo naadir ah. Laakiin waxaan ogaaday in saamayntooda farxadeed ay tahay mid ku meel gaar ah.

Midka seddexaad: lahaanshaha mashaariic waaweyn, sida iibsashada kooxaha kubbadda cagta ama goobaha dalxiisyada.

Laakiin ma aanan helin farxaddii aan qiyaasayay inaan heli doono!

Tan afraadna: Waxay ahayd markuu saxiibkay i weydiistay inaan ku biiro iibsashada kuraasta curyaamiinta oo aan ku caawiyo koox carruur ah oo dhaqdhaqaaqoodu liito.

Runtii, isla markiiba waxaan udhiibay saaxibkay lacagtii lama huraanka ahyd si aan u iibsado kuraastaas, laakiin saaxiibkay wuxuu igu adkeeyay inaan raaco oo aan hadiyad ahaan u siiyo carruurta, si ay u arkaan qofka u hadiyadeeyay.

Anna waan raacay saaxibkay. Waxaan arkay farxad weyn oo ka muuqata wajiyada caruurta iyo sida ay markii ay bilaabeen in ay ugu dhaqaaqaan dhan kasta iyagoo wata kuraastii aan u qaybiyay iyadoo ay qoslayaan sidii iyagoo ku jira beerta madadaalada caruurta!

sadaqada caruurta, caruurta cuuryaanka ah,

Si kastaba ha noqotee, waxaa naftayda farxad run ah u keenay oo aan dareemaya markuu mid kamida caruurtii uu qabsaday lugtayda isaga oo aan doonayn inaan baxo!

Waxaan isku dayay inaan si tartiib ah uga sii daayo gacantiisa, lugtayda laakiin wuu ku sii adkaystay inuu haysto lugtayda iyada oo ay indhihiisu si adag iila socdaan dhaqaaqayga.

Waxaan u foorarsaday isaga si aan u waydiiyo su’aashaan: Wax kale miyaad iga doonaysaa ka hor intaanan bixin, wiilkaygiiyow?

Jawaabta uu isiiyay waxay ahayd jawaab noloshayda oo dhan bedeshay, kadib waxaan ogaaday macnaha farxadda dhabta ah.

Wuxuu yiri: Waxaan rabaa inaan xasuusto calaamadahaaga iyo astaamahaaga, si aan kuu garto marka aan kugula kulmo samada, saan markale kuugu mahadceliyo. Ilaahay hortiisa. ”

Hadaba maxaa ka qurux badan in aad la baxdo sadaqada, Ilaahay hortiisana mar kale laguugu mahadceliyo?

Jawaabta macquulka ah: Waxna.

Hadaba qisooyinka sadaqada sida fadligeeda iyo faaiidadeeda waxaan kaga hadalnay qisooyin kale. Haddii aad xiiseyneyso akhrinta qiso kale oo ku saabsan  sadaqada iyo ducooyinka la akhristo halkaan guji:

Qisooyinka sadaqada qeybtii koowaad

Qiso jaceyl ma aanan ogeyn waxa iga maqan

Shukaansi bilow ah qeybtii koowaad

Galmada habeenka koowaad waa habeen cajiib ah

Sidoo kale haddii aad ka heshay qisadani gaaban ee ku saabsan sadaqada fadligeeda fadlan walaal la wadaag asxaabtada kuna sali xabiibkeenii SCW.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »