Faaiidooyinka qofka samirka iyo dulqaadka badan: Ka waran adigoo single ah, haddii laguu guuriyo qofka riyadaada ah, qofka kaliya ee maankaaga ka dhaadhacayo? Waxaa dhihi lahayd wow, waxaan dareemi lahaa amaan iyo farxad aan inaba caadi ahayn.

Faaiidada dadka samirka iyo dulqaadka badan intaas kuma eko ee waxaa sii dheer faaiidoyinka soo socdo… Sida ku soo aroortay axaadiis fara badan dadka samirka iyo dulqaadka badan way ka farxad badan yihiin kuwa kale. Inkastoo culaysyadoodu uusan ka yareyn kuwa aanan samirka badneyn. Haddii aad noqoto qof samirka iyo dulqaadka saaxib la ah waxa aad ka badbaadeysaa buuq badan, waxa aadna saaxib la noqoneysaa farxad iyo xasilooni joogto ah.
Sidoo kale waxaa ka badbaadeysaa cuduro badan sida cudurka wadne xanuunka. Sida darteed waxaa muhiim ah in aad barato samirka iyo dulqaadka badan, siina barto caaruurtaada. Maxaa yeelay marka aad naftaada barto samirka iyo dulqaadka badan ayaad caruurtaadana bari kartaa.
Xusuusnow: In aad noqoto qof samir fara badan, waxay sabab u noqoneysaa in uu Ilaahay janadiisa kuugu bishaareeyo, ahow qof samir iyo dulqaad badan marka lagaa caraysiiyo. Qofka samirka badan wuxuu noqonayaa qof Ilaahay uu jecelyahay. Maxaa ka qurux badan in uu Ilaahay ku jeclaado?
Jawaabta: Waxna
Xikmadaha ku soo arooray samirka iyo dulqaadka badan
Muuminku haduu gaajoodo wuu samraa haduu dhargena wuu mahadceliyaa.
Waa inaad samirtaa waqtiga socda daraadii dooguba wuxuu noqdaa caano.
Samirku wuxuu ku bilaabmaa oohin wuxuuna ku dhamaadaa farxad.
Samirka oo inagu yaraada dartii ayaa laynoo eryaa sababtiisana masoo laabano.
Maxaa ka fudud inaad ka sheekeyso samirka marka aanay dhibaatadu aheyn dhibaato adiga ku heysata.
Samirku iyo dulqaadka waa ubax aan ka bixin beer walba.
Samirku waa aqbalaada degan in arimuhu xaqiiqsamaan sidaad urabtay lkn dariiq kale oo ka duwan kan caqligaaga ku jira.
Baro samirka una Samir barashadiisa.
Baro samirka maalin kasta ma ahan mid qurux badan noloshana ma ahan sidaad ka filaneyso.
Samirku waa xikmada kuwa heysta waqtiga.
Samirku waa geed xididadiisu aad uqaraar yihiin laakiin mirahiisuna aad umacaan yihiin.
Samirku waa furaha guusha.
Haka shakiyin dadka ugu farxada badan waxay heystaan Samir ku filan.
Qaacidada nolosha farxada badan waa Samir, Raali ahaansho iyo Qanaaco.
Qofka aan samirka baran ma barto jaceylka.
Guulaha waaweyn oo idil waxay ubaahan yihiin Samir.
Samirku wuxuu kaa fududeeyaa dhib kasta oo aan daawo laheyn.
Samirku waa farxada ruuxda.
Samirku wuxuu leeyahay xad hadaad in badan sugto taasi waa fuleynimo.
Samirku waa dhaqan ina siinaya wax ka badan inta ay ina siin laheyd awoodu.
Qofka barta samirka wax kasta oo kale waa uu baran karaa.
Samirka iyo dadaalku waxay la egyihiin aqoonta.
Samirku waa labo nooc mid uu qofku ku samro waxa uu neceb yahay iyo mid uu qofku usamro waxa uu jecelyahay.
Majiro qof ka xun qofka aan wax yar ka heysan samirka.
Shay kasta wuxuu imaan doonaa wakhtigiisa waa hadii aad u samirto.
Kuwa ku samra shaqooyinka yaryar si fiicanna wax uqabtaa waxay helaan khibrad ay ku qabtaan shaqooyinka waaweyn ee culus.
Samirku waa qeyb iimaanka kamid ah soonkuna waa qeyb samirka kamid ah.
Samirku waa dawada ugu fiican ee murugada.
Samirka aad ku samirto dhibaatada waxaa la yidhaa iimaan.
Labada ugu adag ee dagaal ka dhaxeeyaa waa samirka iyo wakhtiga.
Samirka aad usamirto cuntada waxaa la yidhaahdaa qanaaco.
Mid kamid ah sheekooyinka xikmada leh ee ku saabsan samirka
Aan kula wadaagno mid kamid sheekooyinka cajiibka ah ee weliba xikmada leh, waxayna ku saabsan tahay samirka iyo dulqaadka badan ee qofka. Hadaba sheekadu waxay u dhaceysaa sidaan:
Muqdisho: Goobta Taalada Dhagaxtuur
Agoon: Waa maxay raganimo?
Gabadhii ayaa ugu jawaabtay: raganimadu waa samir walaal ee saw ma ogid?
Agoonkii ayaa yiri: – Walal waxaan raadinayay eraygaan muddo toban sano ah mana aanan ka rajo dhigin, markale ayaad i soo xasuususay, haddaba waa maxay fasirka eraygani walal?. Waxay ku tiri: – Haddii aad ka cabbi lahayd caagada biyaha ilaa aad ka dheregto, maadan cuni lahayd cunnada aan kuu diyaariyey sida aad hadda wax u cuntay, ragganimadu waxay ku ku jirtaa samirka iyo dulqaadka…
Markaa agoonkii ayaa weydiiyay: Aaway Aabbahaa?
Waxay ku tiri: Aabe wuxuu biyo ku waraabinayaa biyo kale…!!
Markaasuu weydiiyay : aaway hooyo iyadana?
waxay tiri: Hooyo maalin walba waxay u baxdaa si ay Ilaahay uga cadhaysiiso.. !!
Markaasuu weydiiyey : Aaway walaalkaa isagana?
Walaalkay wuxuu ladagaalmaa hawada.
Wuxuu ku yiri: – Waxaan ka maqlayaa erayo igu wada cusub oo kaa soo yerayo ee sharaxaad ma iiga bixin kartaa?
Waxay tiri: Aabahay wuxuu biyo ku waraabinayaa biyo kale, Waxaan ka wadaa wuxuu leeyahay beer lagu beero qaraha,/xabxabka qaruhuna waa biyo Aabbahayna biyo ayuu ku waraabiyaa.
Hooyo macaan maalin walba waxay u baxdaa si ay Ilaahay uga cadhaysiiso.. !! Waxaan ka wadaa
„Hooyo waxay tagtaa qabuuraha maalin kasta, waxay ku ooyaysaa wiilkeeda, oo geriyooday, ka dibna waxay ka soo laabataa iyadoo dhabanada garaacysa timaheedana kala bixinaysa, dharkeedana jeexjeexaysa.“
Waalaakay maalinkasta wuxuu ladagaalmaa hawada. Waxaan ka wadaa, walaalkay wuxuu u baxaa maalin walbaa kaymaha, ugaarsiga deerada iyo bakaylaha, iyo wixii Ilaahay uqoray intaa uu wax ugaadhsanayo.
Halkaanna sidaad aragto, keligay baan ahay oo gurigaan ku samiraa, in kasta oo aan dumar ahay haddana samirka ragga, oo kale ayaan leeyahay sidaas awgeed raganimadu waxay ku jirtaa samirka.
Agoonkii ayaa ka codsatay inuu tago, ka dib wuu iska tegey, wuxuuna ku noqday adeerkii isagoo weydiistay gabadhiisa mar shanaadkii.
Goortii uu aderkii la kulmay ayuu adeerkii wuxuu ku yiri: aaway lacagtii aad soo shaqaysatay? Agoonkii ayaa yiri: lacag ma haysto Adeer.
Adeerkii ayaa yiri: Aaway raganimadii markaa? Agoonkii ayaa yiri: Raganimadu waxay ku jirtaa samirka iyo dulqaadka. Adeerkii ayaa ku yiri:
Qiso jaceyl: Ma aanan ogeyn waxa iga maqan
Hadda waxaan ku guurinayaaa gabadheyda. Wiilkii intuu madaxa ka dhunkaday adeer adoo agoon ah inaan sidaan kuu rafaadiyo rali qalbigaygu kuma ahayn laakiin waxaan jeclaaday inaad nin rag ah noqoto. Adeer lacagta waxaa shaqeeyo oo keena ragga sabir la’aanta ah iyo kan samirka badan labaduba, laakiin sabarka ayaa ah waxa ragga abuura, adigana waxaan ku sinayaa hada gabadhayda, gabadha ugu qurux badan gabdhaheyga, beer weyn, guri qurux badan, iyo adhi.

Qoormooyin iyo sheekooyin kale oo xiiso iyo qosol leh oo iyagana aad halkaan akhrisan karto:
Sida gabar loo siito qaab yara cajiib ah
Marka aadan aqoonin sida gabar loo soo jiito waxaa laga yaabaa shukaansigaaga koowaad inuu kaa burburo ka hor inta aan la gaarin qeebaha xiga ee shukaansigaaga. Si aysan taa u dhicin waxaan halkaaan kuugu diyaarinay waxyaabo badan oo kaa caawinayo sida gabar loo soo jiito qaab yara cajiib ah oo uu wiil walbaa sameyn karo. …

Erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga
Waa kuwee erayada jaceylka ah ee lagu soo jiito xaaskaaga? Ma isweydiisay erayada macaan ee ay ka hesho xaaskaaga? wax dhib ah malahan haddii aadan jawaab u heynin, maxaa yeelay halkaan ayaad kaga bogan doontaa. In aad soo jiidato xaaskaaga uma baahno wax sidaa u weyn, kaliya waxaad u baahantahay in aad ku tiraahdo erayada …
Shalay waxaan ku lumay indhahaaga Part one
Shalay waxay ahayd maalin qurux badan maantase waa maalin ka sii qurux badan. Shalay waxay ahayd maalin farxad badan maantase waa maalinta ugu farxada bdan nolosheyda. Shalay marka aan aan ku arkay waxay dareemay dareen, kaasoo igu dhaliyay farxad, farxadaasoo isu bedeshay inaan kuu qaado jaceyl waali ah. Shalay iyo beri waxaa u dhexeyso maanta, …
Samirka iyo Diinta
Mid kamid ah muxaadaro ku soo aroorta samirka iyo diinta, waxaana inoo soo jeedinayo Sheekh Mustafe Haaruun Ismaaciil, Ilaahay ha xifdiyee:
Nuxurka Qormada
Ma tahay qof samir badan, haddii ay jawaabtaadu tahay haa, waxaad aad hooy u tahay guusha iyo farxada. Haddii aadan ahayn qof samir badan, fadlan noo sharax sababta oo nagula wadaag comment aragtidaaada si aan kaaga caawino ficilada aad ku nooqn karto qof samirka iyo guusha saaxib la ah.
Wax badan maka faaiiday qormadaan? Haddii ay jawaabtu tahay haa, fadlan hanaga baqiilin, la wadaag asxaabtaada oo sii faafi adigoo taabanayo kaliya calaamadaha Social Mediyaha ee halkaan kaaga muuqdo. Taasi waxay inoo tahay dhiiro gelin iyo taageero weyn. Adiguna waxaan kuu soo diyaarin doonnaa fariimo iyo qormooyin kale oo aad u riyaaqdo kuwaasoo wax badan aad ka faaiidi doonto insha Allah.
Waad ku mahadsantahay akhriste taageeradaada joogtada! Boggaada Cishqi.com