Ka bogo sawiro qurux badan gaar ahaan sawiro jaceyl romantic ah, Sawiradani ayaa ah sawiro xul ah oo ay la socdaan erayo jaceyl ah.
Sawiro jaceyl oo romantic ah
Meel kasta oo aad ku aragto sawiro jacayl oo qurux badan, gaar ahaan sawiro romantic ah durbaba waxaa qalbigaaga ku soo dhacayo jacayl, waxyaabo si qurux badan u dhacaya. Tani waa dareenka markaad qof jeceshahay.
Sawiro Jaceyl Oo Romantic ah
Jacaylku waa shay aad u qurux badan oo ku dhici kara qofkasta. Markaad qof jeceshahay adduunka oo dhami ayaa kuu qurux badnaanaya. Markaad aragtana sawiro jaceyl oo romantic ahna kaba sii daran.
Ka waran markuu lamaanahaaga kaaga yimaadaan sawiro jaceyl iyo dhambaal gaar ahaan dhambaalkaan: Dhambaal jaceyl oo xiiso badan
Waxaan la wadaagnay akhristayaasheena qaar ka mid ah fariimihii ugu fiicnaa ee jacaylka kuwaasoo ahaa kuwo cajiib ah oo ay u riyaaqeen. Maanta waxaan doorbidnay inaan idinla wadaagno sawiro jaceyl romantic ah kuwaasoo indhuhu ku doogsanayaan.
Sawiradani oo ah sawiro xul ah oo romantic ah misana aad u diri kartaa lamaanahaaga, jaceylkaaga.
Sidoo kale halkani kuma soo bandhigi doono sawiro jaceyl oo romantic ah oo kaliya ee sidoo kale waxaa la socdo erayo jaceyl ah gaar ahaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh.
Inaad la wadaagto lamaanahaaga sawiro jacayl oo romantic ma ahan oo kaliya wax qurux badan ee waxay ka turjumeysaa jaceylka qotoda dheer leh ee kaala dhexeeyo lamaanahaaga.

Markaan indhaha isku qabto, adiga ayaan ku arkaa. Markaan indhaha kala furana, adiga ayaan ku arkaa. Ma jiraan wax aan sameyn karo anigoonan adiga kaa fikirin.

Aad ayaan u jecelahay ilbiriqsi kastaa oo aan adiga kula qaato. Waxaan dareemaa inaan adiga ku sii jeclaanayo maalinba maalinta ka dambeyso. Taasina adiga ayaa sabab u ah. Waan ku jeclahay.

Waxaa tahay nolosheyda, farxadeyda, deeqadeyda. Adiga la,aantaada noloshu waxay noqon doontaa mid caajis badan. Waxaan aad ugu mahadnaqayaa inaan adiga ku heysto. Waan ku jeclahay Gacaliye.
Sawiro arooska iyo aroosada

Ma ogtahay sedex eray oo aad i dhahdo adigoo eegayo indhaheyga inaan dareemayo inaan ahay qofka ugu nasiibka badan aduunka „Waan ku jeclahay“.
Sawiro jaceyl shukaansi ah

Mararka qaar waxaan isweydiiyaa sababta aan keli u ahay, ileyn adiga ayaa nolosheyda ka maqan.
Sawiro aroos ah

Xanuunka jaceyl xisaab malahoo, dartaa xiisuhu, xadkaba dhaafyoo, adaan kugu xiray xiska iyo maankiyo.
Sawiro boqorka iyo boqorada

Sameey wax walbaa oo ku farxadgelinayo, ha fiirin dadka falcelintooda, waayoo adiga ayaa yaqaano yoolka noloshaada.
Sawiro aroos ah

Waxaa jiro qoraaga qisada noloshaada, haddii aadan ku qancin habsami u socodka noloshaada, u qor si ka duwan sidii hore.

Boqolaal qalbiyo aad ayeey uga yar yihiin in ay qaadaan dhamaan jaceylka aan kuu qabo, maba aqoonin macnaha erayga jaceyl ilaa aad adiga iga soo hor baxday mooyee.
Sawiro jaceyl muuqaal ah
Su’aalaha akhristayaasheena na soo weydiiyaan
Sidee uga mid noqon karaa akhristayaasha ku xiran Cishqi.com? Jawaabta: Fadlan geli halkaan hoose emailkaaga kadibna riix ii soo dir, iskana hubi in emailkaaga uu sax yahay.
Qoraa: Saabiriin Sabnaa – Cishqi Team
khadarow1276@gmail.com