Sheeko Somali Ah oo Qosol Badan

Sheekooyin xul ah qaasatan sheeko somali ah oo qosol badan, dhalinyaro badan marka ay akhristeen waxay inoo sheegeen in sheekadani ay tahay mid cajiib ah.

Qeybtaan qeybtii ka horeysay waxaan kaga hadalnay sheekooyin somali ah kuwaasoo aad u qosol badan. Hadaba aan kula wadaagno sheeko qosol badan qebytii labaad.

sheeko somali, sheeko qosol badan, sheekooyin somali ah,

Sheeko Somali ah qeybtii labaad

Mid ayaa hada ka hor Masaajid soo galay kadibna kabihii ayaa laga xaday tuugii ka xadayna Masaajidku ayuu ku jiray wili wuu is boojeynaayay saaxibkaa markii uu salaadii ka b axay ayuu kabihii waayay Masaajidkii ayuu inta albaabka istaagay ayuu dhahay “Kabaheyga hala keeno haddii la keeni waayo walaahi sidii uu aabahey sameeyay ayaan sameynaa.” tuugii oo allbaabka u dhawaa ayaa maqlay markaasu ku dhahay Saaxibow kabaahaga hoo waa kuwaane waana ku qaldamaye. Markii banaanka loo baxay ayaa la weydiiyay Saaxibkaa, saaxibow aabaahaa muxuu sameeyay? Ku Lahaa ” Aabahey kaba la’aan ayuu iska baxay.

Sheeko Somali reer Mudug

Dadka reer Mudug ah waa dad go,aan leh, dadka gobolkaas intooda badan waa dad aaminsan madhabka ahllu sunna wal jameeca. Masjid ku yaalo gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa imaam ka noqday Shiikh aqwaan ah, wuxuu saalaada ka bixiyaa jameeco reer Mudug ah oo fara badan.

Marwalbo oo uu salaada tujinaayo bisinka kama bilaabi jirin, maalintii danbe ayay jameecadii is weydiiyeen shiikha muxuu bisinka uga tagaa? Waa ay baxeen waxayna u tageen shiikhi,i waxaa la waydiiday maxaad bisinka uga tagtaa? wuxuu yiri kama tago ee ma muujiyo yacni waan sireystaa bisinka.

Kadib qaar jameecada ka mid ah ayaa ku taliyeen ma dilnaa shiikha mise waan cayrinaa? ugu danbeyntii jamaacadii waxay ku tashadeen in marka uu shiikha tujinaayo marka uu faataxada dhameeyo aamiinta in aan la maqashiin.

Shiikhii oo war mooge ah ayaa bilaalay inuu tujiyo jameecadii kadib faataxadii ayuu dhameeyay (waladaaliin)! meeshuu Aamiin sugaayay yaaba u jawaabay.

Shiikhii oo yaaban ayaa gadaal soo fiiriyay war maxaa idin helay soo aniga yaabay, in uu hal qofba noolayn ayaanba mooday. Inta la qoslay ayaa loogu jawaabay shiikhii sidaad bisinka u siraysatay ayaan anagana aamiinta u siraysanay ee nagu kala wad.

Sheeko qosol badan: Nin mindi wato

Nin Mindi wata ayuu soo hor istaagay Masaajid markaa salaadda laga baxay, kaddibna wuxuu yiri ”War yaa Muslim ah”? Hal nin ayaa farta taagay dadka intii kalana waa aamuseen. Ninkii ayuu kaxaystay, kaddibna neef uu biraynnayey ayuu yiri iga caawi. Waa uu la qabqabtay, wuuna bireeyey. Markii uu caawiyey ayuu yiri haragga intaad ka bixinayso ku ma sugi karee Masaajidka ku laabo oo qof kale ka soo kaxayso.

Masjidkii ayuu ku laabtay isagoo markaan wata Mindidii oo dhiig ka da’ayo, kolkaa ayuu yiri ”War yaa kale oo Muslim ah? Waa la wada aamusay, wuu ku celiyey ”War nala hadla oo yaa kale oo Muslim ah ? Dadkii oo dhan ayaa Imaamkii farta ku fiiqay oo yiri ”waxaan kolleey hubnaa wadaadka na tujiyey.

Wadaadkii ayaa inta istaagay, cimaammaddiiisana tunka saartay yiri ”Hooyadiin baad u sheegeysaan, ma labada rakcaddood ee aan idinka saaray ayaa lagu Muslimaa.

Sheeko Somali: Gabar jeclaatay Wadaad Mu`adim ah

Gabadh ayaa jeclaatay wadaad mu’adim ah (Masaajid ka adima) markasta oo aadaankiisa ay maqasho waxey tiraahdaa alla wadaadku cod macaanaa. Nin naagta qabay ayaa ku dhibsaday arintaan wuxuuna mudo ka fikiraayay siduu uga reebi lahaa isagoon cidna u sheegin.

Markaasuu habeenkii dambe wiil yar fariin u faray kuna yiri “Hebla waxad ku tiraahdaa waxaa ku doonaya wadaadka masaajidka ka adima wuxuuna kugu sugayaa meel heblaayo ee u tag. Naagtii inta si hal haleel ah u labisatay ayay dag-dag ku tagtay halkii looga wacay, ninkii oo isna iska dhigaya wadaadkii ayaa inta soo xirtay dhar cad cad oo iska qariyay baa soo istaagay meeshii.

Naagtii oo ordeysay ayaa ugu tagtay halkii balantu aheyd, markaasey ku tiri, Alla waa wadaadkii codka macaanaa, Asc see tahay sheekhow? Isna isagoon u jawaabin buu ul

ku bilaabay markaasey ka carartay iyadoo aad u yaaban. Maalintii dambe ayuu adimay wadaadkii markaas baa ninkii yiri “Alla waa wadaadkii codka macaanaa oo adimayo ee xaajiyo ma maqashaa?” Naagtii baa inta soo booday tiri, “Ma cod macaanee balaayada naaguhuu dilaa ayaa meelaha laga sheeg sheegayay.

Sheeko reer Gaalkacyo 2022

Will reer Gaalkacyo ah baa imtixaan soo fadhiistay markuu waxba ka shaqayn waayay buu warqada mesha u danbaysa kaga qoray,aamuskaygu kama turjumayo jaahilnimadayda waayoo qoraal ahaan kuma so koobi karo waxa maskaxdayda ka guuxaya.

Maalinkii Natiijada la bixinayaybaa waxay macalimiinta ugu so qoreen “dhicitaankaagu kama turjumayo fashilkaaga”balse indha adaygaaga waxad ku mutaysatay 1 sano oo dheeri ah inaad nala sii joogto.

Sheeko Somali qosol leh oo Gaaban nin aan Salaad dukan

Nin ayaa Xaaskiisa wuxuu u Kaxeeyey Qur’aan Aqris, ka dib markuu is yiri “Jinni” aya haayo. Haddaba Gabadhii markii Quraanka lagu Aqriyey Jinkii ayaa Hadlay oo yiri:-

Sheekhoow Aniga waan ka baxaa Gabadhan, laakin hal shuruud;

Haddaba Sheekhii Marka hore wuu diiday Shuruuda balse markii dambe ayuu ka Aqbalay oo yiri:-

Bal sheeg Shuruuda maxey tahay?, Jinkii ayaa yiri:-

Gabadha waan ka Baxayaa, laakin Ninkeeda ayaan Gelayaa.

Ninkii oo meesha Fadhiyey Hadalka Jinka markuu maqlay ayuu Argagaxay, Sheekhiina Jinkii wuu ka diiday Arrintaasi, balse Jinkii ayaa Sheekhii ku yiri:-

Sheekhoow ma Garaneysaa Sababta aan u Doonaayo inaan galo Ninka ?, Sheekhii ayaa yiri:- Bal ii sheeg Sababta. Jinkii ayaa yiri:- Sheekhoow Ninkaan Salaadda ma Tukado.

Ninkii ayaa soo Booday oo yiri:- Beentiisa waaye Sheekh.

Sheekhii ayaa kolkaas ku yiri Jinkii:-

Gabadha ka bax, Gurigoodana haka Fogaan, hadduu Tukan waayo Ninka Gal oo ka Dhex “qeyli”.

Jinkii baa yiri:- Hagaag Taas ayaa inoo Balan ah.

Gabadhiina way caafimaaday.Haddaba Muddo ka dib, Gabadhii waxey u wacday Sheekhii,

iyada oo u Mahad celineyso, Sheekhii ayaa yiri:- Bal ka waran Ninkii ?,

Gabadhii ayaa ugu jawaabtay:- Sheekhoow Masaajidkaba isaga ayaa Fura, oo Mu’adinkaba isagaa ka Horeeyo.

Sheekhii ayaa yiri Allah ayaa Hanuunka leh .inta ay gabadhii qososhay ayey sheeqii ku tiiri:

Sheekhoow waa run oo Alle ayaa hanuunka leh laakiinse meelba leygama heyn Jinina iguma jirin keliya waxaan Rabay inuu ninkeygu Salaada tukado. War Tuko ayaan ku kari waayey.

Akhriso: Sheekooyin qosol qeybtii koowaad

Sheeko Somali nin reer Mudug ah oo galmo raadis ah

 Oday iyo habar reer mudug ah,oo doonayay inay isu galmoodaan hadana kala xishoonayay ayaa meel kuwada kulmay.

Odaygii macawuustii ayaa kadhacday,Naagtii intay afka gacmaha saaratay beey tiri:War waamaxay waxaan madoow? asagoo aan kawaalin oo dhoola cadayhaa ayuu ugu jawaabay waxaani waa mayd. Daqiiqado ladib habartiibaa ayadna dabeyl xoogan diricii kafayday……….odaygii intuu soobooday ayuu kuyiri naa ba,aa, waa maxay waxaani?

Waxay ugu jawaabtay waa qabri.

Odaygii intuu naagtii udhawaaday buu kuyiri naa heedhe maydka ma,aasnaa?

Duqdii ayadoo faraxsan beey tiri aan aasnee bisinka inoo qabo.

1 thought on “Sheeko Somali Ah oo Qosol Badan”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »