Shalay waxaan ku lumay indhahaaga Part one

Shalay waxay ahayd maalin qurux badan maantase waa maalin ka sii qurux badan. Shalay waxay ahayd maalin farxad badan maantase waa maalinta ugu farxada bdan nolosheyda. Shalay marka aan aan ku arkay waxay dareemay dareen, kaasoo igu dhaliyay farxad, farxadaasoo isu bedeshay inaan kuu qaado jaceyl waali ah. Shalay iyo beri waxaa u dhexeyso maanta, maantana waa maalinta aan kaa xushay ragooo idil.

shalay, jaceyl iyo farxad

Shalay waxaan kugu iri:

  • Waa ihelay jaceelow haba igu badnaadee
  • Waan hubaa kalgacalow
  • Wuu ihayaa dhibkiisee
  • Sida haadla leylkii
  • Heehaabo mooye
  • Howl yari ma seexdoo
  • Habeekii bar tagay baa la ikaa horkeenaa
  • Waa hawl aduunyee ma ii hiilineysaa
  • Qof waa halkiisa ma ii hagar baxeysaa
  • Waa halis nafteyduye
  • Hadma hadma goormaan ku helayaaa?

 Hadaba dareenkii shalay intaa kuma ekaan ee wuxuu ku faafay guud ahaan jirkeyga oo idil:

Waxaan dareemayaa nabadgelyo iyo farxad marka aan laabtaada ku jiro. Maalin walbo adiga ayaan ku doortaa, waana nasiib wanaagsanahay in aad adigana Sidoo kale aniga i doorato.

Waxaa tahy qofka ugu horeeyo aan ka fikiro subaxdii, marka aan hurdada ka soo kaco, waxaaana tahay qofka ugu danbeeyo aan ka fikiro ka hor inta aanan seexanin.

Waan ku jeclahay in ka badan nolosheyda, waana ku faraxsanahay in aan ku garab joogo maanta, berri, iyo weligeed.

Waxaad qalbigayga ka dhigtaa mid kacsan, maaankeygana tartan, bushimahayguna waxay noqdaan kuwo dhoolacadeyntaada u qumman. Halmar oo aad laabta igelisaa waxay iiga dhigantahay adigoo dunida iyo daafaheeda igu soo dalxiisiyey. Waxaa jiro habab badan oo aaan kuugu sheegi karo inta aan adiga ku jecelahay, runtiina ma aqaano halka aan ka bilaabo.

Waxaan ku lumay Indhahaaga, waxaan dareemayaa Nabad taabashadaada. (Marka u sharax sida ay u dhaqaaqdo midkastoo dareenkaaga ah:) Waan ku jeclahay

La soco qeybta xigta

Haddii aad ka heshay la wadaag asxaabtaaad oo sii faafi qormaaan cajiibka ah. Sidoo kale nala wadaag aragtidaada, adigoo inoo reebayo comment halkaan hoose.

Qish: Baro fariiimo jaceyl oo qalbiga taabanayo

Waan kaaga mahadcelineynaa taageeradaada joogtada ah!

Bogaada Cishqi.com

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »